Hargysa,(Qaran news)- Sawirkani hoos yaalaa waa gudoomiyaha iyo xoghayaha xisbiga UCID- ee Somaliland, bishan horaanteedii ayaa gudoomiyaha UCID waxa uu si kadiso ah ula kulmay madaxweynaha iyo wasiirka arimaha dibada ee Somaliya, taasi oo uu gudoomiye Faysal ku sheegay in si kadiso ah uun u kulmeen oo aan salaanta la isla dhaafin, arintaasi waxa aad uga qaylisay xukumadda Siilaanyo, gaar ahaan wasiirka warfaafinta, waxa lala yaabnayahay waxa xukumaddii Siilaanyo aamusiiyay hada ee ay shicibkii doortay u qancin laayihiin, arintaasi UCID-oo qudhaati kama ay yaabin ee umada oo dhan ayaa yaaban.
Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland oo qaatay magaca maamul goboleed
Wasiirka arimaha dibada oo dhex fadhiya lana shiraaya maamul goboleedyada Somaliya, oo ay hagayso dawlada taagta daran ee Somaliya, taasi oo madaxwaynaheedu uu 18′kii May kula taliyay xukumadda Siilaanyo in ay iska dayaso caadifada oo isga soo raacdo, xiligaasi xukumadu uma ay jawaabin, waxana muuqata in ay xukumadu codsigii madaxweynaha Somaliya ay aqbashay.