Afrika waa inay boodhka ka jaftaa Khayraadkeeda dabiiciga ah ee Wax Soo Saarka Beeraha, Macdan Qodida iyo Khayraadka Tamarta si ay u kordhiso koboc dhaqaale, sidaasi waxa lagu sheegay Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay. Dhaaalaha Qaarada Afrika ee 2013-ka ayaa tilmaamaya in wadamada Afrikaanku qaadaan talaabo buuxa oo ay kaga faa’iidaysanayaan Khayraadka dabiiciga ah iyo Qaniimada ku duugan si dhakhso loogu dhaqaaqo koboc xaqiijiya hanaan ay kaga faa’iidaystaan dadka Afrikaanku. Waxaana sidoo kale walwal leh in si wada jir ah looga shaqeeyo Siyaasado Bulsheed oo dhamaystiran oo baadi gooba in la yareeyo faraqa weyn ee Qaarada. “Hadda waxa la joogaa wakhtigii la samayn lahaa Isbadalo dhaqaale, sidaa darteed waa in dhaqaalaha Afrika uu noqdaa mid si aad ah tartan u gali kara oo abuura shaqooyin badan oo faa’iido leh”. Sidaasi waxa lagu sheegay Warbixinta, waxaana intaa ay ku dartay “Fidinta dhaqdhaqaaqyada dhaqaale waa aasaaska loo wajahayo caqabadaha”.
Warbixintu waxa ay iftiimisay saadaasha dhaqaalaha qaarada Afrika ee sanadka 2013 iyo 2014 oo ay ka muuqato ididiilo fiican, taas oo dhaqaalaha uu ku iman doono koboc 4.8% sanadka koowaad iyada oo uu sare uga sii socon doono 5.3% sanadka ku xiga. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay arimahaasi hoosta ka xariiqayaan in koboc dhaqaale oo kaliya aanu ku filayn in hoos loo dhigo Fakhriga, waxna laga qabto shaqo la’aanta, oo ka turjunta sinaan la’aan dakhli iyo walwalka heerka Caafimaadka iyo waxbarashada. “Koboc kuma fila oo kaliya” sidaasi waxa yidhi Mario Pezzini, oo ah Madaha Organisation for Economic Co-operation and Development (OECD). “Wadamada Afrikaanku waa inay sida ugu saxsan suuqyada ku soo galiyaan Khayraadka dabiiciga ah iyaga oo u badalaya Shaqooyin abuurma, kuna niyad san dakhliga uga soo xarooda khayraadka iyaga oo ka qaadanaya Cashuur, kana saacidaya maalgashadayaasha iyo dadka gudaha ku nool sidii ay iskugu xidhmi lahaayeen”. Marka loo eego warbixinta, waxa lagama maarmaan u ah afar qodo Koboc dhaqaale oo buuxa ayay tidhi. Kuwaas oo ka kooan in si sax ah iyo xaalad wanaagsan uu ku yimaado isbadal ku dhaca Adeegyada asaasiga ah oo abuura suuqyo badan oo tartan ka dhexeeyo; Iyada oo la hir galinayo hanaan cashuureed oo shaqaynaya iyo sidoo kale iyadoo la hor marinayo maamulka dhulka; lana hubinayo in faa’iidada laga helo khayraadka dabiiciga ah lagu maalgaliyo mashaariic faa’iido u leh bulshada; iyo iyadoo si horumarsan oo shaqaynaya loo sameeyo dhaqaale kala duduwan. “Gabogabadii, Isbadal macnaheedu waxa weeyaan in daboolka laga qaado fursado ay dadku shaqooyin ku heli karaan, in la abuuro ganacsi, sidoo kale la maalgaliyo Caafimaadka, Waxbarashada iyo daryeelka cuntada. Si loo horumariyo bulshada,”. Sidaasi waxa war ay soo saareen ku yidhi Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.Waxa Warbixintan Sanadeedan Soo Saaray African Development Bank (AfDB), the Development Centre of the Organisation for Economic Cooperation and Development (OECD), the Economic Commission for Africa (ECA) and UNDP.