Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Waxba kama jiraan xulafaysiga reer Axmed Habarawal iyo Udo-rixmiin Habarjeclo ee ay Wasiir Samsam Sheegtay

$
0
0

WAXBA KAMA JIRAAN XULAFAYSIGA REER AXMED “HA “ IYO “UDO-RAXIIN” H.J EE ZAM-ZAM SHEEGTAY . DIB U JALEEC TAARIIKHDA SUGAN.

Dadwaynahu wuxuu la dawakhay xulafaysiga Marwo Zam-zam sheegtay ee dhexmaray Sacad Muuse & Habar- Jeclo . Markii aan waraystay waxgarad iyo waayeel , waxay ii sheegeen inaanu isbahaysigaasi jirin. Waxa laga yaaba inay u jeeday Xisbigii N.U.F oo ay ku wada jireen Micheal Mariano , Uddo-Raxiin , Habar Jeclo iyo Aw Axmed Xassan Reer Axmed, Sacad Muse.
1). NUF . “National Union Front” oo loo yaqaanay “NAFTA” waxa la asaasay 1957, waxaana unkay Micheal Mariano , oo ahaa Kristaan” Christain “ Waxa ku-xigeenkiisa ahaa Aw Axmed Xassan oo ahaa badmareen “ Seaman “.Waxa kale oo hogaanka Xisbigga ka mid ahaa Chief Caaqil Suldan Cabdirahman Suldan Dirie; Bedde Cabdale Majabe , Arab , Chief Caaqil XUSSEIN Warsame Wayd, HY, Xaaji Cabdi Waraabe , Ciidagale iyo cuqaal kale oo fara badan.Mabda’ guud ee NUF wuxuu ahaa inuu Ingriisku sii xukumo Somaliland ugu yaraan muddo 10 sandood ah “. Laf-dhabarta NUF waxay ahaayeen ashkhaas maslaxado kala gooni ah ku qabay isticmaarka Ingriiska oo ay ka mid ahaayeen Chief Caaqilo, Badmareeno “ Seamen “ iyo dad aaminsana diinta Masiixiga “ Christians” . Xubnaha ka tirsan “NAFTA” waxay ka xanaaqi jireen ereyga Allaahu Akbar. Abwaan Maxamed Ducaale “ Indhoole” oo ka mid ahaa xisbigga SNL, kana soo jeeday beesha Haba Jeclo ayaa waaga tiriryay maanso hal ku dhegeedu ahaa “ Allaahu Akbar, Axadka diida, Idaacadeeya, Albaabka Naartu ka ooyi doona”. Waxa kale oo la odhan jiray “ Maska daba socda iyo Maykal iska eeg”. Maska waxa looga jeeday Aw Axmed Xassan. Waxa maxfalka NUF inta badan ka furi jiray Aw Axmed Xassan waxaanu ku bilaabi jiray “ Dadyahow kabaha la ee Furinka qalalan kusoo qoraacday , waxaan idin leeyahay …….”. Doorashaddii Golaha Baarlamaanka Somaliland, 17 Th Feb 1960 , NUF wuxay ku guulaysaty hal kursi “ one seat “ , waxaana kusoo baxay Mudane Micheal Mariano. Gebagabedii hogaanka Xisbigga “NUF” waxa kulmiyay Ingriisku yuu tegen & Gaalo jacayl ee muu ahayn xulafaysi siyasadeed.
2. SNL ( Somali National Leaque ). SNL wuxuu ahaa Xisbigi hogaaminyaay gobanimadoonka Somaliland, waxana laf-dhabar uu ahaa Xiz-bullaahi oo saldhigiisu ahaa “ Laan Mullaaho”. Hogaanka SNL waxa ka mid ahaa labeenta beelaha dhexe oo ay ka mid aheeeyen Mohamed Xaji Ibrahim Egal, General Secretary, Sheikh Cumar Askar “ Sacad Muuse , Chairman; Axmed Ismaciil” Duqsi, HJ; Sheilh Xassan Geele HJ; Axmed Kayse “ Uddo-raxiin” H.J. Waxay ilmadeer ahaayeen Micheal Mariano’ waxaan loogu heesi jiray “ Maykal waa kristaan, Axmed baa musline , raaca yaa belede” “. Waxa kale oo hogaanka SNL ka mid ahaa Xaaji Yassin HY ; Maxmoud Urdoox HY; Nasir Naxar HY; Ina Diirqadaad” Ciida-gale ; Dr Iimaan ,Arab ; Shuuriye , Gabooye “ . SNL wuxuu ku guulaystay 20 kursi “ Seats “, oo ahayd aqlabayadii baarlamaanka .
3. U.S.P “ United Somali Front “. Wuxuu ahaa Xisbigga labaad ee si wayn uga qabay gaatay gobanimadoonkii Somaliland , waxaana ku bahoobay beelaha darafyada – Dhulbahante, Warsangeli iyo Samaeron. Xisbigaasi wuxxu helay 12 Kursi, waxaana hogaaminaayay Garaad Cali Garaad Jaamac.Tirada Guud ee barlamaanka Somaliland waxay ahayd 33 seats .
GEBAGEBO: Ma jiro Is-bahaysi siyaasadeed , dhaqan, dhaqaale iyo ganacsi oo dhexmaray Sacad Muuse & Habr Jeclo 1954. Taariikhda 1954 ee Marwo Zam-Mam xustay waa sanadkii la wareejiay Gobolka “ Hawd & Reseve Area”.
Drs Hoodo Yusuf , London, UK.
yhoodo@yahoo.com

somalilandhistory1
somalilandhistory2
somalilandhistory3


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>