Hargeisa-(Qaran-news)-Madaxweyne Siilanyo ayaa doraad wejigabax weyn iyo u-qaadan-waa aanu dhaadeyn ama uu mooganaa kala kulmay Bulshoweyntii ku sugnayd Garoonka kubada cagta Hargeysa oo uu ka furmay tartanka is-reebreebka Ciyaaraha kubada cagta ee Gobolada Somaliland.
Madaxweyne Siilanyo ayaa markuu ka soo muuqday Albaabka VIPda garoonka isagoo Askartiisa iyo Koox wasiiro ahi gelbinyaso gacanta lulay si loogu sacabiyo,Hase yeeshee dadweynahii ku sugnaa garoonka ayaa qaylo,foori dheer iyo Erayo dhiifoon oo aanu xisaabta ku darsan ugu falceliyey.
Sacabkii Guulwadayaashiisu ugu sii bushaareeyeena wuu Suulay!,inkastoo qadar yar dabadeed Askartii ilaaladiisa iyo kooxdii xukumadiisa ka tirsanayd ee la socotay sacab sanqadh yar abaabuleen si odayga oo xaaladiisii iyo dareenkiisii cadho isu bedelay u ilawsiiyaan guhaada iyo qaylada lagu hurgufaayey ee ka soo yeedhaysay dadweynaha garoonka buux dhaafiyey.
Daqiiqado yar gudahood ayaa shucuurtii Madaxweyne Siilanyo isbedeshay, cadho weyna wejigiisa laga dareemay,markuu cid la hadlaayana afkiisu hadba dhan u maroojinaayey cadhada haysa awgeed,sidoo kale wuxuu Madaxweyne siilanyo dareemay inaan dadweynahu imaatinkiisa garoonka aad u jeclaysan iyo in taageerada Bulshada garoonka ku sugnayd u haysaa aad iyo aad u hooseyso.
Geesta kale waxay dadweynahii garoonka fadhiyey lulayeen sawirada gudoomiyaha ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo ay magaciisa kor ugu dhawaaqayeen taas oo madaxweyne Siilanyo si weyn uga gubtay ,ugana diday maadaba loo aaneynaayo ama uu ku suntan yahay inuu ururkii Xaqsoor ee Xasan Ciise gudoomiyaha u ahaa saaxada tartanka siyaasada si ula kaca uga reebay maadaba taageerayaasha Xaqsoor hal dabala’ u taageereen Madaxweyne Siilanyo doorashadii Madaxtooyada uu ku soo baxay ama uu kursiga madaxtooyada ku helay.
Xaaladu si kastaba ha u murugtee Madaxweyne siilanyo ayaa markii Mikirifoonka gacanta loo geliyey si khudabadii uu munaasibada furitaanka ciyaaraha gobolada ugu talo galay ka jeediyo garoonka ayaa mar kale dadweynihii isla oogsadeen foori,buuq iyo qaylo ay ku diidan yihiin khudbadiisa,inkastoo uu waxooga hadala ka tabac-tabacsiiyey haddana taasi umay suurtogelin inuu halkaas ka akhriyo khudabadii uu furitaanka munaasibada ciyaaraha goboladaa u soo diyaarsadey. Markii qaylada iyo sawaxanku kala joogsan waayeyna ee uu asqoobayna wuu iska dhiibay Mikirifoonka isagoo dhidid waaweyni ka horaayo farxadii uu garoonka la yimina cadho weyn isu bedeshay.
Tu kale Koox xukumada Siilanyo ka tirsan oo horboodaayey Wasiirka Madaxtooyada ayaa goor danbe odayga hareerahiisa soo tubay koox dhalinyaro ah oo sacabka u garaacda si cadhada weyn ee wejigiisa laga dheehan karaayey ee uu ka qaaday garoonka wax uga bedelaan balse kooxdaasna sacabkooda oo sanqadh yaraa ayaa haddana ka dhabqey oo wey islajaanqaadi kari waayeen, fursad sacab lagu garaacaana meeshaba may oolin.
Isku soo wada duuboo wuxuu madaxweyne Siilanyo doraad ka macaashay ama kala kulmay garoonka ciyaaraha Hargeysa weji-gabax weyn iyo dareen diidmo xoogan oo ay u muujiyeen bulshoweyntii soo buux dhaafisay garoonka ,waxaana si toosa dhegahiisa u gaadhey fariimo ay kala bakhayleen inay hore u gaadhsiiyaan koox guulwadayaala oo dhegahiisa iyo caqligiisaba haysta oo bug,been, baaha-baaha iyo umadu mar labaad ayey ku dooraysaa ku dhegabarjeeyay.
Qarannews
Hargeisa