Sheeko Kale Keen: Kaatunkii Boqorka
Prof. Cabdisalaam Yaasiin
Boqor baa inankiisii kaatun uu lahaa siiyay. Kaatunkii ayaa inankii ka lumay. Isaga oo ka xun kaatunkii aabihii lahaa ee uu siiyay, oo sidii uu heli lahaa ka fekeraya, ayaa wuxu la kulmay lataliyihii boqorka.
“Werer iyo murugo ayaa ka muuqata; ee maxaa ku helay amiir?” Ayuu lataliyihi weydiiyay ina boqor.
“Kaatun uu boqorku leeyahay ayuu i siiyay. Kaatunkii ayaa iga lumay. Waxan ka xumahay kaatunkaa aan dayacay; waxanaan ka fekerayay sidii aan u heli lahaa.” Ayuu u celiyay amiirki.
“Ha wererin amiir,” ayuu yidhi lataliyii, “insha Allah weynu helaynaa kaatunkii. Meel fogna ma jiree golahan boqortooyada ayaa lagu hayaa.”
Amiirkii oo faraxsn ayaa yidhi, “Ma golahan boqortooyadaa lagu hayaa!?”
Lataliyihii oo ay ag joogaan madaxdii boqortooyadu; hadalka lataliyaha iyo amiirkana ay maqlayaan, ayaa u celiyay, “Haa. Ninka kaatunkii boqorka hayaa golahan ayuu joogaa. Waxanaad ku garan doontaa ninkaasi gadhkiisa saxar baa saran.”
Markuu amiirki eegay madaxdii golaha joogtay, ayaa ninkii kaatunka hayay gadhkiisii gacanta ku masaxay. Amiirki intuu ninkii is hor taagay ayuu yidhi, “Ninkan ha la baadho.”
Ninkii baa la baadhay oo laga soo saaray kaatunkii boqorka.
Amiirki in uu ninkii kaatunka boqorka helay ee qarsaday ciqaabo waxa ilawsiiyay in uu ogaado siduu lataliyihu ku gartay ninkan kaatunka qarsanayay. Wuxu lataliyihii ku yidhi, “Waxad ii sheegtaa sida aad ku garatay ninka kaatunka qarsaday.”
“Qofka dembi falaa,” ayuu yidhi lataliyi, “haddii uu damreemo in la ogaaday, wuu kardhadaa. Madaxda kale iyo ninkan kaatunka qarsanayay midna gadhkooda saxar ma saarayn. Hasa yeeshee, ninkii kaatunka qarsanayay waxay la noqotay in gadhkiisa saxar saaranyahay. Isaga oo aan is ogayn ayuu gadhkiisii masaxay si aanu noqon ka saxarku saaranyahay. Falakaasi isaga oo gubgubanaya uu sameeyay se, waa ka caddeeyay in uu kaatunkii boqorka qarsanayo!!!”