Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Tacsi Tiiraanyo Leh‏ Marxuun Ibrahim Aw Nuur Jiciir Bulaale oo ku Geeriyooday Hargeysa JSL.

$
0
0

.

INAA LILAAHI WA INAA ILLAAHI RAAJUCUUN

Dhamaan Ehelada Iyo Qaraabada Marxuun: Ibraahim AW- Nuur Jiciir Bulaale , Anagoo ka tiraanyeysan geeridaasi Naxdinta leh , waxaan tacsi u diraynaa Caruurtiisii , waxaanu kaloo ka tacsideynaynaa gaar ahaana Marxuunka Inankiisa ; Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw-Nuur oo ah Xildhibaan Golaha Guurtida JSL , oo aanu ka tacsideynayno dhamaantood Marxuunka abahood Ex-Guurti: Ibraahim AW- Nuur Jiciir oo ku geeriyooday Hargeysa Somaliland , Saaka oo Isniin ahayd , 21-11-16.

Marxuun: Ex-Guurti. Ibraahim AW- Nuur Jiciir Bulaale , wuxuu ahaa Guurtidii odayada ee ugu horeysay JSL ee lagu aqoonsaday.
Shir Weynihii Aas-Aaska Guurtiddii Dastuuriga Ahayd JSL , Aakhirkii Sannadkii 1988-kii Tuuladda Cadaroosh.Marxuumku waxuu ahaa guurtidii Nabadayntii Hoose ee Beelaha Iyo Shirweynihii Guurtida ee Beelaha Somaliland 27 April 1991—18 May 1991 kuna Qabsoomay Magaalada Burco. Shir Weynahaasi oo ahaa kii Dib loogula soo noqday Madax bannaanidii Reer Somaliland, kuna lahayd Guurtidu Doorka ugu Weyn, iyaga oo horseeday Go’aankii lagu Gaadhey Magaalada Burco.

Dhamaan ehelada iyo qaraabada hoos ku xusan , Anagoo ka tiraanyaysan geeridaasi timi Waxaanu tacsi u dirayaan dhamaan Qoyska Guud ee Marxuunka , REER AW NUUR JICIIR BULAALE Gaar ahaan, Caruurtiisa Ilma IBRAAHIM AW NUUR JICIIR BULAALE oo kala degan wadanka Debadiisa iyo Somaliland oo aanu ka tacsideynayno Marxuunkaasi oo ku geeriyooday Hargeysa Saaka 21/11/16 .
Waxaanu leenahay Illaahay samir & iimaan ha idinka siiyo , marxuunkana Waxaanu Eebe uga baryaynaa inuu janadii fardawsa ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin .

1- Cismaan Cilmi Ducaale Iyo Caruurtiisa.
2- Xildhibaan Mubaarik Yusuf Cilmi (Bidhi )Iyo Caruurtiisa.
3- Dhamaan Qoyska Ilma Yuusuf Cilmi.
4- Hooyo Khadra Ducaale Geedi.
5- Hooyo Shuun Cismaan Cawed Bulaale.
6- Cabdi Jaamac Adan Iyo Caruurtiisa.
7- Shaafici Jaamac Adan Iyo Caruurtiisa. .
8. Axmed Nuur Jaamac Adan iyo Caruurtiisa. .
9. Cabdi Bowne Ali Damar. .
10. Farduus Diiriye Cismaan.
11. Cabdi Diiriye Cismaan.
12. Gamaala Xasan Jaraale Iyo Caruurteedda.
13. Dhamaan Qoyska Ilma Xasan Jaraale.
14.Jamaal Wersame Cilmi Iyo Dhamaan Qoyska Ilma W.Cilmi.

Marxuunka Alle Ha u Naxariiste waxaa lagu aasayaa Berito: 22/11/2016. oo Salaasa ah. Magaalada Hargeysa :- Waxaanu ILAAHAY uga baryanaa dambi dhaaf iyo inuu ku manaysto janadiisa fardowsa, dhammaanteena uu samir iyo iimaan inaga siiyo.Aamiin. amiiiiiiiiiiiiiiiiin, amiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.

Adan Yusuf Elmi , B,ham/UK.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>