Daawo:Musharax C/raxmaan Cirro oo ka hadlay Khilaafka & Muranka Xeer 14+Halka sartu ka qudhuntay
Masuul M/weyne Biixi Magacaabay,Xildhibaanada Golaha Wakiiladanu Cod aqlabiyada ku ansixiyeen oo ka dareenceliyey
Masuul M/weyne Biixi Magacaabay,Xildhibaanada Golaha Wakiiladanu Cod aqlabiyada ku ansixiyeen oo ka dareenceliyey

Way ku mahadsan yihiin in Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland manta ay cod aqlabiyad ah igu ansixiyeen oo dhammaan xildhibaannadii madashay joogey codkooda i siiyeen. Waxa aan xildhibaannada ugu mahadnaqayaa sidii hufnaantu ku dheehnayd ee ay codkooda u qaadeen kalsoonida ay nagu siiyeen shaqada Madaxweynaha qaranku noo igmaday. Waxa aannu ballan qaadaynaa in aannu qaranka ugu shaqayno si daacad, xilkasnimo iyo caddaaladi ku jirto.
Waxa sidaas Qoray Khaalid Jaamac Qodax oo M/weyne Muuse Biixi Mar labaad u soo magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Somaliland
Daawo:Muqaal Naxdin & Argagax leh
Soomaali loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dalka Tanzania+Taariikhdiisa oo kooban
Soomaali loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dalka Tanzania+Taariikhdiisa oo kooban

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu oo isku shaandheysay golaheeda wasiirrada ayaa wasaarad muhiim ah u magacaawday siyaasi Soomaali ah.
Madaxweynaha ayaa Xuseen Maxamed Baashe waxay u magacaawday wasiirka wasaaradda beeraha dalka Tanzaania, isaga oo horay u soo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaraddaas.
Isku shaandheynta ayaa ku soo beegmeysa dhowr maalmood un kaddib marki ay sheegtay iney fasaxeyso shakhsiyaadka doorashada 2025-ka u hanqal taagaya.
Waxaana golaha wasiirrada si weyn uga soo muuqday siyaasiyiinta sida weyn u taageersan Madaxweynaha.

Haddaba waa kuma Xuseen Maxamed Baashe?
Xuseen Maxamed Baashe waxa uu 26-kii August 1975 ku dhashay gobolka Nzega, magaalada Tabora ee dalka Tanzania.
Wuxuuna siyaasadda uu ku soo biiray xilliyadi uu dugsiga sare ka baxay.
Waa siyaasi reer Tanzania oo ka tirsan xisbiga talada haya ee CCM, waana xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalkaasi oo 2015-kii deegaan doorashada Nzega laga soo doortay. Wuxuuna soo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha.
Xuseen oo dalka Tanzania caan ka ah, siyaasadda ka sokoow waxaa lagu yaqannaa inuu yahay ganacsade weyn oo dhanka beeraha horumar ka gaaray.
Wax soo saarka beeraha dhaqaalaha guud ee dalka Tanzania wuxuu ka qaataa 65% halka wax soo saarka dalka Tanzania uu dhoofiyo 24% ay yihiin wax soo saarka beeraha.

Seddex meelood laba meel shacabka dalka Tanzania ku nool noolashooda waxay ku tiirsan tahay wax soo saarka beeraha.
Dhaqaalaha gaarka ah ee wasiirka ayaa sanadki dhammaaday ee 2021-ka waxaa lagu qiyaasay inuu gaaray $3-$5 malyan oo dollar, isaga oo dhaqaalahaasi ka sameeyey wax soo saarka beeraha.
Xuseen Maxamed Baashe oo haatan ay madaxweynaha Tanzaniya ay u magacaawday wasiirka Beeraha oo sanadki hore BBc uga warramay taariikh noolaleedka madaxweynaha dalka Tanzaniya halkan ka dhageyso.
Dhibaatooyinka Caafimaad ee Tubaakada (Qiijinta Sigaarka). Qalinkii Sadam Osman Kaabash
Saynisyahanadu waxay heleen in ka badan afar kun oo walax kiimikaad ah oo ku jira sigaarka, Cilmi baadhis caafimaadna lagu xaqiijiyey. Ugu yaraan laba boqol iyo konton(250 walxood) waxaa la xaqiijiyey in ay leeyihiin khatar caafimaad. In kabadan konton walxoodna ay sababaan kansarka noocyadiisa kale duwan. Sigaarka waxaa ku jira walaxda kiimikaad ee looyaqaano arsenic: oo loo adeegsado in lagu cidhib tiro geedaha iyo xayaanka yaryar ee dhibka badan. Sidoo kale, waxaa ku jira walaxda kiimikaad ee looyaqaano Formaldehyd oo ah: dareere kiimikaad oo loo adeegsado in jidhka aadamaha lagaga ilaaliyo in uu qudhmo.
Intaasba waxaa ka sii xun walaxda kiimikaad Nicotine oo ah walaxda ka dhigta qofka sigaarka ka cabbaya in uu u soo xiiso uuna qabatimo. Nicotine waxay keenta dhimasho degdeg ah haddii uu qofku waayo sigaarka. Taas oo sababaysa in muruqyada ka masuulka ah neefsashadu in ay istaagaan.
In ka badan hal bilyan oo qof oo caalamka jooga ayaa maanta isticmaala tubaakada. Khubarada caafimaadkuna waxay sanado badan ka digaysay dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha tubaakada iyo guud ahaan ba nuugista sigaarka.
Cabista sigaarku waxay sanadkii dishaa in ka badan shan milyan oo qof caalamka oodhan. Khubarada waxay leeyihiin sigaarku waa sababta keenta dhimasho kedis oo laga hortegi kari lahaa. Waana shayga labaad ee dhimashada caalamka ugu badan keena marka laga yimaado kansarka oo kaalinta koowaad ku jira. Hasayasheeeye, isla cabista sigaarku waxay keenta kansarka noocyadiisa kale duwan. Khubadarada caafimaadka kuu xeel dheeri waxay leeyihiin 40% tubaakada iyo sigaarku waxay keenaan khasaaro kale duwan oo ku dhacda aadamaha. Sidaas oo ay tahayna sigaarku waa shayga koowaad ee sabab kale badh kansarka dad ugu badani u dhintaan sanadkii.
Sidoo kale, sigaarku waxa uu sababa 40% xanuunada ku dhaca habdhiska dheef mareenka. Sida xanuunada xiiqda, bronchitis (caabuqa ku dhaca geedaha sambabada), emphysema. Sidoo kale, sigaarku waxa uu sababaa 10% xanuunada ku dhaca wadnaha iyo habdhiska wareega dhiiga. Isaga oo keena xanuunada ugu badan ee ku dhaca wadnaha, sababana in wadnuhu gaadhsiin waayo dhiiga qaybaha jdhka aakhirkana keena faaluga (stroke).
Cilmi baadhisaha casriga ahi waxay caddaynayaan qofka cabbaa sigaarku wuu uga halis badanyahay laban-laab noloshiisa in uu ku dhaco xanuunka looyaqaano Alzeimers disease (xanuunka asaaqa). Asaasaqu waa xanuun sababa in qofka ay lunto xasuustiisu, sabababana in uu qof wax sababayn kari waayo.
Cilmi baadhis hore loo sameeyey oo ay ka qaybqaateen in kabadan todoba kun oo qof, socotayna todoba sano, qofka ugu yarina ahaa 50 jir iyo wixii ka wayn, cilmi baadhistaas waxaa ka soo baxday in 50% dadkii sigaarka cabbaaayey ay la soo deristay xusuustooda oo luntay, marka la barbar dhigo kuwii aan cabbin sigaarka.
Sidoo kale, sigaarku waxa uu sababaa xanuunada gabawga keena ee sababa in muruqyada qofku si fiican u shaqayn waayaan. Aakhirkana keena macal qofku in uu indha beelo isaga oo aan gaadhin lixdan jir.
Waxaa layaab leh, dadka cabba sigaarku keliyaata ma dhibaateeyaan caafimaadkooda ee waxay halis kuyihiin caafimaadka bulshada ay la noolyihiin ee aan cabbin ama qiijin sigaarka weligood. Ururka Caafimaadka aduunka WHO, waxay ku qiyaastay dadka uumiga sigaarku soo gaadho ee aan cabbin ay sanadkii tiro gaadhaysa lix boqol oo kun oo qof ay u dhintaan. Ururka Ka Hortagga Kansarku isna waxa uu soo saaray in todoba milyan oo carruur ahi ay dhashaan sanadkii, carruurtaas oo sambabadooda ay ku jirto hawadii ay la socotay tubaakadu, sababtoo ah hooyooyinkood ayaa cabba sigaarka. Carruurtaas oo la dhalata cududrada sambabada, miisaankooda oo hooseeya oo ay soo dhashaan iyo korriinkooda oo hagaasa.
sadam Osman Kaabash
Hargeysa, Somaliland.
Freelance graphic design and video editor.
Wasiirka Beeraha S/land oo Xaaladiisa Caafimaad war cusub ka soo saaray
Wasiirka Beeraha S/land Xaaladiisa Caafimaad war cusub ka soo saaray

Mudo 3cisho ah waxaan dareemayaa Xumad sababtay in aanan mudedaa 3da cisho ah shaqada tagi kari waayo, sidoo kalena saaka aan ka baaqdo fadhigii Golaha wakiilada ee ansixinta Wasiirada Cusub ee golaha la horgeeyey, waxaan idinka codsanayaa in aad isoo ducaysaan, waxaanan ilaahay ka rajaynayaa caaafimad degdeg ah si aan hawlahayga qaran ee iga baaqday u qabsado, hadana aad bn u fiicanahay.

Daawo:Dardaarano Musharax Cirro u laqimay Dhalinyarada & Hablaha Waddani Burco ee Tacabkoodii & Maalkoodii geliyey Xisbiga
Daawo:Wakiilka S/land ee Finland oo ka hadashay Hadalada Xajiimeysan ee Xisbiyadu Warbaahinta isu mariyaan
Wasaarada Warfaafinta S/land waxaad moodaa inay ka hadal-heyn badan tahay Wasaaradaha kale…..
Daawo:Saleebaan Gaal oo luuqad adag kula hadlay Xildhibaanada Golaha Guurtida+Halka Sartu ka qudhuntay
Daawo:Wasiir Saajin oo shaaciyey Heshiis laga gaadhay Murankii Dekeda Berbera ka dhex oogna Shirkada DP World & Ganacsatada
Daawo:Xildhibaan Guruuje oo si Farshaxnimo ah u duray warbixintii Gudida dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada
Saynisyahan Soomaali ah oo adduunka u raadinaya Daawada Kansarka
Saynisyahan Soomaali ah oo adduunka u raadinaya Daawada Kansarka

Khubarada caafimaadka ayaa muddo dheer ku howlan sidii ay daawo ugu heli lahaayeen cudurka halista ah ee kansarka, kaasoo noocyo badan leh, caalamkana saameyn ku yeeshay.
Seynisyahannada cilmibaaristan ku jira waxaa ka mid ah Dr Axmed Cali oo ah Soomaali ku sugan waddanka UK, kuna xeel dheer arrimaha caafimaadka.
Waxaa jirta rajo laga qabo in dawada kansarka laga soo saaro saddex sheey oo kala ah Dahab foox iyo malmal, kuwaasoo horay loogu adeegsaday daweynta cudurro ay ka mid yihiin wadne xanuunka iyo neefta.
Dr Cali oo hadda ku nool magaalada Newport, Wales, waxa uu caan ku yahay geedaha uu ka sameeyo barafuunka.
Waxa uu ka shaqeeyaa qaybta seyniska caafimaadka ee jaamacadda Cardiff, isagoo sameynaya tijaabooyin uu u adeegsanayo qalabkan oo uu doonayo inuu dawo ugu soo saaro fidinta maqaarka iyo cudurka kansarka.
Waxa uu Dr Axmed Cali ogaaday in geedaha barafuunka laga sameeyo ee laga helo Soomaaliya ay ka kooban yihiin kiimikooyin kala duwan oo loo adeegsan karo in lagu daweeyo xanuunno badan.
“Waxaan ogaannay in qalab laga dhex saari karo barafuunno kala duwan oo Soomaaliya laga helo kaddibna loo isticmaali karo daweynta kansarka. Waxaad ku dhex shubeynaa dhammaan unugyada kansarka qaba ee jirka, billowga ilaa dhammaadka. Taas waxay ka dhigan tahay inaad ka hor tageyso faafitaanka uu kansaku ku gaari karo unugyo kale,” ayuu yiri Dr Axmed Cali.

Barfasoor Richard Clarkson oo la shaqeynaya Dr Cali ayaa sheegay in cilmibaaristooda ay horseedi karto natiijo aad u wanaagsan oo dawo loogu helo kansarka.
“Sida guud, ujeeddadu waa in la helo waxyaabo cusub iyo dawooyin ka hor taga in kansarka uu ku faafo jirka dhexdiisa. Hase yeeshee way adagtahay in lagu hirgeliyo xitaa isbitaallada,” ayuu yiri.
Dahab ma laga sameyn karaa dawada kansarka?
Jabab yar yar oo ka mid ah dahabka ayaa loo adeegsan karaa si loogula dagaallamo kansarka, sida lagu xisay daraasad soo baxday sanadkii 2017-kii.
Seynisyahannada Jaamacadda Edinburgh ayaa ogaaday in dahabka oo ka mid ah waxyaabaha qaaliga ah uu xoojin karo dawooyinka loo adeegsado unugyada kansarka ee sambabbada.
Tijaabada hore ayaa lagu sameeyay kalluunka midankiisu isugu jiro caddaanka iyo madowga ee u eg sida dameer farowga, balse waxay khubaradu rajo ka qabaan in mustaqbalka dawadan lagu tijaabiyo bani’aadanka.

Dahabka ayay seynisyahannadu ku tilmaameen wax aan dhib sababeynin oo marna lagu xoojin karo marna lagu yareyn karo kiimikooyinka loogu talogalay daweynta cudurkaas.
Cilmobaareyaasha ayaa aaminsan in mar uun xal loo heli doono saameynta dhibaato ee laga dhaxlo habka hadda lagu daweeyo kansarka heerarkiisu hooseeyaan.
Ugu dambeynta waxa uu hammigu yahay in si toos ah loo abbaaro unugyada xanuunsan oo kaliya iyadoo aan waxba la gaarsineynin kuwa fayoow.
Way adag tahay daweynta kansarka
Dr Asier Unciti-Broceta, oo ka tirsan xarunta kansarka ee Edinburgh, UK, ayaa yiri: “Waxaan ogaannay waxyaabo ku jira dahabka oo aan horay loo aqoonin, xogta aan helnayna waxay muujineysaa in dahabku uu si nabad ah u sameyn karo hannaanka daweynta ee gudaha.
“Wali howl badan ayaa ka dhiman in arrintan lagu tijaabiyo bukaannada, balse daraasaddan waa tallaabo horay loo qaaday. Waxaan rajeyneynaa in lagu guuleysan doono sidii bani’aadankana loogu hirgelin lahaa iyadoo loo marayo qalliinnada ku habboon.”
Doorasho kasta oo Somaliland hore usoo martay waxaa saldhig u ahaa heshiis Siyaasi ah oo dhex mara Xukuumada iyo Mucaaridka.
Wakhtigii Madaxweyne Cigaal Allah ha u naxariistee waxaa muranka ugu weyni uu dhex yaallay Saleebaan Maxamuud Aadan ( Saleebaan Gaal) oo ugu tun weynaa Mucaaridkii waagaas jiray, waxaanuu ka hor yimi in Ururrada la diiwaan geliyo xilli uu Madaxweyne Cigaal go’aansaday in Shir Beeleedkii wax lagu dooran jiray looga gudbo hannaanka Xisbiyada badan. Xiligaas Saleebaan Gaal waxa uu haystay taageerada inta badan Salaadiinta iyo Hoggaanka Dhaqanka Somaliland oo saameyn weyn ku lahaa qofka Madaxweyne loo cimaamadayo.
Salaadiintii waxay isku urursadeen guriga Suldaan Barre ee magaalada Hargeysa iyagoo ciiddan difaacana samaystay, xiligaas Madaxweyne Cigaal wuxuu damcay inuu weeraro, balse aakhirkii waxaa laga gaadhay heshiis, waxaana la isku raacay in ururrada la diiwaan geliyo taasoo UDUB, UCID, iyo ASAD ay bilaabeen inay is diiwaan geliyaan, muddo yar ka dibna waxaa geeriyooday Madaxweyne Cigaal Rabbi ha u naxariistee.
Madaxweyne Daahir Riyaale iyo Mucaaridkii ayaa hadana fooda is daray, waxaana dhibta ugu weyni ay ka taagnayd nidaamkii iyo habkii loo maamulayay doorashada iyo diiwaan gelinta, qalabkii Server ka ee Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo Ajnabi uu gacanta ku hayay ayay Xukuumadii Rayaale ku amartay inay Dalka ka baxaan taasoo dhalisay muran aad u xoog badnaa waxaana aakhirkii soo dhex galay Beesha Caalamka oo u xil-saaray Dawlada Itoobiya, waxaana lagu xalliyay heshiis Lix Qodob ka koobnaa oo dhex maray Xukuumada iyo Mucaaridka oo horseeday qabsoomida doorashadii Madaxtooyada iyo Baarlamanka.
Xiligii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la qabtay doorashadii Dawladaha Hoose iyo Furista ururrada waxaa iyadana lagu galay heshiisyo buuxa iyo is faham dhex maray saddexda Xisbi iyo Xukuumada.
Doorashadan u dambeysay ee isku sidkanayd ee dhawaan uu Dalka ka qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay iyaduna ku qabsoontay kuna suurto gashay heshiis iyo is faham siyaasadeed oo wadajir ah oo dhex maray Xukuumada iyo Xisbiyada.
Tusaale ahaan waxa ay Xisbiyada iyo Xukuumadu si wadajir ah uga hawl galeen xallinta Caqabadihii ugu cuslaa ee doorashada Baarlamanka hor taagnaa, taasoo ahayd arrintii Saami-qaybsiga iyo Xeer Maxkamada sare hore usoo saartay oo dhigayay inaan doorasho Baarlamaan la geli karin ilaa Tiro-koob la sameeyo.
Si middaysan ayay Xukuumada iyo Xisbiyadu ugu wada shaqeeyeen xallinta artintaas, Madaxweyne Muuse Biixi iyo Hoggaanka Mucaaridka ayaana dhexda u xidhay inay reer Awdal ku qanciyaan in doorashada la galo, sidoo kalana waxay Maxkamada Sare ka codsadeen inay buriso goaan hore oo Maxkamada Sare soo saartay, taasoo yaabkeeda lahayd, sharciyadeedana ay calaamatul-suaal saarnayd, laakiin fure u noqotay qabsoomida doorashadii isku sidkanayd ee dhawaan inoo qabsoontay.
Jamhuuriyada Somaliland maaha mid shalay dhalatay, mana aha mid ay ku cusub yihiin muranada ka dhasha Doorashooyinku, waxaanay Somaliland leedahay waayo aragnimo aad u qoto dheer oo ay ku xallin jirtay marka ay xaaladan oo kale timaado, taasoo ahayd inay wada fadhiistaan Xukuumada iyo Mucaaridku, si deggana heshiis siyaasi ah looga gaadho muranka jira.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo labaduba Shahaado sare oo Jaamacadeed ku qaatay Xallinta khilaafaadka,isla markaasna ahaa laba Arday oo isku fasal markii ay Jaamacada Hargeysa ku jireen, waxaan ka codsanayaa in ay aqoontii ay barteen u isticmaalaan xallinta khilaafka u dhexeeya, dhakhsana usoo afjaraan buuqa Dalka ka jira iyaga oo u maraya dariiqii suubanaa ee loo mari jiray xallinta muranada ka dhasha arrimaha doorashooyinka.
Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Why America LOVES Somaliland
Macluumaad iyo Xogo Ku Saabsan Qanjidhka Prostate-ka

Qanjidhka “Prostate” waa xubin ka mid ah, qaybna kamid ah habdhiska taranka ee ragga. Saynisyahanadu ma hubaan, welina may caddayn waxa saxda ah ee keena kansarka ku dhaca qanjidhka prostate-ka. Laakiin waxay heleen asbaab saamayn kuyeelata , kana qayb qaadata in qanjidhka prostate uu ku dhaco kansar. Ragga inta badan ay la soo deristo xanuunka ku dhaca kansarka qanjidhka prostate, waxa u fudud in ay qaadaan caabuqyo kale.
Haayadda Caafimaadka Adduunka (WHO), waxay caddaysay in nooca gasiinka ee raggu cunaan ay jaanis u siiso in uu qaado xanuunkan. Tusaale: ragga cuna hilibka xioolaha ee baruurtu ku badantahay waxay u nugulyihiin in ay qaadaan kansarka ku dhaca qanjidhkan.
Qanjidhka Prostate waxa uu leeyahay qaabka lawska oo kale, waxaanu u dhaxeeya kaadi haysta iyo xubinta taranka ee ninka (Penis). Qanjidhkani waxa uu dusha sare kaga yaalaa afka hore ee duburta(Rectum). Tuunbada (Urethra) kaadida ka soo qaada kaadi haysta ayaa si qummaatiya u soo dhex marta, tuunbadan oo kaadida dibada uga soo saarta jidhka. Qanjidhkani waxa uu soo saaraa dareere nafaqaysan oo kaalin laxaad leh ka qaata ilaalinta biyaha taranka ninka.
Haayadda Caafimaadka Adduunka ( WHO), waxay leedahay sanadkii waxaa kansarkan ku dhaca qanjidhka Prostate u dhinta 250,000 oo nin. Ururka kansarka Maraykanku waxa uu leeyahay jimicsigu waxa uu caawiyaa khatarta in ninku qaado kansarka ku dhaca qanjidhkan. Sidoo kale dadka ugu badan ee xanuunkani ku dhacaa waa da’aada lixdan jir iyo wixii ka weyn.
Intabadan kansarkani waxa uu u bilaabmaa si tartiib-tartiib ah, xattaa kansarka qaar ma sababo dhibaato badan, kaas oo dhakhaatiirtu ku taliyaan in laga jaro qofka qanjidhka. Waxaa jira mararka qaar in xanuunkani yahay mid aad u fidaaya, yahayna kansarka nooca aadka ugu fida xubnaha kale ee jidhka, loona yaqaano kansarka noca faafa(metastasi).
Qanjidhka prostate-ku waa uu waynaadaa xajmi ahaan marka kansarku haleelo. Laakiinse, markasta oo ninka da’diisu sii waynaato waxaa sii ballaadha xajmiga qanjidhka isaga oo aan xanuun jirin, waana xaalad caadiya. Xajmigaas qanjdihka ee ballaadhay waxa uu xannibaya ama xidhayaa dhuuntii kaadida ka soo qaaadaysay kaadi haysta ee dibada u soo saaraysay taas oo keenaysa xanuun marka uu ninku kaajayo. Bararka ku yimaada qanjidhkan ayaa sababa dhibaato ninku uu dareemo marka uu u galmoonayo gabadhiisa. Sidoo kale, waxa uu dhabarka iyo bawdyaha ka dareemayaa xanuun joogto ah.
Sadam Osman Kaabash.
Hargeysa
Somailand.
Freelance graphic design and video
M/weynaha Maraykanka Joe biden oo Telefoon kula hadlay Abiy Axmed+Cagajugleyn & Hanjabaad uu goroda u geliyey
M/weynaha Maraykanka Joe biden oo Telefoon kula hadlay Abiy Axmed+Cagajugleyn & Hanjabaad uu goroda u geliyey

Intii lagu guda jiray wicitaan dhanka telefoonka ah ee dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayuu Biden muujiyay walaac ku aaddan dhimashada dadka rayidka ah ee ay sababeen duqeymo xagga cirka ah.
Tani waxay daba socotaa warbixino sheegaya in in ka badan konton qof oo barokacayaal ah lagu dilay weerar xagga cirka ah oo Jimcihii ka dhacay waqooyi-galbeed ee Tigray.
War ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu soo dhaweeyay sii deynta hogaamiyayaasha mucaaradka, wuxuuna ballan qaaday in uu ka taageeri doono sidii nabad loogu dhameyn lahaa dagaalka lagula jiro fallaagada Tigrey.
Xiriirka xukuumadaha Washington iyo Addis Ababa ayaan xumaaday ka dib markii ay dawladu ka carootay dhaleecayn isdaba joog ah oo loo jeediyay xad gudubyadii xuquuqul insaanka ee dhacay intii uu socday dagaalkii ay kula jirtay xoogagga iska caabinta ee Tigrey.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in dhawaan la sii daayay hogaamiyayaasha mucaaradka ay ahayd tallaabo wanaagsan. Laakiin mawduuca xasuuqa ayaa mar kale la soo qaaday.
Waxaa sidoo kale kulanka uu Biden ku boogaadiyay sii deynta hogaamiyayaasha mucaaradka oo ku tilmaamey in ay ahayd tallaabo wanaagsan.
Hase yeeshee mowdhuuca duqeynta ayaa markale walaac laga muujiyay iyadoo maalmo un ka hor ay soo baxeen warar sheegaya in in ka badan konton qof oo barakacayaal ah lagu dilay weerar ka dhacay waqooyi galbeed ee gobolka colaaddu daashatay ee Tigray.
Dowladda Itoobiya ayaa sii deysay siyaasiyiin caan ah oo mucaarad ah, xilli dalkaasi uu xusayay ciidda Masiixiga ee Orthodox Christmas.
Weriye caan ah isla markaana ah siyaasi Eskender Nega oo muddo ka badan 18 bilood xirnaa ayaa ka mid ah dadka la sii daayay. Waxaa xabsiga la dhigay bishii June sanadkii 2020 kaddib markii ay rabshado ka bilowdeen caasimadda Addis Ababa iyo gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromia, kaddib dilka heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.
Rabshadaha ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof. Siyaasiyiinta kale ee caanka ah ee la sii daayay waxaa ka mid ah Jawaar Maxamed iyo Bekele Gerba.
Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo soo laalaabtay kuwaasoo lagu doonayay in lagu xlaliyo dagaalka sokeeye ee uu dhiiggu ku daatay ee ka dhacay gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigray.
Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay arrintan u sameyneyso iyadoo dooneysa in la gaaro dib u heshiisiin qaran sarena loo qaado “midnimada”.
Ciidamada dowladda ayaa mucaaradka la dagaallamayay muddo sanad ah, kaddib dagaal ka dhacay waqooyiga dalkaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

Saraakiil sare oo caan ah kana tirsan TPLF ayaa ka mid ah dadka cafinta loo fidiyay.
Cafintan ayaa ku soo aadeysa xilli uu dalkaasi booqasho ku tegay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman, oo labada dhinac ku cadaadinayay inay yeeshaan wada hadallo lagu soo ajarayo dagaalka.
Feltman, oo horraantii toddobaadkan ku dhawaaqay inuu xilka banneyn doono dhammaadka bishan, ayaa Khamiistii saraakiil ka socda dowladda wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa.
Iyagoo 300km (186 meyl) u jirsaday caasimadda, Addis Ababa, ayaa kooxda TPLF waxaa lagu qasbay inay dib u gurtaan kaddib markii ay rogaal-celis sameeyeen ciidamada dowladda.

Dagaalka Tigray ayaa qarxay bishii November 2020 kaddib markii Abiy uu amray in dagaal militari lagu qaado ciidamada gobolka. Wuuxu sheegay in looga jawaabayo weerar ay kooxda TPLF ku qaadeen saldhig militari oo ay ciidamada federaalku ku leeyihiin gobolka.
Tigray – qodobada saldhiga u ah qalalaasaha
- Itoobiya waxay u qaybsan tahay 10 dowlad goboleed
- Xiisadda udhaxeysa dowladda Federaalka iyo gobolka Tigreega ee ay hogaamiso kooxda TPLF ayaa bilaabatay kadib markii raiisul wasaare Abiy uu xukunka qabtay bishii April 2018.
- TPLF oo mar awood badneed oo maamuli jirtay dowlada in kabadan 27 sannadood, waxaa booska ka saaray Abiy Axmed.
- Saddexdii bishii Nofember 2020 ayay ciidamada amniga ee gobolka Tigray ay weerareen saldhigyada ciidammada qaranka ee Tigray
- Mr Abiy wuxuu ku dhawaaqay khilaafka dabayaaqadii bishii Nofeembar, balse dagaalka wuxuu socday tan iyo markii la qabtay doorashooyinka qaran ee 21 Juun
- Xoogaga kacdoonka ee daacada u ah Jabhadda Xoreynta Tigray (TPLF) ayaa qabsadeen magaalo-madaxda gobolka ee Mekelle
- In ka badan 350,000 oo qof ayaa wajahaya xaalado macluul, iyadoo qiyaastii 5 milyan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
Daawo:Macaamiisha & Muruqmaalka Dekeda Berbera oo Sida Fiinta uga qayliyey Lacag la duldhigay
Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Doorashada Madaxtooyada & Arrimo kale
