Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Agaasime Cumar-Sayid Oo Is Hortaagay Arday Deeq Waxbarasho Ka Heshay Hay’adda ICAO

$
0
0

cumarsayid
Arday deeq waxbarasho ka heshay hay’adda ICAO ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen maamulka wasaaradda duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland gaar ahaan Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi mudane Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan.

Ardaydan oo tiradoodu dhantahay 16-arday ayaa waxa ay horaantii sanadkan imtixaan u galeen deeqda waxbarasho ee ay soo xayaysiisay hay’adda ICAO ee gacanta ku haysa Hawada Somaliland iyo Soomaaliya, iyagoo qaybtii hore ee imtixaankaasi kusoo baxay.

Ardaydan iyo hay’adda ICAO oo toos u wada xidhiidhay ayaa waxa ka cadhooday agaasimaha wasaaradda duulista Hawada Somaliland Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan isagoo wajigii labaad ee ardaydu ugu gudbaysay imtixaanka kaba dambeysta ah oo lagaga soo qaadayay magaalada Nairobi uu is-hortaag ku sameeyay ardayda isla markaana u diiday inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa – balse ardaydu ay markii dambe ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee maamulka Puntland. Sida qaar kamid ah ardaydu ay u sheegeen Wariye Khaalid Foodhaadhi.

Haddaba, kaddib markii ay ardaydaasi gaadheen magaalada Nairobi isla markaana ay halkaasi kusoo qaateen imtixaankii ugu dambeeyay ayaa waxa lagu soo celiyay magaalada Hargeysa si inta loo soo dhejinaayo natiijada imtixaanka ay magaaladooda usii joogaan.

Ardaydan oo muddadii natiijada imtixaanka loo soo dhejinaayay ay ka hadhsantahay wakhti kooban ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen in loo diido inay dalka ka baxaan, maadaama agaasimaha wasaaradda duulista hawada Somaliland Mudane Cumar-Sayid uu u sheegay in aanay dalka ka bixi karin isla markaana uu laamaha socdaalka dalka la socodsiiyay xayiraad lagu soo rogay ardayda.

Cumar-Sayid ayaa warqad uu ardaydan ku hor istaagayo u qoray hay’adda ICAO balse Hay’addu way ku gacan saydhay dalabka agaasimaha.

Ugu dambeyntii, ardaydan ayaa waxa ay ka mid yihiin 68-arday oo kasoo kala jeeda Somaliland iyo Soomaaliya kuwaasi oo hay’adda ICAO ay u tababarayso Kantaroolka hawada, waxaana ardaydani ay ka cabsi qabaan in markale laga hor-istaago inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Khaalid Foodhaadhi
khaalidfoodhaadhi@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>