Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Salaadii Roob-doonta La Tukaday Boqolaal Ka Mid ah Shacabka Reer Hargeysa+SAWIRO

$
0
0
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Salaadii Roob-doonta La Tukaday Boqolaal Ka Mid ah Shacabka Reer Hargeysa+SAWIRO
108a0934
Hargeisa-(Qaran-news)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka boqolaal ka mid ah dadweynaha magaalada Hargeysa salaad roob doon ah oo Alle gacmaha looggu hoos hoorsanaayo in uu raxmaadkiisa u shubo dadka abaarahu saameeyeen ee Somaliland kula tukaday garoonka weyn ee Hargeysa Stadium.
108a0955
Salaadan Roob-doonta ah oo ahayd mid laga oogayey guud ahaan dalka, ayaa Garoonka Hargeysa Stadium, waxa soo buux dhaafiyey boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Hargeysa oo ay salaadaas la tukanaayeen qaar ka mid ah madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil, xubno ka mid ah wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Culimaa-uddiin, Madaxdhaqameed iyo shacab aad u tira badan.
108a0957
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Sheekh Cabdillaahi Axmed oo tukiyey salaadii Roob-doonta ahayd sida oo kale na halkaas kala hadlay, ayaa Alle ka baryey in uu Raxmaadkiisa u shubo dadka dhibabateysan ee ay abaarahu hayaan, waxaana uu u soo jeediyey dhammaanba umadda reer Somaliland in ay is wada saamaxaan oo mid ba midka kale uu raali-geliyo si uu Alle ugu soo naxariisto.
108a1004
Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isna dhankiisa waxa uu si naxariiste Eebe uga baryey in uu u soo naxariisto umaddiisa Islaamka ah, isla mar ahaantaana uu Raxmaadkiisa uu u soo shubo dadka dhibabateysan ee ay abaarahu saameeyeen, isaga oo dhanka kale na ka codsaday dhammaan ba shacabka Somaliland in ay ducada iyo Alle bariga ba badiyaan oo ay joogteeyaan inta uu Eebe u soo shubaayo Raxmaadkiisa.
108a1010

Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>