Jamaal Cali Xussien waxa ka bur-buriyey musharax nimadii Ucid 1. Kulmiye, 2. Faizal, 3. Xukuumada.
Iyadoo sidaasi jirta haduu hadana Kulmiye ku biiro waxa cadaanaysa in uu hamigii siyaasada iska dhigay oo aannu xisbi furan doonin ileyn taageerayaal u heli maayo oo waxa lagu baranayaa in aannu siyaasi ahayn e. Mida kale haduu Kulmiye qabyaalad ku raaco taageera yaashiisuna reero ayay noqonayaan oo raaci maayaan. Haduu Kulmiye lacag u qaatay ku raacana taageera yaasha waxba uuga cabi maayaan qarashka uu isagu qaatay oo raaci maayaan. Jamaal isagaa isu haya in uu is gowraco iyo in uu is nooleeyo hase yeeshee Kulmiye ayaan ku biirayaa taageerayaal ka ismacayaa ma jiraan ee ha tashado. Weliba talo wanaagsan laga filan maayo oo waa ninka Faizal Cali Waraabe oo cid waliba ka yaacday 5 sanadood iska fahmi waayay. Jamaal ama aas qaran buu naftiisa u samayn oo Kulmiye ayuu raaci ama jeex-bira iyo jab-finiina buu noqon oo taageera yaashiisa ayuu war kale u sheegi oo nin goor ay noqotaba mar danbe musharax madaxweyne noqda ayuu noqon.
ABbdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com