Shirkadaha biyaha sifeeya ee Somaliland waxa ay u eegyihiin kuwo aan cidi daba galin agabka ay biyaha ku shubaan oo nadaafadoodu ay aad u liidato, gaar ahaan caagadaha waaweyn ee biyaha lagu soo shubo.
Waxa mudo hore igu dhacday in aan soo iibsaday caagaad weyn taasi markii aan furay ku arkay waxyaabo dul yaacaaya, hadana todobaadkani ayaa isla shirkadii aan ka iibsaday caagadweyn oo tii la mid ah waxana aan nasiibdaro caagadii oo aanan furin markii aan guriga geeyay aan ku arkay caleemo ku dhex jira caagada, arintaasi oo igu abuurtay cabsi madaama oo in mudo ah macmiil u ahaa shirkadaasi oo aan yiqiinsaday in agabka ay biyaha nagu siinayeen uu ahaa kuwo aan nadaafadoodu wanaagsanayn.
Waxa aan dhawaan umadda Somaliland u soo bandhigi doonaa caagadaasi ay ku jiraan biyaha ay caleentu ku dhex jirto ee la iga iibiyay iyada oo u xidhan sidii shirkada lagaga soo saaray ama ay warshada kaga soo baxday, kadib macluumaad ku saabsan cida leh iyo halka laga leeyahay, macluumaadkaasi oo dhamaystiran la soco
Waxana aan dadka u soo jeedinayaa in ay iska eegaan biyaha ay iibsanayaan ka hor inta ayna isticmaalin
M. Osman