
Marwada madaxweynaha Amina Weris aayaa London kula shirtay dumar ay beesha guud isku heyb yihiin. Waxay u sheegtay arin ay ka fajaceen. Waxay ku tidhi cidii doontaa ha iska hadasho ee doorasho Somaliland ka dhacaysaa ma jirto. Markaa waxay u sheegeen in wadanka dhibaato ka dhici karto oo fowdo la geli doonaa. Amina waxay tidhi cid juuq odhanaysa iyo cid wax samaynaysaa toona ma jirto oo sidaa darteed doorasho la qabanayaa ma jirto. Dabeed dumarkii oo arinkaasi uu af-kala qaad ku noqday ayaa ku soo noqday gurya hoodii oo ileyn qaar badan baa u dhaxay reero kale e u waramay odayadoodii. Hadaba warkaasi waa rasmi oo waa waxa ay Amina Weris oo xukun madax maray ay aamin santay. Saan-santa ka muuqata xukunka Amina Weris waxay u eegtay in ay Somaliland meel xun dhigayso oo iyaduna ay ku wax beeli doonto. Maanta maaha maalintii bulshadu maqli karaysay doorasho dib loo dhigo iyo doorasho la qaban maayo midna. Dadku dowladan joogta way ka diiqeen oo waxa aan shaki ku jirin in kacdoon shicib dhici doono oo galaafta madaxtooyada iyo inta is le cid baa dub u sii xukumi doontaan. Anigu warkaa Amina Weris waan soo tebiyee been ha moodina oo weliba wuu ka sii badanyay ee ila badhi taara waataa marwadu dhayda ka cadaysay in aan doorasho dhacayn.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com