Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Puntland: Wasiirkii Saddexaad iyo Xildhibaan laga Helay Coronavirus

$
0
0

Puntland: Wasiirkii Saddexaad iyo Xildhibaan laga Helay Coronavirus

 

 

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa xaqiijisay in Wasiirkii saddexaad oo ka tirsan xukuumadda Puntland laga Helay cudurka Coronavirus

Wasaaradda waxay kaloo sheegtay in Xildhibaan ka tirsan gollaha barlamaanka Puntland laga helay cudurka Coronavirus. Wasiirka iyo xildhibaanka ayaa ka mid ahaa 17 qof oo wasaaradu maanta ku dhawaaqday inay laga helay cudurka.

Laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa todobaadkan laga heley fayraska korona ee caalamka faro ba’an ku haya. Labada wasiir ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn ula shaqeynaayey bulshada aadna ugu dhawaa gaar ahaan dhibaatadii ka dhacdey magaalada Qardho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in wasiiradan xaaladooda caafimaad aad u wanaagsan tahay, waxay ahaayeen kuwo bulshada u shaqeynaayey, runtii shaqada iyo kala fogaanshaha ayaa la kontrooli waayey, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dadka laga heley fayraska Korona ayaa ah 76 qof gudaha Puntland, waxaana u geeriyooday ilaa saddex Qof. guud ahaan Soomaaliya waxca uu ku dhaw yahay 1000 qof, waxaana u geeriyoodey 44 qof.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>