Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Faizal intuu nin kale dhisayo muxuu naftiisa u dhisi waayay

$
0
0

Faizal Cali Waraabe xaal kiisu waa ilaahow Muse Biixi wax sii isagaa ana wax i siin . Bal intuu nin kale dhisayo muu naftiisa dhiso. Faizal uuma heysto in uu xaq u leeyey in la doorto oo wuu ka quustay sidaa darteed ayuu Muse biixi u dhisayaa hase yeeshee waa ragga nimo daro, waa duli nimo, waa quudhsi uu naftiisa quudhsaday waana waali rasmi ah. Faizal wuxuu yidhaa cid baan wax ka dhigay. Bal amuurtan kaalaya muxuu isagu wax isaga dhigi waayay. Maanta oo danbaysay wuxuu ku hadlayaa hadalo horseed u ah in Faizal dhoqso aqal hoostii lagu xidh-xidhi doono oo wuxuu yidhi kuwaan wax ka dhigay ee dhareerka daadinayay ayaa magac yeeshay. OK….Hadii aannu Faizal dhareerka daadinayn muxuu isagu magac u yeelan waayay. Xaqiiqdu waxa weeye Faizal waxa ku dhacay xanuun la yidhaa A/rahman Ciro syndrome oon weli dawadiisa la soo saarin oo sidaa ayuun buu qiiq uuga baxaya ilaa qiyaamaha. Xubnihii ucid ku jiray ee qurba jooga ahaa USA, Canada, Germany, Denmark, Finland and UK dhamaan way is wada casileen. Taa macnaheedu waxa weeye xisbi ucid la yidhaa ma jiro wuxuuna istaahilaa in xukuumadu ka qaado liisanka xisbi nimada. Faizal afar wax ha loosheego: 1). A/rahman Ciro in uu wadanka madaxweyne ka noqon nayo. 2). Xisbigii Ucid na in aannu wax jira ahayn ha loogu dhaarto. 3). Faizal in aannu miyir qabin oo maalin ba maalinta ka danbaysa wax ka sii dhacayaan ha loo sheego. 4). Faizal ficiladiisu in ay Xisbiga Waddani dhisayaan oo garabkii jamaal na ku biirayo dhegta ha loo saaro. Uga danbayntii haduu Faizal fayow-yahay hadala-diisa ayuu dib u dhegeysan lahaa oo wuu is garan lahaa in caafimaad daro iyo calool xumo ba ay hayaan.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>