Sannad guuradii koowaad ee Weerarkii Masjidka al-Noor & Ra’iisal-wasaaraha Norway oo booqday

Madaxda dowadda Norway ayaa booqday masjidka al-noor ee gobolkaasi Alershus kaas oo sannad ka hor uu ka dhacay weerar argagixiso oo fashilmay.
Wafdi heer wasiirro ah oo ay hoggaamineyso r/wasaaraha dalkaasi ayaa booqasho ku jooga masjidkaasi, waxaana ka socota munaasabad lagu xusayo weerarkaasi fashilmay.
Wiil norwiji ah oo lagu magacaabo Philip Manshaus ayaa weerarkaasi ka dambeeyay, waxaana uu sidoo kale soo dilay inta uusan weerarka kusoo qaadin masjidka gabadh “walaashiisa” oo ay waalidkii soo korsadeen taas oo indha-yar aheyd.
Weerarkiisa masjidka ayuu ku beegay maalin Jimce ah, balse waxaa uu kasoo hormaray xilliga khudbada oo ay masjidku joogeen jameeco aad u yar.
Labo nin oo ka mid ah jameecada masjidka ayaa fashiliyay weerarkiisa, waxaana ay kula dhageen qoriga iyagoo ugu dambeyn dhulka ku hayay ilaa boolisku ka yimaadaan.
Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa hooyada dhashay Philip Manshaus taas oo muujisay sida ay uga xuntahay falka uu wiilkeedu ku dhaqaaqay iyadoo sidoo kale amaan iyo bogaadin u jeedisay maamulka iyo jameecada masjidka.
11-ka bishii juun ee sannadkan ayaa waxaa lagu xukumay 21 sano oo xabsi ah.