Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Mahadnaq ku Socda Jaaliyada Reer Somaliland ee UK oo ka Yimi Safiirka Wareega ee Somaliland

$
0
0

Asalaamu Calaykum

Aniga oo ku hadlaya Magaca Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ee Jaaliyada Reer Somaliland ee UK kala soo qayb galay Dabaaldegyadii Laba iyo Labaatan Guurada Jamhuuriyada Somaliland ee 18 May, waxaan Mahadnaq iyo Amaanba u dirayaa Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool Gobolada iyo Degmooyinka Dalkan UK oo si Wadaniyad, Dal Jacayl iyo Geesinimo ku jirto usoo dhaweeyay Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweyne ku Xigeenku.

Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Dalkan UK waxay muujiyeen sida ay u jecel yihiin Dalkooda Hooyo uguna middaysan yihiin Ilaalinta Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Mar kale waxaan Jaaliyada reer Somaliland ee UK uga Mahadnaqayaa dareenka Wadaninimo ee ay u Muujiyeen Madaxweyne ku Xigeenka iyo Wafdigiisa. Wafdiga oo Caawa Dalkii Hooyo u Baqooli doonaana waxay idiin soo gudbinayaan salaan diirran.

Waad Mahadsan Tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland
kaysar@diplomats.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>