War-weyn:Raxan wasiiro oo ka tirsan Golaha xukumada Somaliland & Maareeyaha Dekeda berbera oo ku sii qulqulaya Dubai-UAE.

Hargeisa-(Qaran-news)-Sida ilo-wareedyo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews Raxan wasiiro ka tirsan Golaha xukumada siilanyo & Maareeyaha Dekeda berbera Axmed Dirir ayaa la filayaa inay maanta u baqoolaan Magaalada Dubai ee Dalka isutaga Imaraadka carabta,halkaas oo uu ku sii sugaayo Xidhiidhiyaha Xukumada Siilanyo & Shirkada DP Baashe Cumar ( Baashe Morgan).
Raxanta Wasiirada ayaa waxay ilahu tibaaxeen inay ku jiraan Wasiirka Madaxtooyada,wasiirka Khaarajiga,wasiirka Qorsheynta,Wasiirada Maaliyada & Xubno kale oo ka tirsan Golaha Xukumada Siilanyo inkastoo aan la hubin in laga reebay Gudoomiyaha Ucid Faysal cali waraabe oo doorkii ugu danbeeyay Baashe Morgan ku daray Liiska.
Sid Ilahani xuseen safarka Wasiiradan & maareeyaha Dekeda berbera ayaa daaran saxeexa & Fulinta Qaybtii ugu danbaysay ee heshiiskii dhexmaray Xukumada Siilanyo & Shirkada DP & weliba Bixinta wejigii labaad ee lacagtii Horumarinta ahayd ee lagu heshiiyey (Second Installment).
Sidaha iluhu noo soo tebiyeen Berri ayaa la filayaa in Kooxdan ka socota Xukumada Siilanyo iyo madaxda Shirkada DP fadhi ku yeelan doonaan magaalada Dubai.
Isku soo wada duuboo qadarkan buuran ee lacagta ah ee Shirkada DP bixinayso hadeer ayaan la ogeyn in madaxtooyada si toosa loo keenayo in mashaariic kale lagu dhex darsanayo & in Baanankii waxa lagu lunsan jiray lagu shubanaayo.
Qarannews