Qeyladhaan baahsan ayaa waxaa ay kasoo yeedheysaa dalka Ecuador oo ka mid ah dalalka caalamka ee uu cudurka coronavirus aadka u saameeyay, waxaana iminka soo shaac-baxaya muuqaalada meydadka dadka u geeriyoonaya cudurkaasi oo waddooyinka daadsan.

Dowladda ayaa u taagweyday maareynta meydadka, oo waxaa buux-dhaafay isbitaalladii, qabuurayaha iyo goobaha kale ee lagu maareeyo meydadka.

Magaalada ugu weyn ee dalkaasi ee Guayaquil ayaa waxaa ka taagan cakirnaanta ugu weyn, waxaana dadka magaaladaasi eysan garaneyn sida ay ka yeelayaan meydadka waddooyinka qaar yaalla ee aan cidi daneyneyn.

Sidoo kale dadka ayaa guryaha  gaysta meydad u geeriyooday cudurka coronavirus oo eysan garaneyn sida ay ka yeelayaan.