Dad dhowr ah oo goob joog ahaa ayaa shabakada qarannews, u xaqiijiyay in ganacasadaha reer Jabuuti ee Maxamed Aw Siciid uu khadka telefoonka kula soo hadlay musharaxa xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro isga oo cadhaysnaa isla markaasna qaylinaayay oo hanjabaayay, waxana uu ku yidhi musharax C/raxmaan Cirro, xabad ayaan kugu dhufan doonaa, waxna aad u dhiman doontaa xabad ama rasaas aan kuwado hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxana uu Cirro u sheegay in aanu dalkani madaxweyne ka noqon doonin madaama oo uu u taaganyahay Muuse Biixi oo nin reer Hargeysa ahi taasina ayna marnba macquul ahaynin kursiga madaxweynaha ku fadhiisto iyada oo uu nin Hargeysa ahi uu sharaxanyahay.
Sida ay dadka goob jooga ahaa ay noo xaqiijiyeen C/raxmaan Cirro oo dhoola cadaynaaya ayaa ugu jawaab celiyay. Waxa aan ku waydiiyay miyaanad gamacsade reer Jabuuti ahayn, waxa aan ku moodaayay in aad tahay shaqsi ganacsade ah, markii ay intaasi ka soo baxday Cirro ayaa uu Maxamed Aw Siciid uu ku dhigay telefoonka oo jaray.
Dhanka kalena waxa dhacday in ganacasade Maxamed Aw Siciid uu soo xidhay Tuutaha iyo kabaha Malatariga isla markaasna uu yimid oo uu gudaha u soo galay Mafrishka lagu qayilo ee Xasan Mawliid oo ku yaala galbeedka magaalada Hargeysa, xiligaasi uu ganacasade Maxamed Aw Siciid meeshaasi soo galay waxa markaliya wada jaleecay dadkii mafrishkaasi fadhiyay waxana la waydiiyay waxa u labsitay kabaha iyo dharka malatariga, waxana uu si badheedh ah u sheegay oo waliba ku hanjabay in doorashada madaxweynaha ee soo socota awgeed uu u sii toshay tuutahaasi waxana uu sheegay in sax iyo qaladba ay xoog ku qaadi doonaan doorshada isla markaasna uu u sii diyaar garoobay dagaalkeeda.
Markii uu intaasi yidhi ayaa nin la yidhaa Cali Daacuun oo meesha fadhjiyay ayaa u jawaabay oo yidhi miyaanad ganacsade ahayn dadka oo dhan wax ka wada gada oo ayna dadku adiga kuu sinayn, isla goobtaasina ugu caqli celiyay xasuusiyayna in uu yahay ganacasade.
Ma jiraan waxa war ah oo ka soo baxay dhanka C/raxmaan Cirro labadii cisho ee ugu danbaysay oo aanu raadinaynayna waa uu naga qaadi waayay mobil-kiisa iyada oo aanu xitaa u dirnay fariin text-ah in uu qabto telefoonka ama nagu soo celiyo, sidoo kale waxa aanu la xidhiidhnay ganacasade Maxamed Aw Siciid hase ahaatee nooma ay suurto galin aanu helno