Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Masuul ka tirsan xukumadda Siilaanyo oo u goostay Muqdisho Sheegayna…..

$
0
0

Muqdisho,(Qaran-news)-Gudoomiye ku xigeenkii TV-Qaranka Somaliland Mustafe Maxamuud Qodax ayaa doraad ka degay magaalada Muqdisho isga oo xagaasi u goostay isnaka dhiibay xagaasi oo uu sheegay in uu ka noqon doono xildhibaanada waraabo u taag ah ee barlmaanka Somaliya dhawaan loo dhisi doono.

Mustafe Qodax oo ahaa shaqsi loo soo adeegsado xisbiyada mucaaridka isla markaasina aad ugu xidhnaa madaxtooyada ayaa baryihii danbaba ka dayrinaayay xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye, waxna uu goobo badan ka sheegaayay todobaadyadii ina soo dhaafay in hadii ay doorasho dalka ka qabsoonto uu xisbiga Kulmiye ee uu ka tirsanyahay uu ku guldaraysan doona doorashada soo socota, isga oo sheegi jiray in aan wax mustaqabl ahi u oolin Somaliland hadii ay xisbiga Waddani talada dalka gacanta ku qabtaan, taasi oo uu sheegay in ayna hawl galin doonin isaga iyo xubno badan oo ka mid ah xisbiga Kulmiye, arintaasi oo ahayd isga aragtidiisa uu qabo ee uu hada uga goostay xisbigii iyo xukumadii uu ka tirsnaa.

Mustafe Qodax ma aha shaqsigii u horeeyay ee ka goosta xukumadda Siilaanyo ee ku biira kooxda sheegata dawlada ee lagu ilaaliyo magaalada Muqdisho, waxna halkaasi iskaga soo cararay xubno hore oo Somaliland ka soo jeeda oo xilal ka soo qabtay xukumadda Muqdisho.

Waxana hore uga goostay xukumadda Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye qareenkii guud ee xukumadda Siilaanyo iyo agaasimahii hore ee wasaarada maaliyada oo ilaa hada labadoodaasiba ay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, waxna soo badanaaya niyad jabka haysta madaxda iyo shaqaalaha xukumadda Siilaanyo iyo xisbi xaakinkaba, taasi oo ay kow ka tahay maamul xumida iyo musuq maasuqa iyo rajo laanta ku habsday maamulka dalka oo ay gacanta ku hayaan dumnar iyo caruuri


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>