Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Waxay indhahaygu arkayaan dhagahayguna ma maqlaan

$
0
0
abdicumar

 

WAXAY INDHAYAGU ARKAAN,DHAGAHAYGUNA MA MAQLAAN

Wakhti waliba yaab leh,

Waayo waliba sheeko iyo,

War isaga u gaariyo

wacdarooyin tabiye.

Ayaamuhuna sidoodaba,

Mid waliba Ammuur iyo

Arimo la yaableh iyo,

Aragtiyooyin bixiye,

Anfariirka maanta iyo,

Eedaha haddeer iyo,

Bal aan eegno Usbuucyada.

Dharaaraha faraha badan ee is daba susumaaya ee noloshu wadato,is bedelka Habeenka iyo Maalintu wadaan ee horteenna iyo hareeraheenaba qulqulaaya, wakhtiyada saamaynta kala duwan ku keena,dadka iyo degaanka, su’aalaha badan ee is waydiinta mudan,iyo baadi goob aan anigu ugu jiray jawaab u helidooda baahida i hortaal ,ayaa waxaa ka dhashay arimaha soo socda.

Qof kasta oo Indhihiisu furan yihiin una fiirsada, wax yaabaha susumayaa agagaarkiisa, waxaa hubaal ah inuu dhugan karo,garan karo,fahmi karo, garowsan kara, ugana garaabi karo si hubaal ah , kana marag kici karo waxyaaba maqaalkan huwan yahay dhamaantood.

Qof kasta oo Garaadsan waa xil iyo waajib saaran in uu xaqa ka markhaati furo, waa fariin , Dhanbaal, waana Dareen uu igu khasbay Damiirkaygu inaan hiil iyo hoo la garab taagnaado midhka Xaqa ah.

Mar walba oo masuuliyiinta Dowladdu Safar dalka gudihiisa iyo dibadiisa ugu baxaan, waxay sheegaan in shaqo wanaagsan oo guul ku soo dhamaatay ay soo qabteen, waxa dhagahayga daashaday muddada faraha badan ee xilka ay hayeen sheegashada wax qabadka faraha badan ee ay sheeganayaan.

Akhristoow hadaad dib u eegto xusuuta oo aad is waydiiso, tollow masuuliyiinta dowladdu mar qudha:

Arin ay ku shaqo lee yihiin fashil ma ku dhamaatay?
Haddii se ay wax ka xumaadeen miyaad maqashay iyagoo Warbaahintooda ka qiranaaya?

Waxay doonaan ha wariyaana, waxa aniga si aan mad madow lahayn iigu muuqda marwalba arimahan soo socda.

Qof kasta oo dhugto waayaha dhabta ee Wadanka kaj ira,waxa hubaal ah in ay u muuqdan doonaan waxyaabahani

Wax si waafiya kuugu muuqanaaya, Biyo la’aanta baahsan,Tahriibta dhalinyarada faraha badan, shaqo la´aanta dhan walba ka jirta sida Ragga, Dumarka,Dhalinyarada, iyo da’da dhexeba.

Musuq maasaq goob walba ku habsaday,Cadaalad darrada heer kasta joogta ee hormuudka ay ka yihiin Maxakamadihii Wadanku, Boobka dhulka iyo guryihii Dowladdu lahayd, dayaca wadooyinka haba u sii darnaadeen kuwa magaalo madaxduye.

Talla xumadda baahsan ee goob walba ka muuqata, qiimo barrarka quutal daruuriga,tallo iyo tayo xumada mihnadlayaasha adeega caafimaadka.

Hanti dhowr la’aanta dhaqalaha laga soo ururiyo Ummadda saboolka ah ee nolol maalimeedkooda ka baadi gooba suuqyada magaalooyinka waawayn ee waddanka.

Hiyi kaca, Hanqaltaaga,Ku Hammiga Wadammo shisheeye ee ku baahay maskaxaha dadka intooda badan.

Colaada hubaysan ee beelaha waddanka ka dhex alloosan ,ee ay hurinteeda ay ka dhex muuqdaan qaar ka mid ah kuwa xilalka Ummadda u haya.

Eedaha iyo Cabboshooyinka is huwan ee ka soo qulqulaaya Goboladda Dalka oo idil, haba usoo darnaadaanne Beelaha darafyaduye.

Kalsooni la’aanta wayn ee dhex hoganaysa, kuwa maamulada kala duwan loo igmaday,iyo Ummada ay maamulaan.

Is-dhaxqaadka, isla-qabsi la’aanta, isla-jaan qaad xumada dhex taal Dhaqankii Ummadu lahayd ee suubanaa iyo Siyaasiyiinta u heelan boobka hantida Dalka iyo Dadka.

Hirdanka , Hoos ka tuurka, Hafaraadda, Xafiiltanka Is-maandhaafka dhex yaal dhamaan Dadka Wadanka wada degen ,haba u sii muuq dheeraadaane kuwa Oodwadaaga ahiye.

Waxyaabaha aan soo sheegay iyo qaar kale oo badan waxay xukuumad xaaraan ku naax kaga jawaabtaa arimaha soo socda:

Ka sheekaynta tartanka Ciyaaraha Gobolada.
Hebal iyo Heblaayo ayaaka soo digo rogtay Waddani iyo dacaayado kale oo raqiis ah.

Arimahaa aan soo sheegay iyo kuwa kale oo ka baaxad wayn oo maalin walba,saacad walba iyo wakhti kasta oo joogto aad ku arkaysa Waddanka,

Waxaa hubaal ah in aanad ka maqlayn,haba yaraato ama ha badnaatabe Radio Hargaysa ,TV Hargeysa oo soo hadal qaadaya.arimihii aan kor ku soo sheegnay

Barnaamijyada Madhalayska ah ee ka baxaaya Warfaafinta Dowladdu maamusho waxay hadh iyo habeen daadihinayaan arimo ay ka mid yihiin:

Guullaha Maamulka gaadhay, horumar iyo hanaan wanaagsan ee Xukuumaddu ku talaabsatay, Caddaalada ,Ictiraaf, Dimuqraadiyad, Xusbiyo Qaran, Dooroshooyin, Eedaynta Xisbiga Waddani, Bogaadinta Xisbiga Muxaafidka ah ee Ucid, Muddo kordhinta iyo wakhti Xileedka Madaxwaynaha.

Aakhristoow aan ku soo noqdo ujeedadii qoraalkaygan ee aan ugu magacdaray:

WAXA AY INDHAHYGU ARKAAN, KAMA MAQLO, KAMA DAAWADO,WARBAAHINTA XUKUUMADDU CAGANTA KU HAYSO .
Waxa intaa ii dheer Barnaamijyadii Madhalayska ahaa ee iyagana aan qaar ka magacaabay ee hadh iyo habeen laga baahiyo,Warbaahinta xukuumiga ah,Dhagahayaguna in badan maqlaan waxaa hubaal ah in aanay iyaguna maqal mooyaane Indhayagu arag waa hadalkii ahaa.

WAXAY DHAGAHAYGU MAQLAANA INDHAHAYGU MA ARKAAN.

Aan ku soo gunaanado hadalkii ahaa :

WAXAY INDHAHAYGU ARKAAN, DHAGAHAYGU MA MAQLAAN.

WAXAY DHAGAHAYGU MAQLAANA ,INDHAHAYGU MA ARKAAN.

Eng. Abdi Omar Sodani

Denmark

awarmoge@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>