Hargeysa (Qaran-news)-Xogahayaha cadaalada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Barkahad Jaamac ayaa sheegay in uu goob-joog ka ahaa falkii foosha xumaa ee ay askarta saldhiga dhexe ee magalaada Hargeysa ay maalintii jimcihii kulula kaceen guddoomiyaha aqalka wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee xisbi Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”
Md Bakhad Jaamac Xirsi oo maanta saxaafada kula haddalayey xarunta Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in Askarata saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ay guddoomiye cirro ugu hanjabeen in ay tooganayaan,isla markaana ay qoryaha ku qabteen,isagoo Barkhad goob-joog ka ahaa dhacadiisa kana mid ahaa masuulyiintii la socotay guddoomiye cirro ”Sida aad ka wada warhaysaan waxa maalintii khamiista la xidhay oo waaran maxakada iyadoon loo wadin sifo sharciyana loo marin xorriaydiisii iyo xaqiisi qofnimo Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan saraakiisha Xisbiga WADDANI,isla maalinkii jimacaha waaxa saldhiga ku bookhday gelinkii hore guddoomiyaha baarlamaanka wefti uu hoggaaminayo iyo xoghayaha guud , waa la hor istaagay bilayskaa diiday waxaanay nagu qabteen rasaas oo qoryo ayey nagu soo fiiqeen aflagaado fool-xun oo milgaha iyo maamuuska madaxeed meelnaba kaga jirina waa loo geystay guddoomiyaha.
Ugu dambayntii Xoghayaha cadaalada ee Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi ayaa sheegay in askarta saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa joogtaa ay xataa aflagaado qaawan kula kaceen guddoomiye cirro ,iyagoo caaeyey hooyadii iyo Aabihii,isla markaan qoryaha Ak-yaasha iyo baastoolada ku qabtay“waxyaabaha ay askratu ku haddlaysay wax kamid ahayad in ay aflagaado ku tacaluqda hooyada iyo aabaha guddoomiyaha ay afkooda ka soo yeedhay oo uu cirro xurmada guddoomiyenimo ee uu leeyahay uu kaga baydhay ,waxa kale oo meesha ka dhacday in qoryo Ak-yo ah iyo baastoolada loola soo baxay guddoomiyaha oo la yidhi laba talaabo haddii aad hore u soo qaado laabta ayan kaaga dhufanaynaa oo aan goobjoog u ahaa anigu”Ayuu ku sooo koobay haddalkiisa .