Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Cali Xoor Xoor Oo La Ogaaday In Uu Horseed Ka Yahay Deegaamaynta Beesha Madaxweyne Siilaanyo Ee Berbera.

$
0
0

Cali Xoor Xoor Oo La Ogaaday In Uu Horseed Ka Yahay Deegaamaynta Beesha Madaxweyne Siilaanyo Ee Berbera.

Maareeyaha dekeda berbera Eng: Cali Xoor Xoor oo bar yahanba ku hawlanaa sidii loo deegamayn lahaa dhalinayarda ka soo hayaamay deegaamada barriga burco ,kuwaasi oo doonaya sidii ay dhaqaalaha dekeda berbera gacanta ugu dhigi lahaayeen , sida dadweynaha reer berbera ay maalmihii ugu danbeeyey ay isla dhex marayeen ayaa waxa la sheegay in madaxweyne siilaanyo ku amray maareeyaha dekeda in uu shaqaalaysiiyo dhalinyarada beeshiisa isla markaana inta ay joogaa lagu balamiyo huteelo ay seexdaan iyi kuwo ay wax ka cunaan ,iyada oo la adeegsanayo hantida umada reer somaliland ay wada leedahay isla markaana ay ka shaqo la’yihiin dhalinyaradii reer berbera oo xaq u lahayd in laga horeysiiyo kuwa ka imanaya barriga burco ee doonaya inay gacanta ku dhigaan dhaqaalah dekeda berbera, isla markaana waxay dadweynaha reer berberi ka fajacsan yihiin sida qaabka daran ee uu u dhaqmayo maamulka siilanyo ee qabyaalada iyo eexaysiga xun kula dhex jira magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera.

waxa shaki la’aan ah in dhalinyaradii reer somaliland guud ahanba ay tahriib miciin bideen iyada oo kuwa reer berberina tan iyo intii uu xukunka qabtay siilaanyo ay sida daadka u tahriibeen,taasi oo ugu waxan ,markii ay arkeen deegaanoodii oo lagu soo duulay isla markaana maamulka maqaar saarka ah ee gobolka saaxil sida maareeyaha ,badhasaabka iyo xoghaya dawlada hoose ee xukuumada uga wakiilka ah inay hir gasho qorshaha deegaamaynta ee beesha madaxweyne siilaanyo ka wado gobolka saaxil.

hadaba saaxiibayaal marka ay arinta berberi halkaa marayso maxaad u malaynaysaa dalak intiisa kalena , hadaba waxay dad badani is weydiinayaan sababta shacabka reer somaliland ay kacdoon shacabka ugu ridiwaayeen xukuumada ku dhisan qabyaalada iyo eexaysiga taasi oo ah dulmi xoogan oo dalka ka jira.

tan berbera waa tan ugu khatarsan ee dalka ka jira waayo weli lama arag beel beel ku soo duusha oo damacda inay dhulkeeda ama gobolkeeda ka fara maroojisa iyada oo adeegsanayso qorashayaal kala duwan oo ay daba socoto awooda xukuumada siilaanyo oo iyada la odhan karo waxay u dhalatay beel kaliya isla markaana waxay dooanysaa sidii ay beeshaasi kaliya ee ay u dhalatay uga haqab tiri lahayd xoolaha umada iyo sidii ay dhulalka uu khayraadku ku badan yahay u deegaamayn lahayd sida deegaamaynta hadaba ka socota berbera oo kale.

dad fara badan oo kala duwan ayaa arimahan ku xaqiijiyay shabakadda wararka ee xogreebnews.com kana codsaday inay baadhitaano dheeraad ah ku sameeyaan deegaameynta baaxada leh ee ka socota berbera.

gabagabadii waxgaradka reer saaxil,dhalinayarada iyo dhamaan shacabka reer saaxil waa inay il gaar ah ku eegaan deegaamaynta balaadhan ee ka socota berbera.

Waxaan ku soo khatimayaa gabaygan

Berbera Dhiishaha

Hargeysa Dhuraha

Burcana dhaafaha

Yaroowe dhisaha

Halkii dhandhalaba

Ninkiisa dhigtaha

Qabyaaliga dhabta ah

Allow Qabo.

La Soco Taxana Qormooyinka Danbe

Qalinka:C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Email:info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>