
Oodweyne,(Qaran-news)- Madaxweyne Siilaanyo iyo waftiga balaadhan ee daba guuraaya ee uu ka midkayahay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa shalay ku fashilmay markii ay sheegteen in ay xadhiga ka jareen Riig biyood laga hirgaliyay deegaanka Ceelxume ee gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne.
Ceelkani ay xukumadda iyo xisbiga Kulmiye isku sawireen isla markaasna warbaahinta taageerta ay ka lahaayeen waxa aanu dadka deegaanka u qabnay biyo soo saaris oo ceelka Ceelxume ayaanu maanta xadhiga ka jarynaa, ayaan haba yaraatee ayna waxba ka jirin.
Ceelkani deegaanka Oodweyne ee Ceelxume waxa Laba sano ka hor lacagtiisa bixisay oo laga dhisay saynduuqa SDF- ee ay maal galiyaan dawladaha reer Yurub ee uu horboodka u ahaa dalka Ingriisku, waxna qorshahu uu ahaa in mudo hada ka horaysa xadhiga laga jaro, xukumadda Kulmiye hal mashruuc kama ay fulinin deegaanka waxna jirta in dadka masaakiinta ah ee la isku sawiraayay la lahaa biyaanu idiin soo saarnay arintaasi oo ah been cad.
Beentani ay xukumadda iyo xisbiga Kulmiye sheegtaan ee wax qabad gaar uma aha gobolka Oodweyne ee waxa ay xukumadda iyo xisbiga Kulmiye sheegtaan dhamaan mashaariicda saynduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF).
Dadka reer Oodweyne iyo dhamaan gobolada dalka oo dhamiba waa in ay ogaadaan in aan xukumaddu waxba u qaban oo la waydiisto mashaariicdii xaqa loogu lahaa oo la lunsado badankooda.