Photo-news:Qadarintii Abiy Axmed u hayey Farmaajo oo liicday+Meeqaam Hoose oo lagu sagootiyey & Sidii Madaxweynaasha kale loo sagootiyey.
Daawo:F.C.Waraabe & wixii uu kala kulmay Wajaale
Qatar & Imaaraadka oo isku soo dhowaadey+Waxa isbeddelay?
Qatar & Imaaraadka oo isku soo dhowaadey+Waxa isbeddelay?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa Arbacadii tegay Abu Dhabi, wuxuuna la kulmay dhaxal-sugaheeda, taasi oo ah astaantii ugu caddeyd ee muujineysa in xiriirka labada dal ee Khaliijka uu soo hagaagayo.
Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa werisay in dhaxal-suge Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu xarunta al-Bahr ee Abu Dhabi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.
Warbixinta oo koobneyd ayaa lagu sheegay in labada mas’uul “ay ka wada-hadleen xiriirka xooggan labada dal, iyo hababka sare loogu qaadi karo, si loogu faa’iideeyo danaha labada qaran.”
Xiriirka labada dal, ayaa hase yeeshee, ahaa mid aad uga fog xooganaan tan iyo bartamihii 2007, markii Imaaraadka Carabta ay qeyb ka noqotay afar dal oo Carbeed oo qaadacay Qatar, si ay isugu dayaan inay ku qasbaan inay joojiso taageerada ay siiso ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo ururada ku xiran, oo Abu Dhabi ay u aragto inay halis ku yihiin xukunkeeda.
Sacuudi Carabiya, Masar iyo Bahrain ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada qadacaadda oo looga dan lahaa in sidoo kale Qatar lagu cadaadiyo inay xiriirka u jarto Iran.
Ugu dambeyntii, kadib saddex sano iyo bar, Sacuudi Carabiya ayaa hormuud u noqotay dadaal lagu soo afjaray khilaafka, waxyar kahor intii aan Joe Biden loo dhaarin madaxweynaha Mareykanka.
Xayiraadda la saaray Qatar, oo ay qeyb ka aheyd in duulimaadyada Qatar laga xanibay hawada dalalkan, sidoo kalena laga xiray xuduudaha dhulka, ayaa si kastaba ku guul-darreysatay in laga gaaro ujeedadii laga lahaa oo aheyd in Qatar lagu qasbo inay isbeddel sameyso.
Inkasta oo xiriirka diblomaasi ee Qatar iyo Sacuudi Carabiya uu horumar sameeyey, haddana xiriirka Qatar iyo Imaaraadka ayaa weli liita, marka la eego heerka ay la ekeyd kala qeybsanaanta.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah loo qaaday qaboojinta xiriirka kacsan.
Booqashada ayaa timdi wax ka badan bil kadib markii Abu Dhabi ay la-taliyaheeda amniga qaranka Tahnoun bin Zayed Al Nahyan u dirtay Qatar. Kahor Qatar, Sheikh Tahnoun ayaa u safray Turkey – oo ah dal si weyn u taageera Qatar.
AP
Xukumada S/land oo joojisay bandhig Faneed lagu qaban lahaa Hotel ku yaalla Galbeedka Hargeisa+Sababtac

Qodobo Xasaasiya oo lagaga hadlay Fadhigii Golaha wasiirada Somaliland
Qodobo Xasaasiya oo lagaga hadlay Fadhigii Golaha wasiirada Somaliland


Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo si adag ugu jawaabay Ra’iisal-wasaaraha Somalia Rooble
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo si adag ugu jawaabay Ra’iisal-wasaaraha Somalia Rooble

“Raysal Wasaare Somalia ninkii ugu musuq maasuq badnaa ayuu ahaa Maxamed Kaahin ayaa Somaliland ka eryey” Wasiir Saleebaan Cali Koore
Xukuumadd Somaliland, ayaa ku tilmaantay Raysal wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble nin ku caan baxay musuq maasuq iyo wax is daba marin muddadii uu ka shaqaynayey guddaha Somaliland..
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in Raysal Waraabe Rooble oo markii uu joogay Somaliland u shaqayn jiray Hay’adda ILO, ka mid ah Hay’addaha Qaramada Midoobay, inuu ahaa nin sameeyey musuq maasuq badan oo sababay in markii dambe Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu dalka ka eryey, markii loo adkaysan waayey ficiladii musuq maasuq ee uu ku kacay, waxaanu yidhi “Ninkaas Raysal Wasaaraha sheeganayaa, wuxuu ka shaqaysan jiray Hargeysa, wuxuu u shaqayn jiray Hay’ad UN ah oo la yidhaahdo ILO, wuxuu ahaa qofka ugu musuq maasuqa badan ee bi’nidaamka soo mara. Maxamed Kaahin oo Wasiirka arrimaha guddaha ah ayaa Hargeysa ka caydhiyey, markii loo adkaysan waayey musuq maasuqiisii iyo wixii uu Hay’adda ku hayey.”
Daawo:Xildhibaan Barkhad oo Luuqad adag ugu jawaabay Ra’iisal-wasaaraha Somalia,Kana hadlay Mawqifka Xisbiga Waddani ee Tarxiilka Sool
Daawo:Xildhibaan si farshaxnimo ah u duray Ibraahim Mahdi Buubaa, & Xildhibaano kale oo ay isku Gole yihiin
Daawo:Fanaanad Shaacisay inay Dhigayso Show ama Caweys Wasiirka Diiinta & Awqaafta S/land ka joojiyey
Liiska Xubno M/weyne Muuse Biixi Xilal u magacaabay & Wasaaradaha loo magacaabay
Liiska Xubno M/weyne Muuse Biixi Xilal u magacaabay & Wasaaradaha loo magacaabay
Sharma’arke Ismaaciil oo loo magaacabay Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Madaarada Somaliland
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska waxaa loo magacaabay Xamse Xaamud Guuleed.
Ahmed Ibrahim Abdi oo loo magacaabay maareeyaha guud ee keydka Haamaha shidaalka Berbera
Cabdiqani Galaydh ayaa loo magacabay Agaasimaha Guud ee cusub ee wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.
cabdi rashiid caydiid yaassin oo loo magacaabay agaasimaha guud ee ciyaaraha
Liiska Xubno M/weyne Muuse Biixi Xilalkii ka qaaday+Kuwo uu bedel & isku-shaandheyn ku sameeyay
UK: In full: 47 places from red list
In full: 47 places from red list
The following destinations will be removed from the red list from 04:00 BST on Monday:
Afghanistan, Angola, Argentina, Bolivia, Botswana, Brazil, Burundi, Cape Verde, Chile, Congo (Democratic Republic), Costa Rica, Cuba. Eritrea, Eswatini, Ethiopia, French Guiana, Georgia, Guyana, Indonesia, Lesotho, Malawi, Mayotte, Mexico, Mongolia, Montenegro, Mozambique, Myanmar, Namibia, Nepal, Paraguay, Philippines, Réunion, Rwanda, Seychelles, Sierra Leone, Somalia, South Africa, Sudan, Suriname, Tanzania, Thailand, Trinidad and Tobago, Tunisia, Uganda, Uruguay, Zambia and Zimbabwe.
Source: Department for Transport
Itoobiya oo dib u dooratay Abiy Ahmed Ali iyo hogaaminta laga filaayo shanta sanadood ee soo socda
ETHIOPIA OO DIB U DOORATAY ABIY AHMED ALI IYO HOGAAMINTA LAGA FILAYO SHANTA SANADOOD EE SOCOTA
Ethiopia waa dawlad ka mid ah dawladaha aduunka ugu da’da weyn marka taariikhda la raaco , waa dal taariikh weyn oo mug leh ku leh aduunyada iyo qaarada Africa .
Waxaa ku nool qoomiyado kala duwan oo lagu qiyaaso ilaa 82 qoomiyadood , dalka Ethiopia waxa uu soo maray nidaamyo maamul oo kala duwanaa oo ay ka mid yihiin.
1- Boqortooyo
2- Maamul Ciidan
3- Nidaam rayid oo taladu urursan tahay ( Autocracy)
4- Nidaam dimuqaradi ah.
Habka ugu dambeeya ee dimuqaradiyada tooska ah waxaa hindisay oo aragtideeda watay markii uu talada dalka Ethiopia yimid Raisal wasaare Abiy Ahmed sanadkii 2018kii bishii April , xiligaasi oo kacdoono joogsan waayey mudo labasanadood ahi ay dhaliyeen in uu talada dalkaasi lagu wareejiyo qoomiyada oromada oo ahayd dadka kacsanaa.
Horaantii taladiisa waxa u qabsoomay wax aan soddonkii sanadood ee u dambeeyay Ethiopia ka qabsoomin oo ahayd in uu la heshiiyey maamulka Asmara oo ay Addis-Ababa isku hayeen soohdinta u dhaxaysa labada dal ee Badhame ( Badame ).
Halkaasi waxa uu ku mutaystay Abiy Ahmed in la siiyo abaal marinta nabada aduunka ee loo yaqaano “Noble peace price ” sanadkii 2019kii waxaana uu magaciisu gaadhay aduunka oo dhan oo waxa uu noqday hogaamiye African ah oo saameyn iyo wax la yaab leh soo kordhiyey.
Sanadkii 2020 bishii Aug waxa dalka Ethiopia ka qorsheysnaa in doorashooyin ka dhacaan xiligaasi oo ahaa xiliyadii uu xanuunka #Coronavirus aduunka sida halista ah uga jiray waxaana dib loo dhigey doorashooyinka Ethiopia.
Ethiopia waa dal federal ah oo ka kooban 9 maamul goboleed , doorashooyinkaasi waxa diiday maamulkii iyo dawladii gobolka waqooyi ee Tigray, oo marka horeba saluugsanaa talada Abiy Ahmed una arkayey in uu duulimaad ku yahay qoomiyada ay yihiin oo dalka Ethiopia 27 sanadood talada u hayey , iyo waliba in uu bixiyey dhul Ethiopia leedahay oo ay ku wayday dad iyo duunyo badan oo aan qiyaas lahayn.
Sidoo kale waxaa la beegsaday dhamaan madaxdii maamulkaasi oo la qoray dambiilayaal oo jeelal lagu guray badhna dibadaha u yaaceen , waxaana uu arinkaasi ula muuqday mid ka dhan ah xukuumadii EPRDF ee Ethiopia ka talinaysay todoba iyo labaatanka sanadood oo ay gadhwadeen ka ahayd TPLF.
Bishii Nov 2020 waxaa dagaal lagu qaaday saldhigii ugu weynaa ciidamada Ethiopia oo ku yaalay gobolka Tigray , waxaana bilaabmay dagaal dawlada Ethiopia iyo TPLF u dhexeeya , xiligaasi waxa uu sheegay Abiy Ahmed in lagu kalifay in uu dagaal qaado sharcina ay tahay in uu difaaco qaranimada dalka Ethiopia.
Dagaalkaasi waxa ka soo baxday natiijo aan wanaagsanayn oo waxa la duqeeyey magaalooyin dhisan , dumar iyo caruur aan waxba galabsan ayaa ku dhintay badhkoodna ku barakaceen dalka Ethiopia dhexdiisa iyo dawlada deriska la ah ee Sudan , waxaa dhacay xaalad bini-adenimo oo xumaatay iyo dhibaato badan oo dhacday.
Dawladaha Caalamka , hay’adaha gargaarka binu adenimo , ururada xuquuqal insaanka iyo bulshada rayidka ah u dhaq-dhaqaaqda binu ademku waxa ay cambaareeyeen waxii ka dhacay gobolka Tigray , waxaana Ethiopia la saaray cadaadis diblomaasiyadeed oo ilaa hadda meelo badan ka haysta.
Dalalka xulafada la’ ahaa Ethiopia oo ay Somalia iyo Erateria ahaa ayaa lagu eedeeyey in ay dagaalkaasi dhan ka ahaayeen , waxaa sidoo kale taageeray dagaalkaasi dawlado gobolka Geeska Africa ah oo Ethiopia ay dano isku qabaan , waxaa xataa la tuhunsan yahay in dawlada Ethiopia gargaar ka helaysay dawlado ka baxsan gobolka oo badhkood saldhigyo ciidan ku leeyihiin mandaqadda.
DOORASHADII ABIY AHMED ALI
27 June 2021 waxaa dalka Ethiopia ka dhacday doorasho heer federaal iyo mid dawlad goboleed ah , walow aanay ka dhicin sadexda gobol ee Somalida , Tigray iyo Adarida oo soomaalida ay ka dhacday bishan Oct 2021.
Waxaa aqlabiyadii kuraasida dalka Ethiopia helay xisbiga uu hogaamiyo Raisal wasaare Abiy Ahmed ee PP (Ethiopian prosperity party ) waxaana 5 Oct 2021 mar labaad loo caleemo saaray hogaamiyaha shanta sanadood ee soo socota Abiy Ahmed Ali.
MAXAA LAGA FILAYAA HOGAAMINTIISA MARKAN LABAAD ?
Hadii aan dul istaago hawlaha iyo waxyaabaha laga sugayo xiligani oo ay Ethiopia meelo badan xaalado wanaagsanayni ka jiraan ayaa aan odhan karaa ;
1- Adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka Ethiopia.
2- Dhameynta khilaafyada dawlad deegaanada sida Somalida iyo Canfarta , Amhara iyo Tigray isaga oo hore ugu guuleystay Somalida iyo Oromada khilaafkoogii.
3- nooleynta iyo soo celinta xidhiidhka Ethiopia iyo aduunka dawlado badan oo ka mid ah .
4- Ka garaabista xaaladaha binu-adenimada ee ka taagan waqooyiga Ethiopia iyo xal waara sidii loogu dhameyn lahaa.
5- khilaafkii biyo xidheenka ee ay isku hayeen Sudan iyo Masar.
6- Adkaynta cilaaqaadyada dawladaha gobolka oo aan isku san banaanayn iyo kaalinta ay ka ciyaari karto Ethiopia oo ah mid ka duwan qaabkii xulafooyinkii sadex geesoodka ahaa.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Foolad iyo fahankayga
Boqor amray in loo jebiyo Telefoonka Xaaskiisa si sirteeda uu u helo
Boqor amray in loo jebiyo telefoonka xaaskiisa si sirteeda uu u helo

Maxkamadda sare ee Britain ayaa soo sheegtay in hogaamiyaha Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum uu oggolaaday in la jabsado taleefoonnada xaaskiisii hore iyo qareenkeedii iyadoo la siticmaalayo barnaamijka basaasnimada ee Pegasus intii uu socotay dacwad sharci oo ku saabsan labadooda carruur ah.
Maxkamaddu waxay xukuntay inuu sidoo kale oggolaaday in barnaamijka Pegasus loo adeegsado qareenka amiirad Xaya, kaaliyaheeda gaarka ah iyo laba xubnood oo ka tirsan kooxda amnigeeda qaabilsan.

Amiirad Xaya waxay u qaxday London bishii Abriil 2019 iyada iyo labadeeda carruurba, taasoo dhalisay dagaal sharci oo ku saabsan haynta iyo taageerada maaliyadeed ee carruurta.
Sannadkii hore, maxkamad ku taal Ingiriiska ayaa ogaatay in Sheekh Maxamed “uu amray sidoo kalana abaabulay” afduubka laba gabdhood oo uu dhalay iyo in si qasab loogu celiyo Dubai.
Sheekha ayaa iska fogeeyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.
Dacwaddan ayaa dhaawac ku ah Amiirkan maalqabeenka ah ee jecel in aan la ogaan arrimihiisa u gaarka ah isla markaasna neceb buuqa iyo is jiid jiidka, si la mid ah sida hoggaamiyeyaasha kale ee Khaliijka.
Saxaafadda Ingiriiska ayaa si gaar ah arrintan isha ugu haysay tan iyo markii ay soo shaac baxday, ayadoo saxaafadda Ingiriiskuna ay aad diiradda u saarto dabagalka wararka ku saabsan dadka caanka ah iyo kuwa maalqabeenka ah.
Warbaahinta ingiriiska ayaa sidaas si la mid ah u qaadaa dhigtay sheekada la xiriirta markii 19 sano ka hor gabadh uu dhalay Mohammed bin Rashid, oo la yiraahdo Shamsa ay isku dayday in ay kaga baxsato beertiisa ku taal Koonfuta Ingiriiska, laba bilood kaddibna arrintaasi way iska dhammaatay walina lama oga sida amiiraddan 38 jirka ah ay ku tagtay Dubai, walina gabadhaasi meel fagaare ah kama soo muuqan.

Waxaa sidaas si la mid ah sannadkii hore isku dayday in ay Dubai ka baxsato Amiirad Ladiifa oo walaasheed ah, balse dib ayaa loo soo celiyey kaddib markii ciidamada Imaaraadka ee sida gaarka ah u tababaran ay hawgal ku soo qabteen.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa ogaatay in si weyn loo ilaaliyo xubnaha qoyska Sheekh Maxamed bin Raashid ee ku sugan Britain, marka ay guryahooda joogaan iyo markay bannaanka joogaanba ayagoo ilaalo la raaciyo marka ay ku sugan yihiin daaraha dhaadheer ee qoyskaasi ay ku leeyihiin England iyo Scotland.
Waa kuma Sheekha hoggaamiye dhaqameedka ah

Maxamed bin Raashid wuxuu sannadkii 1949-kii ku dhashay gobolka Shindagha ee Dubai, waana da’da saddexaad ee carruurta afarta ah ee uu dhalay Sheekh Raashid Bin Saciid.
Aabbihiis sheikh Rashid wuxuu xukunka imaaradda Dubai hayey intii u dhexaysay 1958 iyo 1990, waxaana imaaraddaas si gaar ah u ilaaliya Ingiriiska marka loo eego imaaradaha kale ee Khaliijka.
Maxamed Bin Raashid wuxuu waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare ku dhammaystay Imaaraadka, asagoo dugsigiisa sare dhammeeyey sannadkii 1965-tii.
Sannad ka dib wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska asaga iyo ina adeerkiis, Sheikh Mohammed bin Khalifa Al Maktoum, si uu u soo barto luuqadda Ingiriiska, wuxuuna ku biiray Iskuulka Luuqadaha ee Bell oo kuyaal Cambridge.
Markii uu dhammaystay barashada afka Ingiriisiga, wuxuu ku biiray kulliyadda ciidmaada Britain ee Munz, halkaas oo uu ka soo qaatay koorso lix bilood ah.
Maxamed bin Raashid wuxuu ka mid noqday dadkii bud dhigga u ahaa mashruucii lagu dhisay dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taas oo ka koobnayd gole ay ku midaysan yihiin Imaaraadkii Carabta ee heshiiyey, waxaana xigay heshiis kii ay sannadkii 1968-dii ku midoobeen amiirkii hore ee Abu Dhabi sheikh Saayid bin Suldan iyo amiirkii hore ee Dubai Sheekh Raashid, tallaabadaas oo la oran karo waxay gogol xaar u ahayd dhismaha isutagga imaaradka.

Sannadkii 1969 ayaa Maxamed bin Raashid wuxuu madax ka noqday booliiska iyo ammaanka guud ee Imaaradda Dubai, waana xilkii dawladeed ee ugu horreeyey ee uu qabtay.
Sannadkii 1971-dii, waxaa xeebta Jumayra ee Dubai lagu saxiixay dastuurkii ugu horreeyey eek u meel gaarka ah si loo dhiso dawlad ay leeyihiin Isutagga Imaaraadka Carabtu.
Maalmihii xigayna waxaa la soo dhisay golo wasiirro oo uu madax ka ayhaay Sheekh Maktoum, wuxuuna walaalkiis u dhiibay wasiirka difaaca, wuxuuna noqday wasiirkii difaaca ee ugu da’da yaraa caalamka ee xilligaas.
Go’aanadii ugu adkaa ee uu qaatay in uu wasiiirka difaaca ahaa waxaa ka mid ahaa in ciidamo Isutagga Imaaraadka ka socda ay ka qayb qaataan xulufadii uu Maraykanku hoggaaminayey ee ciidmada Ciraaq looga saarayey dalka Kuwait sannadkii 1990-kii.
Dubai ayaa noqotay xarun ganacsi iyo mid dalxiis intii uu talada hayey Sheekh Raashid, kaas oo wiilashiisii u dhiibay mashaariic fara badan oo horumarineed.
Hawliii uu u xilsaaray wiilkiisa Maxamed waxaa ka mid ahaa in uu dhiso dekad ay doonyuhu ku xirtaan, iyo in uu madax ka noqdo guddiga madaarka Dubai ee caalamiga ah, iyo sidoo kale shirkadda shidaalka Dubai, oo loo arko isha Dhaqaalaha ugu weyn ee imaaraddaas.
Markii uu geeriyooday Sheikh Raashid sannadii 1990, waxaa xukunka kala wareegay Sheekh Maktoum.
Sannadkii 2006-dii ayaa Maxamed Bin Raashid wuxuu qabtay xukunka Imaaradda Dubai, ka dib markii oo uu dhintay walalkiis Maktoum Aala Makhtoum.
Sida uu sheegay wargayska Forbes, hantida amiirka Dubai waxay hoos ugu soo dhacday 6 bilyan oo dollar sanaddkii 2009-kii, sababo la xiriira qalalaasihii dhaqaalaha caalamka, waxaana “hantidiisa haatan lagu qiyaasaa 4 bilyan oo dollar” sida laga soo xigtay hay’adda Business Insider.
Amiir Maxamed bin Salmaan oo iibsaday Koox ka mid ah horyaalka Premier League
Maxamed bin Salmaan oo iibsaday Koox ka mid ah horyaalka Premier League

Horyaalka Premier League ayaa ansixiyey in Sacuudi Carabiya ay iibsato kooxda Newcastle United, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ay soo saareen.
“Premier League, Newcastle United Football Club iyo shirkadda St James Holdings Limited waxay maanta heshiis ka gaareen iibsashada kooxda ee PIF (Public Investment Fund),” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Premier League.
Heshiiska ayaa ku kacaya 305 milyan oo pound, wuxuuna hirgalay isla maaanta
PIF waa sanduuqada lacagta dadweynaha ee dowladda Sacuudi Carabiya. Inkasta oo uusan si rasmi ah u magacowneyn, haddana milkiilaha rasmiga ah ee Newcastle ayaa hadda loo arkaa Maxamed Bin Salman maadaama uu yahay ninka ugu awoodda badan dowladda Sacuudiga, islamarkaana sanduuqa PIF uu hoos tago.
Madaxa PIF Yasir Al-Rumayyan ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan noqoo milkiilayaasha cusub ee Newcastle United, oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu caansan England.”
Heshiiskan ayaa waxa uu hadda kahor burburay 2020 markii Premier League uu ku adkeystay in la kala saaro PIF iyo dowladda Sacuudiga, sidoo kalena Sacuudi Carabiya ay dalkeeda u ogolaato in lagad daawo taleefishinka Qatar ee beIN Sports.
Taageerayaasha kooxda Newcastle ayaa dabbaal-deg ka sameeyey dibadda garoonka St. James Park, ayaga oo ku faraxsan in kooxda laga wareejiyey gacanta milkiile Mike Ashley oo loo arkay nin kooxda la degay oo aan dhaqaale gelin.
Kenya oo jawaab adag ka soo saartay go’aanka la filayo in salaada lagu dhawaaqo ee Dacwadda Badda Somalia & kenya
Kenya oo jawaab adag ka soo saartay go’aanka la filayo in salaada lagu dhawaaqo ee Dacwadda Badda Somalia & kenya

Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.
Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarto Salaasada oo ku beegan 12-ka October.
Kenya ayaa mar sii horreysay ee sannadkan isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda ee maxkamadda ICJ.
Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay.
Kamau ayaa sheegay in dacwadda badda ay ka baxsan tahay xeyndaabka maxkamadda isagoo sidoo kalana shaki geliyay dhexdhexaadnimada maxkmadda ICJ ee fadhigeedu yahay Hague.
Dacwaddan oo ay Soomaaliya gaysay maxkamadda ayuu ku tilmaamay isku day ay Muqdisho ku dooneyso inay ku xadgudubto mdaxbanaanida dhuleed ee Kenya taasi oo “soo billowday 1969.”
“Waa muhiim in qof kasta oo Kenyan ah uu fahmo in khatarta ku soo fool leh madaxbanaanideenna dhuleed aysan ahayn mid qayaxan oo toos ah”, ayuu yiri.
“Dacwadda ka dhanka ah Kenya ee taalla maxkamadda, iyo in maxkamadda ay gacmaha la gashay dacwad ka baxsan xeyndaabkeeda sharci, waxay marag u yihiin xeeladaha cusub ee loo akeysiinaya caddaaladda si loo minjaxaabiyo madaxbaannaanideena”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya.
Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanaysay in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo maxkamadda ICJ.
Markab Mareykanku leeyahay oo Nuclear xambaarsan oo la wareeray+Cida Weerartay
Markab Mareykanku leeyahay oo Nuclear xambaarsan oo la wareeray+Cida Weerartay

15 naaquude oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay kaddib markii markab nooca biyaha hoostooda quusa ah oo xambaarsan hubka nuclear-ka uu ku dhawacay “wax aan la aqoonin” xilli uu dhex socday biyaha ku dhow badda Koonfurta Shiinaha.
Maalintii Sabtida ayuu shilkan ku dhacay markabka oo lagu magacaabo USS Connecticut, naaquudeyaashana waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.
Waxa ay mas’uuliyiintu intaas ku dareen inaan ilaa hadda la aqoonin sababta ay ku dhacday arrintan.
Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabkan uu hadda ku wajahan yahay dhulka uu Mareykanku leeyahay ee Guam.
“Wax jug ah ma aysan gaarin qaybta nuclear-ka ku tallaalan yahay ee markabka USS Connecticut, si fiican ayayna u shaqeynayaan qaybihiisa kala duwan,” ayuu yiri afhayeenka oo soo saaray bayaan.
Waxa uuse intaas ku daray in wali la qiimeynayo waxyeellada shilkaas kasoo gaartay markabkan sida hubka halista ah.

Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli xiisadaha ka aloosan gobolkan aadka loogu muransan yahay ay sii xoogeysteen, halka Shiinaha iyo Taiwan oo cadaawad ka dhaxeysana ay isku sii xumaadeen dhawaanahan.
Wararkii ugu dambeeyay ee ku aaddan xiisadda Shiinaha iyo Taiwan ayaa sheegayay in Beijing ay ku xad gudubtay hawada difaaca ee Taiwan.
Maxay muran u dhalisay Badda Koonfurta Shiinaha?
Markabkan waxyeelladu gaartay ee USS Connecticut waxa uu ka howl galayay mid ka mid ah gobollada uu muranka ugu xooggan ka taagan yahay ee caalamka.
Dowladda Shiinaha ayaa sheegata in ay leedahay inta badan badda Koonfurta Shiinaha, balse dalalka ku hareereysan iyo Mareykanka ayaa ku gacan seyray sheegashadaas.
Waddamada kala ah Philippines, Brunei, Malaysia, Taiwan iyo Vietnam ayaa dhammaantood qayb ka ah muranka, waxayna muddo tobannaan sano ah kasoo hor jeedaan in Shiinaha uu leedahay baddaas, laakiin xiisadda ka dhalatay arrintan ayaa sii xoogeysatay sannadihii ugu dambeeyay.
Washington ayaa la safan inta badan waddamadan oo ay ku taageersan tahay muranka ka aloosan dhulkaas.
Waxay u xoogeysaneysaa xiisadda ka taagan Asia-Pacific?
Dhacdadan ugu dambeysay ee markabka ayaa kusoo beegantay dhowr isbuuc uun kaddib markii dalalka Mareykanka, UK iyo Australia ay kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo ku aaddan amniga gobolka Asia-Pacific, tallaabadaas oo loo arkayay mid ka dhan ah Shiinaha.
Heshiiska oo magaciisa loo soo gaabiyo Aukus ayaa ka dhigan in Mareykanka uu xog la wadaago Australia si ay u sameysato maraakiibta badda hoosteeda quusa ee nuclear-ka xambaara oo u gaar ah iyada.
Dhanka kale, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in “uu aad uga walaacsan yahay” ficillada hagardaaminaya hannaanka nabadeed ee geeddi-socodka Taiwan, kaasoo kala saaraya Taiwan iyo Shiinaha.

Waxa uu Mr Sullivan hadalkan jeediyay kaddib markii uu Shiinaha diyaarado militari oo ah kuwii ugu badnaa abid u diray hawada difaaca ee Taiwan, kuwaasoo afar maalmood oo xiriir ah dhaqdhaqaaqyo sameynayay xilligaas.
Mar la weydiiyay in Mareykanku uu isku diyaarinayo inuu tallaabo militari u qaadayo si uu u difaaco Taiwan ayuu Mr Sullivan yiri: “Waxa aan dhahayo waa sidan, hadda waxaan qaadeynaa tallaabo aan isugu dayeyno inaan ka hor tagno maalin noocaas ah inay abid nasoo marto.”
Arbacdii, wasiirka gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegay in Shiinaha uu u muuqdo inuu diyaar u yahay sidii uu “dagaal buuxa” ugu qaadi lahaa jasiiraddan wixii loo gaaro 2025-ka.
Taiwan ayaa isu aragtay inay tahay dowlad madax-bannaan, halka Shiinaha uu dhankiisa u arko inay tahay gobol khiyaanay iyaga ayna tahay in dib loogu soo celiyo Shiinaha, taasna la sameyn doono xitaa haddii ay lagama maarmaan noqoto in xoog loo adeegsado.
Maxay Raga kaliya u leeyihiin Xuurul cayn Janada? By:Hussein Saxnuuni
Maxay Raga kaliya u leeyihiin Xuurul cayn Janada? By:Hussein Saxnuuni
Weriye:Hussein Saxnuuni
Dadka aan Muslimiinta ahayn gaar ahaan Mustashriqiinta iyo Mulxidiinta Meelaha ay isku dayeen in ay Shaki kaga abuuraan Muslimiinta gaar ahaan Haweenka waxaa ka mid ah sababta Ragga kaliya loogu gaar yeelay Haweenka Xuurul ceynta marka ay Janada galaan iyo waliba Ragga Muslimiinta in loo baneeyay in ay guursadaan Afar Xaas halka Haweenka Muslimiinta ahi aan loo ogolayn wax ka badan hal Nin.
Xeeldheerayaasha Islaamka iyo Culumada Diinta Islaamka ayaa si weyn arimahaasi uga hadlay, waxaana Tusaale u soo qaadanayaa Caalimkii waynaa ee reer Masar ee geeriyooday Sheekh Muxammed Metawally Al-Shacrawy oo ka hadlay arintaasi.
Sheekh Al shacrawy oo Fasiray Aayada “كَذَلِكَ وَزَوَّجْنَاهُم بِحُورٍ عِينٍ”، waxa uu yiri “Reer galbeedka gaar ahaan qolyaha Mustashraqiinta waxa ay doonayaan marka Xuurul ceynta laga hadlayo in ay yiraahdaan Islaamka waxa uu Mudnaan gaar ah siiyay Ragga, ayaga oronaya Haweenka waxaa lagu dulmiyay Janada dhexdeeda, sababtoo ah bay leeyihiin Ragga waxaa loo gaar yeelay Haween badan oo Daahir ah, ayaga oo waliba loo guurinayo Xuurul ceyn, ayaga o doonaya in ay ka dhigaan in Allah Ragga u gaar yeelay Nicmo uusan siinin Haweenka”
Sheekh Al shacraawi oo si adag uga Jawaabay Qolyaha reer galbeedka ee sidaas yiraahda, waxa uuna xaqiijiyay in Qolyahaas ay doonayaan in ay duufsadaan Haweenka si ay ugu diraan Islaamka, waxayse ilowsan yihiin Mustashriqiinta in Haweenku yihiin Jinsi wanaagsan oo aan aqbalayn misana aan jeclayn in raga ay isku bedbedelaan, sidaas darteed marka uusan Allah u banaynin Dumarka in Rag badan guursadaan, arintaasi waxaa weeye kaliya in uu Allah karaameeyay, sharfay oo uu ciseeyay, mana uusan ka yeelin meel ay u soo dhacaan mid waliba uu doonaya in uu ku haraad gooyo.
Sheekh Maxamed Al shacrawy ayaa Tusaale u soo qaatay in ay jiraan Haween badan oo dunida ku nool oo muujiyay Karaamada u gaar ah oo diiday in Nin kale ay guursadaan marka uu ka geeriyooday Ninkooda hore, ayaga oo u arka meel ka dhac sharafeed, ayada oo waliba Islaamka u xalaaleeyay arinkaasi. Sidaa darteed buu yiri Sheekh Al shacraawy Islaamku wuu sharfay Haweenka ayada oo la eegayo Dareenka ku abuuran oo dhinaca Sharafta ah.
Dhinaca kale, mar Sheekh Shacraawy la waydiiyay isaga oo jooga dalka Mareykanka su’aalo ay ka mid yihiin; Maxay rago Haween badan u guursadaan, oo Dumarka hal Nin ugu ekaadaan?
Sheekh Shacraawi oo ka hadlayay arintaasi ayaa yiri “Waxaan ku iri Allah baan idinku dhaariyee Dalkiina miyay banana tahay Dhilaysiga? ! waxay iigu jawaabeen haa Gobolada qaar, dabadeed baan ku iri, sidee u daryeeshaan Caafimaadkooda, si deg deg bay igu yiraahdeen Gabdhahaas Jirkooda ka ganacsada Usbuucii laba mar baa lagu sameeyaa Baaris caafimaad si loo hubiyo in ay ka bad qabaan cudurada xun ee faafa. Intaas baan ku iri hadaba, miyaad baartaan Haweenayda xaaska ah? Waxay ku jawaabeen MAYA, kolkaas baan iri sabab? Dabadeed bay igu yiraahdeen sababtoo ah Dumarka la qabo ee ragooda ku eg kuma dhacaan Jeermisyada xun ee cudarada sababa, sababtoo ah hal Manni (Sperm) ayaa jirkooda gasha oo ah tan Ninkooda, sidaas darteed bay yiraahdeen Jeermisyada sababa cudurada xun xun waxay ka dhashaan Biyaha Raga oo kala duwan oo meel wada gala. Kolkaas baan ku iri hadaba Allah runbuu u sheegay Adoomadiis markuu u baneeyay raga in ay guursadaan Afar xaas, islamarkaasina uu xarimay in Dumarka ay guursadaan wax ka badan hal nin”.
Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha Muslimiinta gaar ahaan Culumada ayaa sheegay in Janadu tahay Daartii Nabada (دار السلام) oo lagu waarayo lagamana yaqaano Dagaa, Cudur, Gabow, Geeri, Maseyr iyo Cuqdad, midna ku darsada Dumarka Aduunka ee Janada Gala ayaa ka qurux badan Gabdhaha Xuurul Caynta
Hussein Sahnuni
Journalist and Political analyst
Cairo-Egypt
Koox sheegatay Masuuliyada Qarax ismiidaamina oo lagu laayey Dad badan oo ka dhacay Masaajid+Sawirro
Koox sheegatay Masuuliyada Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Masaajid+Sawirro
Weerar is qarxin ah oo dad badan ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen ayaa maanta xiligii Salaada Jimcaha ka dhacay Masjid Shiicada leeyihiin oo kuyaala Gobolka Kunduz ee dalka Afganistan.
Kooxda ISIS-K ee ka howlgasha gudaha Afganistan ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah ee dadka badan ku dhinteen, waxa ayna kooxdan sheegtay in ay beegsadeen koox shiico ah.
Weerarkan is qarxinta ah ee fulisay kooxda ISIS-K ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhaw 100-qof halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen, waxaana ku bur buray qeybo kamid ah masjidka la qarxiyay.
Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday masjidka la qarxiyay ayaa waxaa ka muuqday dad badan oo hilbahooda ku go’geen iyo dhiig badan oo daadsan qeybo kamid ah masjidka oo xiliga la qarxinayay dad badan joogeen.
Kooxda Taalibaan ayaa camaareesay qaraxan ismiidaaminta ah ee masjidka Shiicada lagu qaaday, waxa ayna kooxda sheegtay in baaritaano ku sameeneyso weerarkaasi iyo cidii ka dambeesay.


