Annaga oo ah dhallinyarada ka soo jeedda bariga, badhtamaha iyo koonfurta Hargeysa, waxa aanu si xooggan u cambaaraynnaynnaa tacaddi iyo xadhig joogto ah oo ay ciidanku boolisku laba jeer kula kaceen Axmed Muxumed Maxamed (Axmed-Yaasiin Calawaash). Muwaaddinkan waxa markii kowaad lagu xidhay Saldhigga Qudhac-dheer 15kii Oktoobar 2015ka, waxaana sii deysay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex kaddib markii dembi lagu waayay 04tii Nofember 2016ka, isaga oo xidhnaa 17 dharaarood. Ma ay jirin cid dacwaddiisa daba-socotay, waxaana si badheedh ah xorriyadda uga qaaday ciidanka Booliska Somaliland.
Waxa ayaan-darro ah in mar la xidho la xidho 15kii Noofambar 2015ka, waxaana loo gudbiyay Saldhigga New Hargeysa oo uu illaa hadda ku jiro. Isla habeenkaas waxa si badheedh ah loo burburiyay dhisme qabyo ah oo ku yaalla dhul uu ku leeyahay deegaanka Masallaha, gurigaas oo ku yaalla meel u dhow xeryaha ciidanka miltariga. Waxa cagaf la geliyay oo dhulka lala simay aqalkii jagada ahaa ee ku yaallay jagadii Axmed-Yaasiin Calawaash. Ma jiro xeer fasaxaya in la dumiyo dhul iyo dhisme sharci leh oo ay shacabka Somaliland leeyihiin. Illaa haddana lama garanayo waxa loo cuskaday dhaxal-wareejinta muwaaddinkan lagu gabbood-falay.
Muwaaddinkani waxa uu cajajuglayn iyo cadaadis badan kala kulmay Taliyaha iyo Hoggaanka Hawl-gelinta Ciidanka Booliska oo xadhiggiisa ka dambeeya. Illaa hadda ma jirto cid mudduci ku ah oo ku haysata dhulkiisa, balse waxa ay askartu maaggan yihiin in uu xoog ku siiyo hantidiisa.
Annaga oo ka xun tacaddi kasta oo ka baxsan dastuurka Somaliland, waxa aanu si xooggan u cambaaraynaynnaa xadhigga xaqdarrada ah ee Axmed-Yaasiin Calawaash. Cid kasta oo xadhiggiisa ku lehna waxa aanu ugu baaqaynnaa in xorriyaddiisa loo soo celiyo. Sidoo kale waxa aanu soo jeedinaynnaa in baadhitaan lagu sameeyo cid kasta oo ku leh dhaqaale-burburinta, taxaabista[C1] iyo af-duubka loo geystay Axmed-Yaasiin Calawaash. Ma aqbalaynno in xukuumaddu isku darsato dulqaad-yaraan, dibindaabyo, dala’si iyo duudsi aan qiil wadannin.
Bayaankan waxa soo saaray
Maxamed Aadan Jaamac
Yuusuf Nuur Faahiye
Maxamed Cali Muuse
Nuuraddiin Maxamed Diiriye
Hargeysa
maxdjaamac@gmail.com