Wasiirka madaxtooyada oo iminka u dhaqma sidii madaxweyne aan la dooran ayaa ficilada uu wadaa yihiin tabtii xukunkii Siyaad Barre laga diiday. Shalay wuxuu ilaalada madaxtooyada ku balmiyey wasiirka biyaha oo Sool ka soo jeeda in ay baadhaan oo bahdilaan xiliga uu is yidhaa ka soo qeyb gal shirka khamiis laha ee wasiirada. Taas oo abuuri karta kala kaxaynta Somaliland. Hore Xaabsade ayaa Somaliland iskaga baxay iminkana haduu wasiirkani Buhoodle ku noqdo natiijadu fiicnaan mayso. Maantana Maxamoud Xaashi wuxuu amar ku bixiyey laba Weriye oo xaq daro ku xidhan in aan la soo booqan karin. Waxa loo diiday oo kadinka laga celiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo islahaa aad siyaaratid sarkaal ka tirsan Waddani (Muniir ) oo Maxamoud Xaashi adyad ku soo xidhay isaga oo lagu haysto maxaad xisbiga Waddani uugu biirtay. Allaa yarxamu Aw Shukri buu ahaa ninkii General Gani u bixiyey (Deriye). Isaga oo uuga jeeday ficilada foosha xun ee Gani ku socdaa dadka ayay diirinayaan oo toosi doona oo wax iska celin doona. Aw Shukri wuxuu odhan jiray daaya kani waa Deriye e. Maanta waxa halkii Gani ku jira wasiirka Madaxtooyada Maxamoud Xaashi oo sidii kacaankii dadka kula dhaqmaya waxaanay geyin oo waxa xigi bulshada oo hagoogta iska rogta oo toosta oo xukunkan la iska dhaxlay iska celisa. Lama yaqaan maalinkan maanta ah cid dalka xukunta sababtuna tahay odeygii iyo islaantiiba waxa la leeyey way xanuun sanayaan. Halkaa ayuu Maxamoud Xaashi ka soo galay in uu amarka uu doono bixiyo.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com