Daawo:Burco oo laga bilaabay Barnaamijyo Rajo Soo-celineed oo aan soo marin Tan & Intii S/land Madaxbanaanideeda la soo noqotay
Africa Brief: Somaliland’s strategic case for independence
Welcome to Foreign Policy’s Africa Brief. The highlights this week: Somaliland’s latest pitch for independence, fresh protests rock Sudan’s still-fragile new democracy, and Mali’s looted history.
A Case for Statehood
For 30 years, Somaliland has called for its independence as a sovereign nation. Now, as Somalia is gripped by its latest democratic crisis and Somaliland unveiled a new strategically-located container port in Berbera last month, the semi-autonomous region hopes the international community will view its own election and economic potential as a sign it should be allowed to break away.
Local election. On May 31, Somaliland held parliamentary elections, with more than a million people voting. The results were celebrated as a win for democracy when an alliance of two opposition parties gained the majority, giving them the power to run councils and select mayors. The Justice and Welfare Party added its 21 seats to the 31 seats secured by the Somaliland National Party, known locally as Waddani, to oust the ruling Peace, Unity, and Development Party, known as Kulmiye.
Still, none of the 13 women who ran for office were elected, and the election was marred by reports that five opposition candidates were arrested ahead of the vote—not to mention the harassment of journalists. The election itself was also more than a decade late, delayed by a lack of funding and a dispute over the electoral commission’s composition.
“We’re not saying we’re perfect; we’re saying we’re on the right path,” Bashir Goth, head of the Somaliland mission to the United States, told Foreign Policy. “Election is one factor, but there are areas we are doing well—security and other areas—and we hope with international recognition, we will be able to be a very good member of the international community and we will do even better.”
International recognition. A former British colony, Somaliland gained its first taste of independence in 1960, but just months later, the new parliament decided to join the former Italian colony Somalia, in what they hoped would eventually become a federation of Somali states in the Horn of Africa. In a 1961 national referendum, a majority of northern voters in what is today Somaliland rejected unification (and many boycotted the vote), but a majority in the south voted in favor.
Army officers led a rebellion to ensure Somaliland’s independence, but it was ultimately quelled—although tension has remained between the north and south of the Somali Republic. As Somalia devolved into a Marxist dictatorship, Hargeisa, the capital of Somaliland, wanted out. In 1991, Somaliland’s leaders decided to break away, forming a polity with all the trappings of statehood: a currency, a passport, and a president of its own. It also has a national day, each year celebrating its decision to break away with parades, with this year’s 30-year milestone attracting additional fanfare on May 18.
What it never received, however, was recognition as a state. The United States and other Western powers have deferred to the African Union (AU), and the continental body has in turn avoided making a decision. Instead, it has continued to support efforts to stabilize Somalia as a country that includes Somaliland and other provinces attempting to break away: Puntland and Jubaland.
Despite a 2005 fact-finding mission that found Somaliland’s situation to be “unique and self-justified in African political history,” the AU may also be deterred by the history of Eritrea and South Sudan, two countries that became mired in conflict soon after they gained independence. It’s a comparison Goth and others have heard before.
“It’s a valid question, but it’s the wrong analogy. It’s like saying if one African country is not doing good, all African countries are bad,” Goth said. “All the 30 years we have been out of Somalia, we were building our peace, building our institutions, building our democracy. We have all the requirements of a state.”
Building infrastructure. Perhaps most significantly, Somaliland has also built the Berbera Port, opening a new terminal on June 24 . Operated by Dubai Ports World, the new terminal increases the Berbera Port’s annual capacity from 150,000 containers to 500,000 containers along a key global trade route for crude oil. It also broadens a trade corridor between Somaliland and landlocked Ethiopia, which also has a large Somali community, and sent a high-level delegation to the opening.
The Berbera project has strengthened ties between Gulf countries and the breakaway state, explains independent journalist Ismail Einashe. Along with Emirati investment, Turkey and Taiwan have also looked to invest in Somaliland. Kenya has considered opening a consulate in Somaliland while Kenya Airways planned to launch a route between Hargeisa and Nairobi, announcing a delay over operation requirements.
“What is shifting is the engagement of regional and international players into the Somaliland situation,” Einashe said. “Somaliland is cementing its reputation as being a haven for democracy in the region, but it’s also increasingly getting the interest, in terms of business and other kind of investments, from countries that feel they no longer have to pay lip service to the Somali government, that are increasingly going out on their own and engaging directly with the government of [Somaliland] President Muse Bihi Abdi and Hargeisa directly.”
Threats from within. For a state with no real recognition in a volatile region, Somaliland’s achievements are commendable. Yet, the very elections Somaliland touts as a sign of sovereignty could also be a threat to its stability, Einashe warned. Although the political elite remain singularly focused on gaining recognition, Somalilanders younger than age 30 have known nothing but this anguished political purgatory.
“When you keep a place like Somaliland in a limbo state for so long, then perhaps there’s a kind of weariness around this democratization process because if it doesn’t deliver independence, why would people continue on that road? There’s always that danger,” Einashe said.
Daawo:Gudoomiye Cirro oo ka hadlay Doorashooyinka Guurtida & Madaxtooyada S/land ee soo socda
Somaliland: Duruus la siinayo qalinduureyaasha garaaca albaabada
Somaliland: Duruus la siinayo qalinduureyaasha garaaca albaabada
qarannimada
Akhriste ilaa halgankii daraawiish waxaa somaliland ka socday legdan u dhexeeya xaqa iyo baadilka, legdankaasi maalinba heer ayuu joogay. Maalintii Soomaaliyi xorowday oo la asaasay jamhuuriyadii burburtay waxa la isla gartay in guushii gobanimada nin kastaa ha u halgamee ay tahay hanti somaliyeed oo loo siman yahay, somali ayaa guulaysatay isticmaarna wuu jabay. Dawladii la dhisay waxa qaadatay siyaasad lagu sharfayo halgameyaahii guusha, waana sida ay yeeli jireen dalalkii xoroobay oo dhami, waxaa arintaa markhaati u ah suugaantaa iyo qoraaladii la sameeyey intii u dhexaysay 1960-1969. iyadoo ummadu sidaa tahay oo dadkii isku waafaqeen amaanta halgameyaashii daraawiish, kuwii Syl, kuwii SNL, NUF iyo USP ayaa waxa dalka qabsaday saraakiil askar ah oo afgembiyey nidaamkii jamhuuriyadii Somaliya. askartaasi taariikhdii halganka somalida dhib umay geysan in muddo ah. Suugaantii somalida ee midaysnayd saldhigna u ahayd taariikhda qaranku way sii xoogaystay waxaana hormood u noqday abwaanada reer Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xidigihii fanka ee tobanlihii 70naadkii, oo ay ka mid ahaayeen, Muuse Galaal, Hadraawi, Cabdiqays, Qaasim, Xasanganay, Muuse Cali faruur, Adancarab, Xasan sheikh mumin, Dheeg Yasin, Cabdilaahi qarshe, Cali Sugule iyo qaar kale oo badan. Akhriste waagaa waxaanu haysanay suugaan leh aragti midaysan marka laga hadlayo halgankii iyo taariikhda jamhuuriyadii Soomaliyeed oo uu ka mid yahay Seyid Maxamed Cabdille Xasan.
Waxaase arini murugtay markii uu taliskii askartu isu bedelay talis uu nin keliyihi ka arimiyo, oo taliskiiba u ekaysiisay sidii meel uu boqor xukumo, taas oo la dilo ninkii boqorka wax ka sheega. Boqortooyo u egtu waxay bilowday bal inay yeelato taariikh iyada u gaar ah oo aan somalida kale la lahayn, taas waxay kaga dayanayeen dalalka boqoradu xukummaan. Waxa la shaqaalaysiiyey dad sameeya taariikh cusub oo ku fadhida ina Cabdulle Xasan iyo horjoogihii askartii inqilaabka, dadka waxa hormood u noqday Axmed faarax Cali (idaajaa) iyo Aw jaamac cumar ciise. Iyagoo ku shaqaynaya adeegsanayaa wax kastoo qaranku lahaa waxay isku dayeen inay sameeyaan taariikh iyo buugaag aad uga fog xaqiiqooyin ka jiray somaliland waqtigii maxmiyada, adiguba akhriso buugaagta ay ay raggasi qoreen ee ay dadka ugu kala saareen gaal iyo gaalo raac, dabodhilif iwm.
Markiiba waxa bilaabantay falcelin abwaanadii dalku arintaa kaga falceliyeen silsilada maansada Deelley, waa markhaati cad sidii loo falceliyey, waa weerer iyo weerer celis. Markiiba laba iyo laba ayaa la isugu jawaabay iyadoo arin daaran tahay, maxaa qaranka aynu wado leenahay sidaa ugu gelaysaan iyo maxaad dawladayada ugu hadlaysaan. Dabeed arintiiba dagaal gacanta laysula tegey ayay ku dambaysay, qarankii la wado lahaana wuu burburay. Iyadoo sidii loo kala maqanyahay ayaa qaar ka mid ah qalinduuriyaasha Hargaysa ay ku soo dhoweeyeen Hargaysa Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ay u abaabuleen gole uu ka hadlo. Qalinduureyaashaasi kuma ay cibri qaadan wixii ku dhacay raggii ay Idaajaa soo wado shaqayn jireen, isla markaana uu weli taaganyahay khilaaf suugaaneedkii waagaasi, kamay xishoon in Hargaysa ugu yeedhaan Idaajaa oo ay weliba u ammaan u xambaariyaan.
Qalinduureyaashii mid ka mid ah oo la yidhaahdo Yusuf Shaacir ayaa todobaadkan isla soo hortaagay dadka reer somaliland inuu aqbalay guddi xeeldheereyaal ah oo idaajaa ka mid yahay oo Xamar looga taliyo. Haddii loo caqli celiyeyna wuxuu weli la taagan yahay “waan caawinayaa siyaasadni kuma jirto”. Qalinduureyaashu waxay u eg yihiin dad indho la,aan ku jiidhaya khadad cascas oo aan loo dulqaadan karin in laga gudbo. Waxaa hubaal ah haddii arintaa wax laga waydiin lahaa Baabe yusuf, Dheeg, Hadraawi, Cabdiqays, Adan Tarabi inay muujin lahaayen siday uga xunyihiin dhaqanka qalinduureyaasha, taas oo lagu koobi karo”rag dil wuu geyaa qadafse waa lagu duloobaa”
Gebogebadii waxaan odhan laha qalinduure “hore hawgu dhicin waa intaad hanaqa waydaa”
Mohamed Abokor/Gothenburg, Sweden
mohmed.abokor@yahoo.co.uk
Ma ogtahay Dagaalka Dadka Aaminnay Fikirradaha Calmaaniyaddu Ay Ka Waddaan Gudaha Somaliland, Gaar aahaan Barraha Bulshada

“Daggaaalka dadka Aaminsan Fikirka Calmaaniyaddu ay ku hayaan labadan nin oo ay u arkan cadow blse bulshada badbaado u ah”
Waxa xulay dhalinyarada barraha bulshada fikir iyo afkaaro laga faafinayo barraha bulshada oo baryahan danbe aad usoo xoogaystay xadhkahana goostay kaas oo ku dhisan arragtida “Calmaaniyadda.”
Cilmaani: waxaan ku macnayn karnaa “qof hab-fikirkiisu nololleed ka fogy-yahay diinta”. haddii aan si kale u dhigno waa arragti : waa qorshe lagu doonnaayo in noollaha ama aaddamaha lagu maamulo cilmi loo dajiyey iyo caqli, lagana foggeeyo arrimaha la xidhiidha diinta iyada oo la rabo in laga dhaadhiciyo bulshada in fikirka xorta ahi ka wanaagsanyahay kan diinta. diintuna aannay la jaanqadi karin dawladnimadda casriga ah iyo noloshan ilbaxnimada la xidhiidha ee wakhtigan lagu jiro. si taas dadka looga dhaadhaaciyo waxaa sawir xun laga bixinnayaa wax kasta oo “Diinta Islaamka” la xidhiidha , tusaale ahaan culimada oo dhan waxaa lagu tilmaamayaa in ay yihiin arragaxiso , in ay dadka cabudhiyaan , waxaa dacaayaddo loo samaynayaa malcaamaddaha oo lagu tilmaamayaa goobo ganacsi, waxa ceeb loo samaynayaa wax kasta oo diin la xidhiidha, waxaa xataa lagu odhanayaa lacagaha badan ee inaga gala Masaajidada, inaga oo iskuulo ka samaysana ayaa ka faa’ido badan ama waxyaabo kale oo dan-guuda iyo Dawladnimo la xidhiidha . Hooggooda ee gormaa ayay guryihii ilaahay loogu cibaadaysan jiray ay ka faa’ido bateen “Tiyaatarada ” iyo dhulka lagu caweeyaa, maaxaase masaajidka loo beegsaday ee arrinka looga weeciyay dhismayaal badan oo aan dan iyo diintoona ku jirina.
Dadkan aan ka hadlayo waa dhalinyaro reer Hargaysa u badan balse iminka ololhooda gobolada oo dhan ku faafay, saamayn wayn ayuu ku yeeshay, sidii ay u gudbin lahaayeen arragtidaas ku dhisam calmaaniyadda.
Labbadan nin ee taswiirtood aan soo qaatay waa Yuusuf Shaacir iyo Cabdimaalik muuse coldoon waa labo nin oo ku addag Diinta isla markaana waxaan odhan karaa, waxay kamid yihiin inta fahmsan duulaankan ka yimi dalalka shisheeye ee ku fiiday caasimada Haragaysa iyo guud ahaan dalka ,baraha bulshadana xooga ku yeeshay baryahan danbe, marar badan ayay ka hadleen khatar ay leeyihiin calmaaniyiinta dalka ku sugani iyo arragtiyaha ay gudbinayaan, sir iyo caadba way inoogu sheegeen lkn wali lama baraarugin dagaalkaasna way ku kaliyaysteen , kooxahaas oo xoog kuleh “Baraha Bulshada” dad badana fikirkooda gaadhsiiyay , waxay duulaan ku qadeen labadan nin, waxay u samayeen daacayaddo iyo hadal-tiro lagu ceebaynaayo sawracoodda , sharftooda iyo dadnimadooda ilaa loo sameeyay sawiro iyo daacayado ay dad badan oo aan waxba fahmsanaynin iska dabayl-raaceeen Barraha Bulshada.
Weerarkii lagu qaaday maalmihii aynu soo dhaafnay Abwaan Yusuf shaacir, muu ahayn mid la xidhidhay reernimo iyo muqdisho ee wuxu ahaa daggaal ay soo qaaddeen dadka fikirkaa calmaaniga aaminsan oo ragan u arka cadawga kaliya ee hor istagi kara kuna ah caqabada , lakiin arrinkii markii danbe wuxuu noqday sidii Hees-Hawaleedka oo qof waliba dhinicii u rabay ayuu ula kacay, mid qabyaalad la doonta mid muxibada Somalilanimo madax martay oo isna dhinacaas dagaalka ka gala iyo qoladii awelba ciilka qabtay ee calmaaniyiinta oo dareenka dadka dilaala .
Dadka ugu badan ee ay fikirkan ka dhaadhiciyaan Waa haweenka iyo dhalinyarada, waliba kuwa waxbartay lagu tilmaamo in ay noloshii xorta ahayd gaadheen. iyadda oo kuwa kalena loogu hoga-tusaaleeyo in ay ka maqantahay xornimo nololeed oo sal-balaadhin isla markaana noloshooda diintu la xidhiidho ay tahay dib u dhac iyo xorriyad la’aan.
Dadka ugu badan ee fikirkan faafiyaa Waa Dad Qoraalka xiiseeya ama Qorraayaa, Garyaaqaano iyo dadkale oo ah team NGO -yo ah.
Tallo waxaan usoo jeedin lahaa culimada, dhalinyarada iyo bulshada kale in dadkaas aan xusay il gaar ah lagu hayo, culimada waxaan jeclaan lahaa in ay soo galaan “Social Media ” oo halkaas ay ka bilaabaan dacwada iyo toosinta dhalinyarada iyo sidii dadkaas calmaaniga aaminay bulshada looga badbaadin lahaa looguna tilmaami lahaa . Waxaan soo jeedinayaa in dadkaas lala galo dagaalo ku dhisan aqoon iyo qalin lana masaxo Calmaaniyadda ay ka dhex wadaan barraha bulshada.
Taladdayda ugu danbaysaa waxa weeye, ha baraarrugaan dhalinyarada barraha bulshadu oo dacwaddaa khaldan ee lagu fidinnaayo haka feejignaadaan, hana ka hortagaan, dadka aan ka hadlayo qof kasta oo barraha bulshada isticmalaa cid kamid ah ayuu garan donaa insha allaah.
Waxa Qoray. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi
Facebook. Mustafe Ahmed Geedi
WhatsApp. 0659555532
Yaa ka dambeeyey dilka madaxweynihii Haiti Jovenel Moise?

Koox ku taqasustay khaarijinta iyo shirqoollada dilka, oo u badnaa askar howlgab ka noqotay ciidamada Colombia, ayaa ka dambeeyay dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse, ee horraantii isbuucan, sida ay sheegeen booliska dalkaas.
Kooxda weerarka fulisay waxay ka koobnaayeen 26 u dhalatay Colombia iyo laba Mareykan ah – asalkooduna yahay Haiti – sida laga soo xigtay taliyaha Booliska dalkaas, Léon Charles, oo la hadlay saxaafadda.
Siddeed ka mid ah kooxdaas laga shakisan yahay ayaa weli baxsad ah, 17-ka kale oo ay ka mid yihiin labada Mareykanka ah, ayaa la qabtay oo la xiray.
Kuwii sida ugu wayn looga shakisanaa waxaa lagu dilay dagaal iyaga iyo booliska ku dhexmaray magaalada caasimadda u ah Haiti ee Port-au-Prince.
Aroortii hore ee subixii Arbacada, koox dablay ah ayaa gudaha u galay guriga madaxweynaha, waxayna toogteen isaga iyo xaaskiisa.
Moïse waxaa la helay isagoo dhabarka u jiifa oo 12 xabadoodna ay ku dheceen. Isla goobta ayuu ku dhintay, sida maamulka dalkaas ay sheegeen.
Xaaskiisa ayaa si xun u dhaawacantay waxaana loo qaaday gobolka Florida si loogu soo daweeyo halkaas. Waxaa la sheegayaa in hadda xaaladdeeda ay wanaagsan tahay.
Weli ma cadda cidda qorsheysay weerarka iyo ujeedadii ka dambeysay. Ra’iisul Wasaaraha Kumeelgaarka ah ee Haiti, Claude Joseph, wuxuu BBC-da u sheegay in ay suuragal tahay in madaxweynihii 53 sano jirka ahaa loo bartilmaameedsaday arrimo la xiriiray la dagaallankiisii “kooxaha qaska ka wada dalka”.
Khamiistii, booliska waxay qaar ka mid ah dadka laga shakisan yahay u soo bandhigeen warbaahinta. Waxaa kale oo la soo bandhigay hubkii la soo qabtay, baasaboorrada dalka Colombia iyo waxyaabo kale.
“Ajaaniibtan waxay dalkeena u yimaadeen si ay u dilaan madaxweynaheena,” ayuu yiri Charles.
“Waxaan sii xoojineynaa baritaankeenna iyo farsamada raadinteenna illaa aan soo qabanno 8-da kale ee calooshood u shaqeystayaasha ah,” ayuu hadalka ku sii daray.

Dowladda Colombia waxay sheegtay in ugu yaraan lix ka mid ah kooxda la sheegay ay u muuqdaan rag militarigooda ka tirsanaa oo hadda howlgab ah.
Dalka Colombia wuxuu ballan qaaday in Haiti uu ka caawinayo dadaalka baaritaanka ee la xiriira dilka madaxweynaha.
Balse, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay sheegtay in aysan xaqiijin karin in Muwaadintooda lagu qabtay Haiti.
Baarayaasha Haiti waxay weli raadinayaa maskaxdii ka dambeysay arrintan dilka ah ee loo geystay madaxweynaha, taas oo sababtay xasillooni daro kooban oo ka taagan dalkaaas ugu faqiirsan Amerika.
Dad careysan ayaa Khamiistii isugu tagay Saldhigga Booliska, si ay u daawadaan howlgalada ay ciidanka sameynayaan. Waxaa jiro gawaari la gubay. Meesha lagu hayo kuwa laga shakisan yahayna waxaa isugu tagay dad badan.
Dalkaas oo dhan waxaa hadda ka jiro xaalad amar oo degdeg ah.
Yaa hadda masuul ka ah dalka Haiti?
Khaarijinta madaxweynaha waxay sababtay in la garan waayo qofka maamulaya Haiti.
Dastuurka dalkaas wuxuu sheegayaa in Qaadiga maxkamadda Sare uu qabanayo xilka, balse dhowaan ayuu u dhintay xanuunka COVID-19.
Arrintaa ka dib, isbedel la sameeyay waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu hoggaaminayo. Muddadii afarta sano ahayd ee Moïse uu xilka hayay, wuxuu soo magacaabay lix ra’iisul wasaare.
Isniintii, maalin ka hor intii laa la dilin ayuu magacaabay Ra’iisul Wasaarihii Toddobaad oo ah Ariel Henry.
Mr Henry weli looma dhaarinin xilka, balse wuxuu ku adkeystay in uu isaga yahay masuulka dalka hoggaaminaya.
Mr Joseph, oo ah Ra’iisul Wasaaraha Kumeelgaarka ah, wuxuu BBC u sheegay in uu “la yaabay” hadalka ka soo yeeray Mr Henry.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in Mr Joseph uu xilka siihayo illaa doorasho laga qabanayo, dhammaadka sannadkan.
Wuxuu sheegay in uusan u tartami doonin xilka madaxweynaha, haddana uusan qabaneynin xilkii madaxweynenimo.
“Halkan uma joogo in aan muddo ku sii sugnaado. Waxaan u baahannahay in aan doorasho qabano. Ma lihi qorshe shaqsiyadeed,” ayuu yiri.
Sidee weerarka lagu ogaaday?
Khaarijiyeyaal aad u hubeysnaa ayaa weeraray guriga madaxweynaha oo ku yaalla buuraha ka sarreeya magaalada Port-au-Prince, subixii Arbacada.
Muuqaal la bahiyay waxa ka muuqdo rag aad u hubeysan oo dhar madow wada xiran oo iska dhigayay Laanta Mareykanka ee la dagaallanka daroogada.
“Waa howlgalka DEA [Laanta La dagaallanka daroogada ee Mareykanka], qofkasta dhulka seexo!” ayey dheheen.
Xafiiska madaxweynaha iyo qolkiisa jiifka ayey si degdeg ah u galeen qaarkood.


Seddaxda canug ee ay dhaleen labadii xaas ee hore, Jomarlie, Jovenel Jr iyo Joverlein, ayaa la sheegay in “meel amni ah lagu hayay”, sida saraakiisha laga soo xigtay.
Xitaa ka hor intii aan la dilin madaxweyne Moïse, xaaladda Haiti ayaa lagu tilmaamay in ay ahayd mid aan degganeyn, waxaana jiray isu soo baxyo lagu dalbanayay in uu is casilo.
Doorashadii baarlamaanka oo ahayd in la qabto bishii October ee 2019 ayaa dib u dhacay ka dib khilaafyo. Taas micneheedu wuxuu yahay in Mr Moïse uu xilka hayay isagoo wakhtigiisii uu dhammaaday.
Aabbo Soomaaliya oo 55 jir ah oo go’aansaday inuu noloshiisa wax bedelo,Isguulna Bilaabo+Wuxu la kulmay
Aabbo Soomaaliya oo 55 jir ah oo go’aansaday inuu noloshiisa wax bedelo,Isguulna Bilaabo+Wuxu la kulmay

Aadan Muxumed Cumar, waa aabo Soomaaliyeed oo 55 sano jir ah, wuxuu wax ka bartaa mid ah iskuullada ku yaala magaalada Garissa ee Waqooyi Bari dalka Kenya.
Wuxuu soo maray xaalado kala duwan, sida uu sheegay balse ugu dambayntii wuxuu go’aansaday inuu waxbarashada dhankeeda tijaabiyo.
Aadan, fasalka uu dhigto waxaa ku wehliya arday da’yar, balse sheekada aabahan ayaa dhiiragelinaysa dad badan oo u haystay in qof weyn uusan wax baran karin.
Aabahan ayaa BBC-da uga warramay sababta ku kaliftay inuu xilligan waxbarasho bilaabo, wuxuuna sheegay inuu rabo in uu tusaale uu u noqdo dadka aaminsan in qof weyn uusan xilligan xiran karin dharka iskuulka ee carruurta ay xirtaan.
Wuxuu sidoo kale ka sheekeeyay inuu soo maray xaaladda kala duwan ka hor inta uusan go’aansanin inuu noqdo arday.
“Wax badan ayaan soo maray aniga, reer baadiya ayaan ahaa oo xoolo ayaan soo raaci jiray, kaddib waxaan aaday Nairobi ilaa Kisumu, waxaana ka soo qabtay shaqooyin kala duwan,” ayuu yiri.
“Waxaan mar ahaa waardiye, inta badanna dad ayaan u shaqaynaayay, marna anaa shaqaysanayaay oo alaab ayaan wareejin jiray waxaana wadi waayay shaqooyinkaas waxbarasha la’aan darteed, sababtoo ah dadka magaalooyinkaas joogo luuqada kale ayey ku hadlaan.”

Aaadan ayaa sheegay in shaqooyinkii uu soo qabtay dhamaantood uu wadi waayay “waxbarasha la’aan darteed”.
Caqabadda ugu wayn ee uu la kulmay waxay ahayd luqadaha ay dadka kale ku hadlaan, si gaar ah, magaaloyiinkii uu ka soo shaqeystay.
“Muddo shan iyo toban sano ah ayaan dad u shaqaynayay ka dib ayaan ganacsi aan aniga leeyahay bilaabay. Waxaan ogaaday ugu dambayntii in waxbarasha la’aan aan meel la gaari la’ahay”, ayuu u sheegay BBC Somali.
“Hadaad rabto in aad ganacsi ka shaqayso, waa in aad aqoonteeda leedahay. Hadaad rabto in aad xafiis ka shaqayso, waa inaad aqoon leedahay. Hadaad rabtid in aad siyaasad gasho, waa inaad aqoon leedahay. Marka aqoon la’aan meel looga maarmo malahan,” Ayuu yiri Aadan.
Ninkan 55 sano jirka ah wuxuu ardayda da’da yar ku booriyay muhiimadda ay waxbarashada leedahay, wuxuuna tilmaamay in iskuulka uu u xirto dharka loogu talagalay, isaga oo awoodo inuu dharkiisa caadiga ah la tago.
“Waxaan go’aansaday in aan qof walba u muujiso in dharkan la xiran karo oo aysan da’da ku xirnayn.”
“Waxbarashada da’ malahan. Marka waxaan go’aansaday in aan wax barto oo aan tusaale u noqdo ilmaha hadda joogan.
“Waxabarashada maadiga ah waxay kaa caawinaysaa wax badan, haddii aad xitaa diinta faafinayso waxay kaa caawinaysaa in aad luuqad kale dadka ku gaarsiiso,” ayuu sheegay.
Wuxuu intaa ku daray: “Awal dadka ayaan ka codsan jiray in ay wax ii aqriyaan ama wararka luuqadda Ingiriiska lago qoro i fahansiiyaan, balse hadda aniga ayaa wax walba aqristo.”
Madaxweynaasha Afrikaanka ah ee la khaarajiyey iyaga oo xukunka haya
Madaxweynaasha Afrikaanka ah ee Toogasho lagu dilay iyaga oo xukunka haya

Dhacdooyinka dilalka qorsheysan ee ka dhaca wadamada waaweyn ayaa aad hoos ugu dhacay sanadihii la soo dhaafay, balse waxay u muuqataa wali in ay dalalka qaar ka dhaceyaan.
Madaxweynaha dalka Haiti, Jovenel Moïse ayaa shalay la toogtay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla caasimadda dalkaas.
Rag hubeysan oo aanan heybtooda la aqoon ayaa weerar ku qaaday guriga madaxweynaha qiyaastii koowdii habeennimo ee waqtiga dalkaas.
Kusimaha ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in la qaaday tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo dalka, wuxuuna haatan la wareegay awoodda dalkan ku yaalla gacanka Caribbean-ka, isaga oo shacabka ugu baaqay in xasillooni ay muujiyaan.
Dhacdooyinka dilalka qorsheysan waxay ka dhacaan dunida oo dhan, balse inta badan waxay ka dhacaan Bariga Dhexe, Koonfur-bari Aasiya iyo Saxaraha hoose ee Afrika.
Halkan kaga bogo qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika ee toogashada lagu dilay iyaga oo weli xukunka haya.
1: Idriss Deby – Chad

Madaxweynihii dalka Chad, Idriss Déby, ayaa si lama filaan ah ku geeriyooday kaddib markii uu dagaal dhacay isagoo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ay ciidamada waddankiisa kula jiraan xoogagga fallaagada,.
Déby oo 68 jir ahaa ayaa ciidanka booqanayay xilli ay xoogagga fallaagada ku ah dowladdiisa ku howlan yihiin olole ay ku qabsanayaan dhul hor leh.
Dagaalka madaxweynaha lagu dilay waxaa fuliyay fallaagada ku sugan xadka u dhaxeeya Chad iyo Liibiya, halkaas oo ah goobta uu tagay Déby.
Mr Déby wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi dhacay sanadkii 1990-kii, in ka badan 30 sano ayuuna xilka hayay.
Idriss Déby wuxuu ku dhashay magaalada Fada ee bariga dalka Chad sanadkii 1952-kii. Isagoo ah askari ka tirsan militariga ayuu siyaasigii lagu magacaabi jiray Hissen Habre ka caawiyay inuu xukunka ka tuuro Goukouki Oueddei, sanadkii 1982-kii.
1989-kii, wuxuu u baxsaday dalka Suudaan kaddib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgambi militari.
Laakiin hal sano kaddib xisbigiisa oo la magac baxay dhaqdhaqaaqa waddaniga ayaa kacdoon hubeysan oo ay sameeyeen xukunka uga tuuray Mr Habre oo dalka dibaddiisa u cararay. 1991-kii ayay ku dhawaaqeen in Mr Déby uu yahay madaxweynaha Chad.
2: Sheekh Cabayd Aman Karume – Zanzibar

Wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Zanzibaar iyo ku-xigeenkiisii ugu horreeyay ee Tanzania.
Sheekh Karume waxaa lagu toogtay dhismaha Xarunta Dhexe ee Xisbiga Afro-Shirazi (ASP) oo ku taala Zanzibar, bishii Abriil 7, 1972.
Waxaa la sheegay in nin ka mid ahaa ilaaladiisa gaarka ah uu fuliyay weerarka, in kastoo aan ilaa hadda la hubin, sababo la xiriira ku dhawaaqida geerida hoggaamiyaha oo aan horay loo sii shaacin, taas oo aan laga ilaabi doonin taariikhda jasiiraddii xoraynta.
3: Mucamar Qadaafi – Libya

Waxaa lagu xasuustaa awoodiisa militari ee ka caawisay inuu xukunka la wareego sannadkii 1969.
Waa la qabtay oo la jirdilay ka hor intaan la dilin, bishii Oktoobar 20, 2011, ka dib isku dhacyo taxane ah oo loogu magac daray ‘Dagaalkii Sirte’ ee u dhaxeeyay askarta daacada u ahaa isaga iyo ciidamada NTC oo aan adeecin.
Arrintaas waxay ka dhalatay kacdoonkii dalalka carabta oo dalka Libya gaaray, illaa xukunka laga tuuray Qadaafi.
4: Cabdirashiid Cali Sharmaarke – Soomaaliya

Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la dilay 15 October, 1969. Wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ee si nabad ah xilka kula wareegay, balse dilkiisii ka dib, waxaa xukunkii dalka la wareegay militarigii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.
Cabdirashiid wuxuu sidoo kale noqday Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya, 1960 illaa 1964.
5: Laurent-Desire Kabila – DR Congo

Wuxuu ahaa Madaxweynihii seddexaad ee DR Congo, oo xilligaas loo yaqaanay Zaire.
Wuxuu dalka xukumayay laga soo bilaabo 1997 illaa markii la dilay, bishii Janaayo 2001.
Markii xukunka uu la wareegay madaxweynihii isaga ka dambeeyay, Mobutu Seseseko, wuxuu badelay dastuurka wuxuuna dib usoo celiyay DRC wuxuuna tirtiray magaca Zaire.
Laurent-Desire Kabila Waxaa lagu toogtay xafiiskiisa, bishii Janaayo 16 2001. Waxaana isla markiiba loo qaaday Zimbabwe si loogu daweeyo.
Geeridiisa ayaa la shaaciyey Janaayo 18. Wasiirkii caafimaadka ee xilligaas, Leonard Mamba, wuxuu ku sugnaa qolka labaad, markii uu weerarku dhacayey.
6: João Bernardo Vieira – Guinea Bissau

Vieira wuxuu u hogaamiyay Guinea-Bissau sedex xilli oo kala duwan, laga soo bilaabo 1980 ilaa 1984, wuxuu xilka qabaty markii labaad 1984 ilaa 1999. Mar saddexaad ayuu haddana ku soo noqday 2005 ilaa 2009. Vieira wuxuu Guinea-Bissau hogaamiyay 19 sano.
Afar sano ka dib (2-da Maarso 2009) waxaa dilay askartiisa, saacado uun ka dib, dilkii taliyaha ciidanka General Batsta Tagme Na Waie.
Warbixinnada ku saabsan dhimashadiisa ma cadda. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in lagu dilay bambo, kuwa kalena lagu dilay rasaas markii dambena bambo lagu qarxiyay.
7: Samuel Doe – Liberia

Samuel K. Doe wuxuu ahaa Madaxweyne laga bilaabo Abriil 12, 1980, wuxuuna hoggaaminayay afgembigii militariga ee Monrovia ee xukunka looga tuuray William Tolbert.
Samuel Kanyon Doe, oo ah ruug cadaa ka tirsanaa ciidamada qalabka sida, oo xukunka kula wareegay qori, wuxuu madaxweyne ahaa 10 sano, intii u dhaxeysay 1980 illaa 1990.
Wuxuu caan ku ahaa xukun kaliye talisnimo ah ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
8: General Ibrahim Baré Maïnassara- Niger

Maïnassara, wuxuu ahaa xubin ka tirsan Maouri ee qowmiyadda Hausa, wuxuuna xukumayay Niger muddo seddex sano ah – intii u dhaxeysay 1996 iyo 1999.
Wuxuu soo afjaray xukunkii militariga sannadkii 1991, ilaa Maarso 1995. Maïnassara wuxuu noqday Taliyaha Ciidamada Difaaca ee dalkaas.
Doorashadii baarlamaanka ee Janaayo 1995, waxay dhalisay xiisad u dhaxeysay madaxweynihii xilligaas Mahamane Ousmane iyo aqlabiyadda baarlamaanka oo ay hoggaaminayeen xildhibaannada mucaaradka ee uu horkacayay ra’iisul wasaaraha, Hama Amadou.
Taas waxay sababtay in dowladdu ay khalkhal gasho oo ay noqoto mid awood la’aan ah, waxayna ahayd markii uu Maïnassara, abaanduulaha ciidanka, uu xafiiska la wareegay oo uu madaxweyne noqday, bishii January 27, 1996.
Geeridiisii ka dib, Raiisal wasaare Amadou iyo hogaamiyeyaasha kale ee sarsare waxay ku dhawaaqeen in ay yihiin madaxweynayaal.
Ka dib hogaamiyihii militariga Daouda Malam Wanke, ayaa soo faragaliyay wuxuuna isku magacaabay madaxwayne bishii Abriil 11, 1999, waxaa tallaabadaas lagu tilmaamay afgambi ula kac ah.
Iibka Xoolaha Soomaalida oo si xawli ah uga socda Dalka Imaraadka Carabta+Qiimaha oo sareeya & Habka Iibka oo la fududeeyay
Iibka Xoolaha Soomaalida oo si xawli ah uga socda Dalka Imaraadka Carabta+Qiimaha oo sareeya & Habka Iibka oo la fududeeyay

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hirgeliyey nidaam fudud oo uu Soomaalida uga iibsanayo xoolaha xilli hadda lagu guda galay xilliga iibsiga xoolaha ka hor Ciidul Adxaa oo ay naga xigto wax ka yar laba toddobaad.
Nidaamkan ayaa ah in xoolaha lagu kala gato qaab Online ah, taasi oo sahashay in Imaaraadka Carabta la geeyey sanadkan xoolo tiro badan oo laga qaaday Soomaaliya, iyadoo ay Imaaraadka marisay tijaabo caafimaad oo qaadatay waqti badan, kadibna
Sida lagu daabacay Gulf News qiimaha “Wanka Soomaaliya” laga qaado ee yar oo dhan 12kg isla markaana ah Lix bil jir waxaa la iibinayaa lacag u dhaxeysa 925 ilaa 980 Dirham oo u dhiganta ($251-$266).
Dowladda Imaaraadka ayaa dadka shacabka ah u fududeysay kawaano Online looga iibsan karo Xoolaha loogu talagalay Ciidul Adxaa, dadka ayaa dalbanaya kadib waxaa loogu keenayaa Guryahooda.
Waxaa socdo diyaar garow xooggan oo loogu jiro Ciidda Carafo oo la filayo inay noqoto 20 July 2021, maadaama ay dadka gooracayaan xoolo waxaa loo diyaariyey goobo hoosstaga Dowladda Hoose ee Imaaraadka Carabta.
Suuqa Online-ka ah ayaa waxaa lagu kala iibsanayaa Ariga, Lo’da & Geella, waxaana xoolaha inta ugu badan laga keenay dalka Soomaaliya oo ah dal hodan ku ah xoolaha.
Mas’uuliyiinta Abu Dhabi ayaa sheegay in qaabkaan uu fududeynayo dalabaadka dadka & gudbinta Xoolaha ay dooqdaan, xafiisyo kala duwan ayay shirkadaha ka sameysteen xaafadaha Magaalooyinka waaweyn.
Sidoo kale, dalka Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah wadamada xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo, gaar ahaan waqtiga Ciidul adxaa, waxaa dhowr jeer dib loo soo celiyey xoolo laga qaaday Soomaaliya oo la geeyey Sacuudiga, waxaana sababta lagu sheegay in xoolahaas ay xanuunsan yihiin.
Sawmeynta Itoobiya ay ku leedahay siyaasada Somalia
SAAMEYNTA ETHIOPIA AY KU LEEDAHAY SIYAASADA SOMALIA 2000 ILAA 2021
Somalia intii ka dambaysay burburkii dawladii dhexe ee Somalia 1991 kii waxa markii ugu horeysay dawlad loogu soo dhisay dalka Djibouti gaar ahaan magaalada Carta , waxaana lagu soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan sanadkii 2000.
Magaalada Muqdisho xiligaasi waxa haystay hogaamiye kooxeedyo hubeysan oo mid waliba jufadiisa hor fadhiyo isuna qabo in uu madaxwayne yahay, waxa kale oo soo labaynayey kooxaha xoogaga maxaakiimta oo hubaysnaa ahaana awood qarsoon oo soo kobcaysa.
Magaalada Muqdisho markii uu ka degay Madaxwayne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ( 2000 ilaa 2004 ) waxa ku soo dhaweeyey xoogagaa hubaysan ee markii dambe isku badelay maxaakiimtii islaamiga ahaa , Al-shabab iyo Xisbul Islam , waxa sidoo kale dawladaasi oo dhaafi wayday Hutel Ramadan Muqdisho taageeray laba sadex hogaamiye kooxeed walow aanay awood lahayn .
Xukuumada madaxwayne Cabdi Qaasim waxa ay yeelatay laba Raisal wasaare oo kala ahaa 1-Cali khaliif Galaydh , 2- Xasan Abshir Farax labadaba Alle ha u naxariisto e , waxaana ka hor yimid markiiba dalka Ethiopia iyaga oo ka cabsi qabay urur diimeedyada faraha badan ee awood doon ka ah in uu ka soo jeedo, gaar ahaan ikhwaanu muslimiin oo saldhigeedu yahay Egypt , waxaana ay xukuumadaasi qaadi kari wayday hal talaabo oo yagleel dawladnimo oo rasmi ah.
Waxa ku xigtay xukuumadii uu gadhwadeenka ka ahaa madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf Axmed ( 2004 ilaa 2008 ) Alle ha u naxariisto e oo iyada lagu xamanayey in Ethiopia wadato , waxaana lagu soo dhisay magaalada Embaghati ee dalka Kenya sanadkii 2004 .
Xukuumadaasi waxa ay degtay Baydhabo oo ay ciidamo ku urursatay ay ka mid yihiin ciidankii maamul goboleedka Puntland oo uu Cabdilaahi Yusuf madaxwayne hore uga ahaan jirey iyo ciidamo Ethiopian ah oo badan , waxa Raisal wasaare ka ahaa Cali Maxamed Geedi , halka uu wasiirka arimaha guduhuna ahaa Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.
Dawladii Cabdilaahi Yuusuf hogaaminayey xoog iyo dagaal ayey ku tagtay Villa Somalia , waxaana dhacay dagaalo lagu hoobtay, dawlada Cabdilaahi Yuusuf waxa mus dambeed u ahaa dawlada Ethiopia sidaasi darteed ayey uga hor yimaadeen xoogaga islaamiyiinta ah , waxa kale oo ka hor yimid dadka deegaanka Muqdisho qaybo ka mid ah.
Waxa dhacay dagaalo culus oo lagaga soo horjeeday in ciidamada Ethiopia Somalia soo galaan maadaama ay yihiin dal ay Somalia cadaawad soo jireen ahi ka dhaxaysay , dagaalkani oo markii dambe ujeedooyin kale yeeshay oo ay ururo argagixiso oo dano kale lihi dhex galeen, waxaa sameysmay mucaarid xoogan oo dal iyo dibad ba isaga yimid oo Asmara isku urursaday oo wadaado iyo siyaasiyiin ba isugu jira.
Waxa is khilaafay Cabdilaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo Raisal wasaare ahaa waxaana noqday oo uu Raisal wasaare ka dhigtay madaxwayne Cabdilaahi yuusuf , Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cade ) oo ay markii dambe is qabteen iyo Cabdilaahi Yuusuf oo loo arkay nin wada aargoosi siyaasadeed oo Ethiopia iska hor yimaadeen, markiiba caalamku cadaadis ku saareen in uu talada wareejiyo.
Waxaa xigtay in la dhisay dawlad ay ku mideysan yihiin maxaakiimtii islaamiga ahaa oo uu la heshiiyeen maraykanka iyo dawladihii danaynayey arimaha Somalia xiligaasi waxaana lala hadashiiyey intii ka soo hadhay dawladii Cabdilaahi Yusuf oo uu Nuur Cade hogaaminayo waxa la dhisay dawlad ku meelgaadh ah oo wadata baarlamaan ka kooban laba baarlamaan oo la isku daray oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif waxaana lagu dhisay dalka Djibouti caasimadiisa Djibouti 2009.
Xukuumada uu madaxwayne Shariif hogaaminayey (2009 ilaa 2012 ) waxa ay fursad u heshay in ay haykalkii dawladnimo dhisto, diyaariso nidaam dalka Somalia kumeelgaadhka lagaga saarayo, waxaa hawlahaa gadhwadeen ka ahaa Raisal wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku helay sumcad badan iyo Xukuumadiisii la odhan jirey ( TAYO ) .
Murug iyo isqabsi dhacay ka dib waxa heshiis Kampala lagu gaadhay in Farmaajo iyo xukuumadiisa la rido oo xiligaasi faro baas ku haysay kooxaha argagixisada iyada oo dan loo arkay markaasi cid wadatayba , waxaana heshiiskaa Kampala Accord aqbalay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo sidaa kaga tagey xilkii , xukuumadiisiina dhacday.
Waxa kale oo Maamulka Sheekh shariif iyo sadexdii Raisal wasaare ee kala dambeeyey diyaariyeen hab federal ah in dawladnimada Somalia loo badelo oo maamul goboleedyo la dhiso waxaana la iskula qaatay shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 oo mudo kooban ka horeeyey shirkii London ee dib u dhiska Somalia 2012 oo 52 dawladood oo aduunka ahi ka soo qayb galeen.
Shirkii London 2012 waxa uu ahaa shirkii ugu horeeyey ee Somaliland iyo Somalia kawada qayb galaan waxaana ku jirey oo ahaa shirarkaasi communique keegii 26 qodob ahaa qodobkiisa 6aad in beesha caalamku adkaynayso in xukuumada ku meelgaadhka ah ee Somalia iyo kuwa ka dambeeyaa wada hadal la furaan Somaliland .
Waxa ku xigtay xukuumadii uu hogaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud (2012 ilaa 2017 ) oo raacaysay qariirdadii Garowe 2 ( Garoowe Two Roadmap ) oo ahaa hirgalinta nidaamka maamul goboleedyada ( federal system) iyo qodobadii ka soo baxay shirkii London 2012 ee dib u dhiska Somalia oo ugu weynaa qodobka wadahadalada Somaliland iyo Somalia ,Ethiopia waxa loo arkayey cida dabada ka riixaysa nidaankan ee qorshaheega lagu socdo.
Xiligaasi xukuumada madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxa abuurnayd qadiyad Ethiopia diid ah oo loo arkayey in talada Somalia ay Addis-Ababa faraha kula jirto waxaana si gaar ah saameyn u lahaa General Gabre oo qaabilsanaa arimaha Somalia oo Muqdisho fadhiyey , sidoo kale ciidamada Ethiopia iyo Amisom na taladooda wax weyn ku lahaa.
Madaxweynihii xigey waxa uu noqday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ( 2017 ilaa hadda 2021 ) fadhiya oo ku ololeeyey in aanay aheyn wax la aqbali karo in Ethiopia Somalia dhexdeeda ka taliso waxaana uu ku helay taageero iyo cudud weyn oo dadku siiyeen xiligaasi maadaama aad loo dareemayey culeyska Ethiopia.
Ayaan darada dhacday Madaxwayne Farmaajo oo jooga ayaa muwaadiniin soomaaliyeed inta uu qab-qabtay Ethiopia u dhiibay oo uu ka mid ahaa Qalbi dhagax , ka dib markii xukuumadii Tplf meesha ka baxdayna waxa uu noqday garabka koowaad ee Abiy Ahmed iyo dawlada Ethiopia oo ay wada galeen heshiisyo sadex geesood ah dalalka Somalia, Ethiopia iyo Erateria.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Maxaad ka taqaanaa dalka ay dadkiisu ugu dhaadheer yihiin caalamka?
Maxaad ka taqaanaa dalka ay dadkiisu ugu dhaadheer yihiin caalamka?

Dadka Netherlands waa kuwa uga dhaadheer dunida.
Holland waa dhulka ay ku nool yihiin dadka ugu dhaadheer caalamka: celcelis ahaan, ragga u dhashay dalkaas waa 182.5 sentimitir, halka haweenkuna yihiin 168.7 sentimitir oo dhirir ah, marka loo fiiriyo dhiggooda Mareykanka oo dherirkoodu yahay 177.1 sentimitir iyo 163.5 sentimitir, siday u kala horreeyaan.
Balse taasi ma ahan in maalin walba ay sitaa tahay.
Sida lagu sheegay daraasad lagu sameeyay ciidanka Nederland, oo ay daabacday Royal Society of London, bartamihii qarnigii 19-aad ragga reer Holland ah waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu gaagaaban Yurub.
Barafasoor Louise Barrett oo ka tirsan jaamacadda Lethbridge University ee Canada oo daraasadda qayb ka ahayd, ayaa tiri “1860, dherirka ciidanka Nederland wuxuu ahaa qiyaastii 165 sentimitir.”
Barrett ayaa intaas ku dartay in “xilligaas, ragga Mareykanka ay dherir ahaan gaarayeen qiyaastii 5 inji”.
Si kastaba ha noqotee, tan iyo waqtigaas waxaa jiray isbeddel layaableh: 160-kii sano ee la soo dhaafay, ragga reer Holland waxaa dherirkooda ku kordhay 20 inji, halka dhiggooda Mareykankana uu ku kordhay laba inji oo keliya.
“Koboca noocan oo kale ah waa mid dhakhso badan oo loo aanayn karo arrimo la iska dhaxlo oo keliya,” ayay tiri Barrett, inkasta oo ay rumaysan tahay in qaabka dabiiciga ahi uu wax ku biiriyay.
Barafasoor Barrett Baaritaankeeda waxay ku ogaatay in lamaanayaasha ugu wax soo saarka badan ee dalka Nederland ay yihii kuwa ugu caruurta badan isla markaana ah ragga dhaadheer iyo dumarka dhaadherer.
Haddaba ka warran lamaanaha Mareykanka ah? haweenka way gaaban yihiin, raggana waa isku dherir celcelis ahaan. Deegaanka ayaa sidoo kale gacan ka geystay kororka dherirka dadka reer Holland.

Waxyaabaha kale ee gacan ka geysan kara kororka miisaanka ayaa ah nafaqada: dadka reer Nederland waxay si dhab ah u daneynayaan cunista cunnooyinka caanaha laga sameeyo. Cilmi baaris ayaa muujisay in tani ay gacan ka geysatay kororka dherirkooda.
“Waxyaabahan caanaha laga sameeyo waxay xoojiyaan lafaha koritaankuna wuxuu kuxiranyahay helitaanka nafaqooyinkaas jirka kujira,” ayay tiri Barrett.

Aragtideenna
Daraasadda ku saabsan farqiga u dhexeeya dalalka uu dadkooda dherirkoodu sarreeyo iyo kuwa dherirkoodu hooseeyo, waa 20 sentimitir ama ka badan.
Si la mid ah wiilasha 19 sano jirada ah ee ka soo kala jeeda 11 dal oo ku yaalla Aasiya, Latin Amerika iyo kuwa ka hooseya Saxaaraha Afrika waxay ahaayeen dherir la mid ah 13 jirada Holland. Si kastaba ha noqotee, kulligeen waan kornay.
Sida ku xusan diiwaanka la hayo, bani’aadamka wuxuu dheerirkiisa kordhay labadii qarni ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Eirini Marouli, oo bare ka ah Jaamacadda London.
“Ragga waxay ka kaceen qiyaastii 1.60 mitir ilaa 1.70 mitir, dumarkana 1.50 mitir ilaa 1.60 mitir,” khabiir ku takhasusay arrimaha dherirka ayaa sidaa u sheegay weriyaha BBC-da Melissa Hogenboom.
Guud ahaan waxaan la dhihi karaa celceliska qaangaarka maanta boqolkiiba shan ayuu ka dheer yahay awoowayaashii noolaa 100 sano kahor”.
Sheekh Dirir oo ummada uga digay Cuqubada ka dhasha ku xadgudubka nimcada Ilaahay SW siiyey
Sheekh Dirir oo ummada uga digay Cuqubada ka dhasha ku xadgudubka nimcada Ilaahay SW siiyey
“Qofka ku xadgudba nimcada Alle, maalinta qiyaame su’aashu way ku badanaysaa”
Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ugu baaqay inay iska ilaaliyaan cuqubada ka dhalata ku xadgudubka nimcada Ilaahay SW ummada siiyo.
Khudbadii Jimcaha shalay oo Sh Dirir kaga hadlay israafka ama xadgudubka, waxa keena, cuqubada ka dhalata iyo sida loo daaweeyo, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya israafka iyo fasirkiisa sheegay inuu yahay dhaafinta shay walba xadkiisa, waxa loo baahan yahay inuu dhexdhexeysto, oo xad-gudub iyo gabood-fal u dhexeeyo. Xukunkeedu waa xaraam in qofku deeqda uu Ilaahay SW siiyey daaddaadiyo. Ilaahay SW ayaa quraanka inoogu sheegay “Deeqda Ilaahay SW idin siiyey cunna oo caba, hana ku xad-gudbinna,”
Waxa kaloo islaamku inoo diiday oo israafka barbar yaala, in qofku noqdo mid adag, oo deeqdii Ilaahay SW siiyey diida inuu ku bixiyo halkii loogu talo-galay. Sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay “Bakhayl ha noqon gacantu qoorta ugu xidhan tahay, wax aad bixinaysana ha wada bixin, sid aaanad marna u cadilmin, marna u ceebaysnaan.”
Nebigu NNKH waxuu yidhi, “cunna oo caba waxii Ilaahay SW idin siiyey, dhar ka xidha, sadaqo ka bixiya, lakiin israaf iyo is-tusnimo iska ilaaliya.”
Sheekh Dirir oo ka hadlayey meelaha israafku ka iman karo, qofkana looga baahan yahay inuu iska ilaaliyo, ayaa sheegay in biyahu ka mid yihiin, isla markaana sheegay in Nebiga NNKH mud (litir-badhkii) ayuu ku weyseysan jiray, laba litir ayuu ku meydhan jiray. Qof innagam mid ah waxa laga yaabaa inuu foosto badhkeed ku meydho? Dhalinyarada is-dhalaalinaya ha u badnaadeena.
Nebiga NNKH oo nin barayey sida loo weyseysto iyo inay sadex sadex tahay, ayaa talo u raaciyey ah waa sidaa weysadu. “Weysadu waa sidaa qofkii ka kordhinay ama ka naaqusa, dulmi ayuu sameeyey.”
Biyaha marka dadka iyo xoolahu u baahan yihiin, weyso, meydhasho, waraab beer ama gaadhi meydhid waa xadgudub, waa la gebagebaysanayaa.
Meelaha lagu israafi karo waxa ka mid ah wax-bixinta. Sadaqada waad bixinaysaa, laakiin haku xadgudbin. Ilaahay SW waxuu amaanay mu’miniinta “Dhaqanka mu’miniintu marka ay wax bixinayaan kuma xadgudbaan, bakhayliina maaha, arinkoodu, labada ayey u dhexeeyaan.”
Noocyada israafka waxa ka mid ah oo dadku ilbaxnimo u arkaan in guryaha aad loo qalabeeyo, oo kharash badan ku bixiyo, ha lagu arko darteed qofku isagoo guri hanti ah ama gaadhi lahayn? Xadiis saxeex ah, “Nebigu NNKH gurigii Caa’isha CS, ayuu yimi, markaa ayuu daahii fujiyey, oo yidhi annaga nalama farin inaan gidaarada dhar huwino, dadka huwiya ayaa la yidhi.” Innagana lacagteenii daahyo ayey ku baxday oo odeyga iyo islaantu isku qabsanayaan, haduu yidhaahdo innaga daa.
Israafku waxuu geli karaa waxyaalaha wakhtigan moodada, sida haduu qofku dhar bil xidhnaado uu bedlad kale xidho, bacadlaha ayaa loo camirayaa. Danno badan ayaa hadda ka dayacan.
Istaaraafka waxa ka mid ah casuumadaha oo Nebigu NNKH ku tilmaamay meelo raashinka ugu shar badan, oo dadkii cuntada aadka ugu baahna laga ilaalinayo, kuwo dheregsana la siinayo.
Aroosyada, geerida, hurdada, cimriga, dhalinyaranimada, caafimaadka dhamaantood israaf ama xadgudub ayey keenaan marka si aan wanaagsanayn loo adeegsado.
Sheekh Dirir oo ka hadlayey sababaha keena in qofku deeqda uu Ilaahay SW siiyey ku xadgudbo, ayaa sheegay inay ka mid yihiin,
· In qofku aqoon-daro ka hayso diinta, ilayn haduu ogaan lahaa waxa diintu ka tidhi, wuu ka joogsan lahaa, iyo ummadani inay tahay mid dhexdhexaad ah.
· In qofkan lagu soo barbaariyey israafka iyo daadinta, hadhow ka daa lagu kari mayo, ilayn wuu ku kacaamee.
· In qofku dabeecada aduunyada ka dhacsan yahay, una arko inay sidan isaga soconayso badhaadhahan, oo inay busaarado ka dambayn karto ma oga.
· Waxa keena in qof faqiir ahaa, marka Ilaahay SW maal siiyo, uu maalka daadaadiyo, si loo ogaado in faqrigii hore ka baxay.
· La saaxiibka kuwa maalka ku ciyaara, Nebigu NNKH waxuu yidhi “Qofku waa sida saaxiibkii, ha iska ilaaliyo qofkuu noqonayo”
· Waxa ka mid ah in qofku jecel yahay in dadku arkaan, oo dabadeed is muujiyo.
· Ubadka, oorida iyo ehelka ayaa ka mid ah waxa keena israafka, oo qofkii masuulka ahaa maamuli kari waayo?
Sheekh Dirri ayaa sheegay in cuqubo iyo in Ilaahay SW inna naco ka dhalato marka qofku israaf sameeyo, sida aayad quraanka inoogu sheegay “Ilaahay SW ma jecla dadka waxuu siiyey ku xadgudba.”
Waxay keeni kartaa in marka qofkii afku ka weynaado, ee baahidiisu badato, uu xaaraan raadiyo, oo weji ku-maal, af-ku-maal bilaabo, isagoo sharaftiisi, tii wadanka dhamaan iibsado.
Qofku haduu xad-gudbe noqdo, sheydaan kama foga, ilayn waxii Ilaahay SW u diiday ayuu dhexgalee. Nebigu NNKH xadiis saxeex waxuu inoo sheegaya inaan waxii aynu u baahan nahay keliya isticmaalno, alaabta guryaha “Furaash ninka leh, furaash ooridiisa, furaashna martida, ka afaraadna sheydaanka” looma jeedo hadii caruur joogto dhulka seexi, laakiin, waa hadii aanay dad kula joogin, intee guryaheena sheydaan fuushan yahay.
Qofka ku xadgudba nimcada Alle, maalinta qiyaame su’aashu way ku badanaysaa? Waxa ka mid ah in barakadu ku yaraato maalkiisa.
Sheekh Dirir oo ka hadlayey waxa lagu daaweeyo ama laga gaashaanto xadgudubka oo u sheegay inuu ku badan yahay Soomaalida, waxuu sheegay inay ka mid yihiin,
Qofku inuu cidhibta arrimaha eego, haduu sameeyo maxaa ka dhalan kara? Hadii qofku, qoysku, dalku sidan ku socdo, maxaa ka dhalan kara? Waa in la isweydiiyo.
Qofku inuu go’aan yeesho uu naftiisa, ehelkiisa iyo dalkiisa ku maamuli karo. Dadku hadii aanay go’aan lahayn noloshoodu qiimo ma yeelato. Cumar binu khadaab RC ayaa maalin arkay inankiisa oo hilib badan diyaarsaday? Maxaad ku falaysa ayuu weydiiyey, markaasu ugu jawaabay, waan doonayaa? Waxuu Cumar ugu jawaabay ‘Nacasnimadaada, wax kastoo aad doonto miyaad cuntaa? Xadgudubka ayey ka mid tahay in wax kastoo aad doontid inaad cunto.
Qofku inuu eego maalmahii uu soo maray, xilliyadii qaxootiga, la gaajaysnaa, muslimiinta hareerahiisa ee dhiban eego?oo Ilaahay SW ayaa mahad leh uu qofku yidhaahdo.
Qofku inuu eego oo barto noloshii Nebiga NNKH, Caa’isha RC waxay leedahay “ilaa saddex bilood guryaha Nebiga CSW dab looma shidi jirin? Saxaabi ay habaryar u ahayd ayaa weydiiyey, maxaad quudan jirteen, Caa’isha ayaa ugu jawaabtay timir iyo biyo”
In qofku dadka ku xadgudba nimcada Ilaahay SW iskaga hadho, oo uu dadka hankoodu sareeyo la saaxiibo oo ku deydo.
Inuu aakhiro xusuusto qofku ayaa xalka xadgudubka ah iyo in hormoodka ummadu madaxda, culimadda, tujaarta, inay dadka kale tusaale u noqdaan si loogu deydo.
Sheekh Dirir ayaa sheegay in waxyaalo badan oo duruufo dhaqaale ah oo maanta ummadeena haysta, sababteeda leenahay, isla markaana gacmaheena ku jiro xalkii lagaga bixi lahaa, markaa inaynu isa saxxno ayaa muhiim ah, Ilaahay SW isagaa farajka haye, ha inna waafajiyee, aamiin.
—
Mohamoud Ali Walaaleye
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland
Booliska Kenya oo baadigoobaya haweenay Askariyada oo Ragga laysa+Digniin loo diraayo Ragga
Booliska Kenya oo baadigoobaya haweenay askariyada oo Ragga laysa

Booliska dalka Kenya ayaa baadigoob ugu jira haweenay boolis ah oo lagu eedeeyay inay dishay laba nin, kuwaas oo la sheegay in horraantii isbuucan ay toogatay, mid ka mid ah labada nin ayaa boolis ahaa.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Caroline Kangogo, ayaa warbaahinta dalka Kenya qabsatay kaddib markii ay magaalada Nakuru ku dishay askari magaciisa lagu sheegay John Ogweno. Meel 200km u jirta halka ay dhacdada koowaad ka dhacday, ayey ku dishay Peter Njiru oo 32 sano jir ah.
Marxaladaha ku xeeran dilka labada nin ayaa ah kuwo muran badan dhaliyay, ilaa hadda ma jirto cid wax badan ka og sababta loo dilay.
Bayaanka ay soo saareen booliska ee ay ku shaacinayaan baadi- goobka ka dhanka ah haweenaydan ayaa waxay ku tilmaameen inay la mid tahay sheeko ku jirta filimada cabsida leh .
Balse farqiga u dhexeeya sheekadan iyo mida filimada ayaa ah in tani ay tahay dhacda dhab ah. waxaana jira warar sheegaya in qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee booliiska ay dhunteen kadib markii Kagongo ay fariin u dirtay.

Sidee ayay wax walba ku bilowdeen?
Kangogo ayaa looga shakisan yahay dilka nin ay saaxiibo ahaayeen oo boolis ah maalintii Isniinta . Dilka kadib ayaa la sheegay inay qaadatay bistoolad nooceeda tahay Ceska oo ay ku jirto rasaas.
Kaddib waxay u jihaysatay Juja, oo 200 kiiloomitir u jirta magaalada Nakuru halkaas oo ay hoteel ka kiraysatay. Dhibbanaha labaad ayey qolka ugu yeertay kaddibna madaxa ayey ka toogatay intii ay qolka ku jireen.
Xilli dambe isla habeenkaas Kangogo waxay maydka Peter Njiru uga carartay qolkii ay huteelka ka daganayd. Mid ka mid ah shaqaalaha huteelka ayey u sheegtay inay soo iibsanayso adeeg ayna wax yar kaddib soo noqon doonto. Balse haweenaydan Ayaan dib ugu soo noqonin huteelka.
‘Khatar iyo iska caabin’

Booliska ayaa sheegay inay dhib badan kala kulmeen raadinta haweenaydan maxaa yeelay waxaa adag in la helo qaab lagula xiriiro maadama ay teleefonkeeda kaga tagtay goobtii ugu horeysay ee ay dilka ka geysatay.
Saraakiisha dowladda ee baaraya kiiskan ayaa ku tilmaamay mid la yaab leh sababtoo hal qori ayey u adeegsatay dhibanayaasheeda, iyada oo ku hubaysan bastoolad la soo xaday oo ay ku jiraan 14 xabadood.
Agaasimaha Waaxda Dambiyada George Kinoti, ayaa shacabka ka codsaday inay gacan ka geystaan soo qabashada haweeneyda uu ku tilmaamay “mid hubaysan oo qatar ah”.
Kangogo waxay ka soo shaqaysay saldhigyo boolis oo kala duwan, oo ay ku jiraan qaybta booliska ee maamula Tareenka, ka hor inta aan loo wareejin magaalada Nakuru, halkaas oo ay ka shaqeynaysay ku dhowaad saddex sano.
Kinoti ayaa sheegay in tuhunsanaha ay dhuumanaysay tan iyo horaantii Isniinta.
“Waxaan uga digeynaa shacabka, gaar ahaan ragga, inay ka taxadaraan sarkaalkaan ujeedkeeda uu yahay in ragga ay dabinkeeda galiso ka hor inta aaney si naxariis daro ah u dilin,” ayuu yiri.
Xildhibaano Shaaciyey in Xil ay loolan ugu jireen isaga Tanaasuleen.
Xildhibaano Shaaciyey in Xil ay loolan ugu jireen isaga Tanaasuleen.
Xildhibaan Maxamuud Xayir oo kamida mudaneyaasha golaha Wakiillada cusub, ee loollanka ugu jiray jagada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaasi, ayaa sheegay inuu hankiisa uga tanaasulay Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ay Isbahaysiga Mucaaridku u xuleen inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad.
Shir-jaraa’id oo ay jimcaha maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa labada xildhibaan ee isu tanaasulay oo uu weheliyo xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo isagu ka odayeeyey isu soo dhaweynta labada mudane, ayaa waxa ay ku faahfaahiyeen sida ay uga go’antahay inay isbahaysi ahaan u dhisaan xubnaha loo xullay shirguddoonka Golaha Wakiillada.
Loollanka loogu jiro qabashada xilalka Shirguddoonka Wakiillada oo aad u soo kulullaanaya, ayaa waxa ku hirdamaya xildhibaanno ka kala tirsan xisbiyada Mucaaridka iyo Xisbiga talada haya, waxaana ilaa hadda aqlabiyad xooggan ku goodiyaya dhinaca Mucaaridka oo haysta aqlabiyada xildhibaannada Golahaasi.
Xildhibaan Maxamuud Xayir oo ka soo baxay Xisbiga UCID oo uu sidoo kale ka tirsan yahay Mudane Cumar Jaamac, ayaa sheegay inaanu hankiisa dhaafsanin wax ka hooseeya go’aan mabdi’i ah oo uu ku taageeray xildhibaanka uu u tanaasulay.
Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax ayaa dhankiisa si weyn ugu mahad celiyey Xildhibaan Xayir oo uu ku tilmaamay siyaasi waayo-arrag ah oo kamida raggii rukumada u taagay Xisbiga Kulmiye.
Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed, ayaa dhankiisa ku bogaadiyey xildhibaannada isu tanaasulay, isagoo ku tilmaamay talaabo guul ah oo meesha ka saaraysa isgarab yaac iyo muwaafiqo xumo.
Nin Soomaaliya oo soo noqday Imaam & Khatiib Masaajid oo loo haysto inuu 60 Dumara Dhacay,Wuxu ka dhacay & Sidu u dhacay
Nin Soomaaliya oo soo noqday Imaam & Khatiib Masaajid oo loo haysto inuu 60 Dumara Dhacay,Wuxu ka dhacay & Sidu u dhacay

Cabdifitaax Cali Cumar ayaa dhowaan ka soo muuqday warbaahinta, waxaana loo haystaa kiiskiisa dhac ah oo hadal-hayn badan ka abuuray Soomaalida Baraha bulshada adeegsata.
Dad badan waxay dhacdada kiiskiisa la xiriirta ku tilmaameen mid la yaab leh.
Cabdifataax, oo Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya la hor keegeeyay ayaa lagu soo eedeeyay dacwado la xiriira inuu dumarka xiriir Jacayl la sameynayay si uu u dhaco.
Wuxuu tilmaamay in arrimaha lagu soo eedeeyay qaar ka mid ah ay jiraan, kuwana ay “yihiin been abuur”.
“Arrimaha dhaca ee la igu soo eedeeyay qaarkood wax ayaa ka jiro, qaarna waxba kama jiraan. Inta kiis ee aan aniga ogahay waa ilaa 30 oo ah kuwa aniga ii qoran oo aan diyaar u ahay, hadii uu qof igu sheegta inaa siinayo,” Ayuu yiri Cabdifataax oo ka hor hadlay maxkamadda Ciidamada.
Tirada dumarka ee dhibbanaha u ah eedaysanaha, ee booliska ay diiwaan geliyeen, waxay gaarayaan in ka badan 60.
Qaar ka mid ah dumarkaas ayaa ku sugnaa gudaha maxkamadda oo dhagaysanaysay dacwadaan.
Mid ka mid ah oo ka hadashay maxkamadda horteeda ayaa sheegtay in ay xitaa dambiilaha “ka codsatay inuu dilo xilli ay ka sheekaynaysay dhibaatada uu mariyay ninkan.”
“Aad ayaan u qalqalay oo aan u cabsaday, waxaana xitaa ku iri idil. Muddo hal saac ah ayaan gaarigiisa saarna. Markaan wax yar soconaba wuu ii hanjabaayay. Markaan ogaaday inuu idili rabay ayaan waxa sameeyay falcelin.”

“Wuxuu iga qaatay laba teleefon, booliska ayaan wacay waxaana toban daqiiqa ka dib la ii sheegay in ninka la qabtay,” Ayey tiri mid ah dumarka sheegay inuu ninkan afduubtay uuna ka dhacay teleefoon.
Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa sheegtay inuu faafidda diinta Islaamka uu ka gaaray heer uu noqdo Imaam masaajid uu hadana bilaabay inuu ku kaco falalka lagu soo eedeeyay, sida uu eedeysanaha u sheegay xeer ilaalinta.

“Qofka bini’aadamka ah qad ayuu dhaafaa, dhanka diinta mid ay celinayso maahan. Wuxuu gaaray heer uu khadiib noqdo, maantana uu dadka dhaco,” ayuu yiri dacwad-oogaha.
Qaar ka mid ah dhibbanayaasha oo sidoo kale ku sugnaa Maxkamadda, ayaa codsaday in sharciga iyo cadaaladda la mariyo eedeysanaha.
“Ninkaas wuu i ceejiyay, taraxadda ayuu igu ceenjiyay, isbitaal Madina ayaan tagay daawa ayaa la ii soo qoray. Dhibaatada uu ii gaystay illaa iyo hadda waan naxsanahay,” Ayey tiri mid ka mid ah dhibanayaasha ku sugnaa maxkamadda.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in Cabdifitaax uusan dhicin tirada teleefoonnada lagu dacweeyay. Wuxuu Maxkamadda ka codsaday in xukunkiisa lagu salleeyo, keliya 30-ka telefoon ee uu qirtay in uu dhacay.
“Arrinta dhaca, eedaysanaha wuxuu ogolyahay 30 teleefoon inuu qaatay, ma jiraan 65 qof ee uu dhac u gaystay, sida ay xafiiska xeer ilaalinta sheegeen.
“Maxkamadda waxaan ka codsanayaa in maadama uu ogolyahay 30 teleefoon, ay maxkamadda ku xukunto 30 kaaas oo keli ah,” Ayuu qareenka u doodayay eedaysane Cabdifitaax.
Dawladda Finland oo soo Masaafurinaysa Muwaadin Somali Ah+Sababta
Dawladda Finland oo soo Masaafurinaysa Muwaadin Somali Ah+Sababta
Maxkamadda Sare ee dowladda Finland ayaa xukuntay in Laanta Socdaalka ee dalkeeda ay masaafurin karto nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, sababo la xidhiidha dambi uu galay awgeed.
Go’aankeeda, maxkamadda ayaa sheegtay inay jiraan sababo adag oo ku saabsan diidmada iyo masaafurinta ninka.
Shakhsigu wuxuu leeyahay rikoodh dambiyeed baaxad leh, markii lagu xukumay 11 dhac, xatooyo daran, gacan ka hadal, iyo jujuub inta udhaxeysa sanadihii 2010 iyo 2017, isagoo ku xukumay xabsiyo badan oo ay kujirto 18-bilood oo xabsi ah. Sidaas darteed, Maxkamadda Sare waxay xukuntay in sii joogitaankiisa Finland ay ka dhigan tahay khatar “bulshada iyo amniga” waxayna siisay iftiinka cagaaran ee dacwadaha masaafurinta.
Ninkaani wuxuu ku dhashay kuna noolaa noloshiisa oo dhan Finland, Wuxuu kaloo u sheegay maxkamada inuusan waligiis booqan Soomaaliya oo aanuu aqoon cid ku nool.
Booliska ayaa markii hore soo jeediyay in la musaafuriyo ninkan sanadkii 2017-kii, Migri ayaa go’aansaday in la masaafuriyo wax yar kadib, iyagoo amrey in laga mamnuuco inuu soo galo deegaanka Schengen muddo saddex sano ah. Ninka ayaa marki hore racfaan ka qaatay go’aankan maxkamada maamulka kadibna maxkamada sare ee maamulka.
Maxkamadda ayaan soo bandhigin magaca ninkaan iyo sawirkiisa balse waxay sheegtay in ay shaacin doonto markii dib loo celiyo.
Ninkaasi ma haysto dhalashada Finland, laakiin wuxuu haystaa sharci deggenaansho oo sax ah. Muwaadin Finnish ah lama masaafurin karo, laakiin dhalashada waa lagala noqon karaa haddii qofku galo dambiyo aad u culus.
Somaliland:Daawo,Tartan Qiraa’adka Quraanka kariimka+Hadiyado Dahab & Lacag oo la bixiyey+Wefuud Caalamiya oo lagu casuumay
Qarax gilgilay Muqdisho oo khasaare weyn geystay+Taliyihii lala beegsaday oo ka badbaadey
Qarax gilgilay Muqdisho oo khasaare weyn geystay+Taliyihii lala beegsaday oo ka badbaadey![Farxaan Qaroole]()
Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo lagu weerayay taliyaha ciidmada booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole” oo isagu ka badbaaday qaraxaas.
Gaariga qaraxay ayaa lagu weeraray kolonyo uu la socday taliye Qaroole oo marayay meel u dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay wakaalada wararka ee SONNA.
Bilooyinkii ugu dembeeyay waxaa Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada ismiidaaminta ah oo ay dadku isku soo xiraan, kuwaas oo lala beegsanayay bartilmaameedyo kala duwan.
Qaraxyadaas ayaa waxay sababeen iney dad badan ku dhintaan kuwa kalana ay ku dhaawacmaan. Soomaaliya waxaa kusoo badnaan jiray qaraxyada loo adeegsado gawaarida iyo miinooyinka.