Sida laga war qabo waxa Somaliland ku habsatey abaar baahsan oo sababtay dhimasho dad iyo duunyo ah. Abaartan waxay ka dhalatay roob la’aan, iyadoo sanadkan aan dalku helin roob sanadedkii la heli jirey labada xili ee Gu’ga iyo Dayrta. Roobka Gu’ag ayaa ahaa kan dalka inta badan ka di’i jirey 70% iyadoo sanadka la helay 20% roobkii Gu’ga. Halka Dayrta oo ah xiliga labaad ee dalka roobku heli jirey aanay iyadu kuba tiixin guud ahaan dalka marka laga reebo meelo kooban oo galbeedka dalka ah oo roob yar helay.
Sool iyo Sanaag waa labada gobol ee abaartu sida weyn u saameysay, iyadoo labadaasi gobol yihiin kuwa ay ku dhaqan yihiin xoolaha ugu badan ee Somaliland. Dhanka kale waa labada gobol ee dhul ahaan ugu weyn Somaliland. Abaarta haysa goboladan ayaa sababtay dhimashada xoolaha oo hada maraysa 35%, halka dhimashada dadku tahay 3%.
Dadweynaha ku dhaqan deeganada galbeedka gobolka Sanag ayaa 45% xooluhu dhaafeen, tirada dadkan xooluhu dhaafeen ayaa lagu qiyaasayaa 550 qof, o ku soo hoydey tuulooyinka u dhow sida:-
Dararweyne
Godwaraabe
Shoodhe
Badhi Gelis
God Dheere
Ceel Lahelay
Docolaha
Sabawanaag
Dhabar Mamac
Xoolaha wixii hadhey waxay hada u hayaameen dhulka Puntland ee xeeliga badd weynta Hindiya halkaas oo robab lagu diirsadey ka hooreen dabayaaqadii sanadkii tagay 2016.
Iyadoo dadkii xoolahaa haystay inta nugul sida haweenka, caruurta, iyo dadka waa-weyn looga tagay tuulooyin an kor ku soo sheegay oo ay ku hadheen ka dib markii ay beegsan kari wayeen hayaanka dheer ee 1000KM ah.
Dadweynaha xooluhu ka hayaameen iyo kuwii hore u sii joogey ee xooluhu dhaafeen ayan haba yaraatee helin wax caawimo bani aadanimo ah.
Dawlada Somaliland iyo hay’adaha aan dawliga ahayniba waxay ku hawlan yihiin hawlaha gurmadka ee dadkaas dhibaatadu saameysay lagu samato bixinayo, iyado ay jiraan degaano aan weli caagad biyo ahi gaadhin ama xidhmo raashin ah.
Dhanka caafimaadka, xiligan abaartu ku habsatey dhulka waxa jira cimilada oo aad u qabow awgeed iyo dadweynaha soo buux dhaafiyey tuulooyinkaa yar yar iney ka dilaaceen xanuuno sida;-
-Shubanka – Nafaqo Daro
-Oofka – Dhiig La’aan
-Hargabka Xumaday – Xanunada Maqaarka
-Mataga – Malaria
-Typhoid – Saxa-Xumo
-TB – Jooniska
Waxa hubaal ah sidey ii xaqiijiyeen dadyow goob joog ahi iney jiraan caruur yar yar oo qarka u saaran iney u dhintaan xanuunada aan soo sheegay.
Haba yaraatee waxaan jirin xarumo caafimaad oo gebi ahanba ka jira dhulkaa aan soo sheegay iyadoo goobta ugu dhaw u jirto 100KM oo ah degmada Ceel-Afweyn.
Ma jiraan wax isku day ah haba yaratee oo la sameeyey sidii dadkaa loogu gurman lahaa dhan caafimaadka, iyadoo ay maalinba maalinta ka danbeysa arintu ka sii darayso ayaan ilaa iminka la hayn cid hawsha isu taagtay oo dadkaa u gurmanaysa.
Waxaanu ka codsaneynaa dhamaan, Dawlada Somaliland, Hay’adaha aan dawliga ahayn iyo dadweynaha samaha jecel iney si deg-deg ah ugu gurmadaan dadkaa walalahood ee dhibaatadu haleeshay.
Waxaan leenahay mar kale inta samaha jecel iyo inta damiirku hagayo ILAAHAY dartii hawgu kaceen oo haku caawiyeen wixii ay awoodaan dadkaas abaartu haleeshay.
Jamaludiin Al-Muctazim Bilaah
Jamaludiin2011@gmail.com
Hargeisa, Somaliland