ADHI JIR, INTA AY TAQAANO, ORGI BAA U WAYN
{Ina Kaahina inta uu yaqaano Buubaa,baa u shisheeya}
Mid ka mid ah kuwa lagu tiryo Hogaanka sare ee Kulmiye,beel ahaan ka soo jeeda reeraha ku bohoobay Hagbad Siyaasadeedka kulmiye, ayaa isagoo meel fagaaro ah ka hadlaaya, waxa uu ku hadaaqay weedhahnan soo socda.
Ina Kaahin oo ah Gudoomiye ku xigeenka Hagbada iyo nidaamka qolaysan ee kulmiye wuxuu yidhi.
Hagbadayda Kulmiye meel kuma leh,shuraakana nalama noqon karo,kuwa Xamar ku soo hungoobay.
Ina Kaahin isaga oon mooganayn kuwa tirade badan eek a soo kicitimay,magaalada Muqdisho.
Hubaal ah inuu ninkas ka dheregsan kooxda tirada badan eek a tirsan Xukuumada Xaraan ku naax,iyo Kulmiyaba.
Haddii aan Akhiristaa dhowr ka xasuusiyo,Tollow xaguu In Kaahin ka dhaafay,ninka lagu magacaabo Sifir.
Sifir waxa uu Xamar ka soo qabtay xilalka ugu waa wayn oo ka mid yihiin.
Raysal Wasaare ku-xigeen iyo Wasiirba.
Halkaa kumuu joogsan Sifir markay shaqadii Xamar uu ka hayay ay ka dhamaatay, waxa uu ku soo noqday,Adeer Siiraano,iyo Ina-deer kii Ina Kaahin,oo ah Horjooge ku-xigeenka Kulmiye.
Sifir, Ina Kaahin iyo Adeerkii Siraanyo waxay ku abaal mariyeen in uu ka mid noqdo Xusbiga beelaysan ee Kulmiye,waxaa intaa u dheer oo laa magacaabay,Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya.
Waxa kale oo halka kusoo qaadanaynaa Badhsaabka Gobolka Sanaa goo ay Hayb wadaagaan In Kaahin, Badhsaabkaasi waxa uu ahaa dadkii u hayaamay Xamar iyo Somali wayn.
Isna waa nin manta ka tirsan kulmiye.
Intaa aan soo sheegay iyo in kale oo ka badanba, waxaan ogahay inuu ka dheregsan , laakiin waxa uu indhaha kuwaa uga lalinayaa,waxaa uga meer meerayaa, waxa uu afka iyo eryadaba uga diidayaa, sharciga beelaysan ee ku dhisan xeerka iyo xaqa qabiilka ee ay wadaagaan Sifir iyo raga kalaba.
Akhristoow, garri ALLAY taqaanaa, uma baahnin inaan In-Kaahin ku mashquulno sababta oo ah isagoo intaas oo dhan og, waxa uu dar kale uga hadlay,fartana uu ku fiiqo Prof.Buubaa.
Waa sababta ciwaanka qoraal kan oo ahaa
ADHI JIR, INTA AY TAQAANO, ORGI BAA U WAYN,
INA KAAHINA, INTA UU TAQAANO,BUUBAA BAA U SHISHEEYA.
Ina Kaahinow: HA IS ODHAN CIDDI KUMA ARKAYSEE INAADEERSO.
Eng. Abdi Omar Sodani
Denmark
awarmoge@gmail.com