Qaybta: 5aad
Nabad-ku-wada-noolaanshaha shucuubta Geeska Afrika iyo Badda Cas
Kal-fadhiga 2aad ee caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM, wuxuu isagoo maanka iyo maskaxda ku haya danaha waaritaanka leh ee shucuubta Geeska Afrika iyo Badda Cas, kana tarjumaya walaaltinnimada xoogga leh ee shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland u qabo shucuubta walaalihii ah ee ku kala nool dalalka Geeska Afrika iyo Badda cas, ugu baaqayaa in nabaddu tahay himilada ugu weyn ee loo higsan karo ku-taallaabsiga wax wada-qabsiga , is-kaashiga, faro-gelin la’aanta ammuuraha daakhiliga ah ee midba midka kale, kuwaas oo shaki la’aan u horseedaya xasilloonida, horumarka iyo dibudhisidda nolosha bulsho ee dalalkaa.
Baaqan Kal-fadhiga 2aad ee Golaha Dhexe wuxu aamminsan yahay in nabad-ku-xallinta khilaafyadu tahay jidka ugu toosan ee aynu kaga guulaysan karno dhib walba oo inaga hor timaadda, taasoo isla mar ahaantaa ka markhaati-kacaysa heerka xilkasnimo iyo mas’uuliyadda siyaasadeed ee aynu gaadhsiisan nahay.
Waxaanu hoosta ka xarriiqaynaa in shucuubta iyo xukuumadaha Geeska Afrika iyo Badda Cas ay baal cusub noloshooda u furan, baalkaas oo ku astaysan: wax-wada-qabsi, is-kaashi iyo u-heellanaan danaha shacbiyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka tiigsanaya.
Jamhuuriyadda Somaliland, shacbi iyo xukuumadba heegan ayay u yihiin inay kaalin fir-fircoon oo wax-ku-ool ah ka qaataan golayaasha iyo hay’adaha dhexda u ah xukuumadaha iyo shucuubta Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Kal-fadhiga 2aad ee Golaha Dhexe wuxu taageerayaa halganka xaqa ah ee shacbiga Falastiin iyo halganka Ururka ANC uu ugu jiro tir-tiridda nidaamka Midab-takkorka.
Codsi iyo kaalmo loo fidiyo qaxootiga guryahoodii ku soo noqday
Kal-fadhiga 2aad ee caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM isagoo qaddarinaya baaxadda weyn ee mushkiladda qaxootiga guryahoodii ku soo noqonayaa leeyahay, dareensanna kobnaanta awoodda xukuumadda cusub ee Somaliland, wuxu hay’adaha Qarammada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah ee samo-falka iyo dawladaha saaxiibka ahba ugu baaqayaa in si’ hagar la’aan leh kaalmo iyo gargaar loogu fidiyo qaxootiga Somaliland ee nus-malyuunka kor u dhaafay ee dalka Itoobiya hore ugu sugnaa, hadda se dib ugu soo laabanaya dalkoodii hooyo.
Wuxu baaqu ku nuux-nuuxsanayaa sida dadkan qaxootiga ahi muddaba dhib laxaad lihi uga haysatay dhinaca daryeelka iyo nafaqaynta, taas oo ku lug leh xaaladdii degganaansho-la’aaneed ee ka jirtay dalka ay martida ku ahaayeen. Xaaladdan murugsan awgeed ayay boqollaal iyo kumannaan qoys ay jidka isa soo daba hayaan iyagoo miciin bidaya guryihii ay hore uga baro-kaceen.
Hase ahaatee, waxa cad in nolosha Somaliland ay aad uga fog tahay mid caadi ah, iyagoo aanay qaxootigaasi helayn guryo iyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee nolosha beni-aadamku u baahnayd. Awoodda xaddidan ee Jamhuuriyadda cusub iyo burburka dhinac walba ah ee dalku ku sugan yahay ayaa intuba lama-huraan ka dhigaya inay hay’adaha qaxootiga ee Qarammada Midoobay, hay’adaha kale ee samo-falka ee caalamiga ah iyo dawladaha saaxiibka ahi gargaar iyo gurmad u fidiyaan shacbigayaga tabaalaysan ee maanta garab-is-taagga u baahan. Waxa intaas u dheer miinada dadnimada ka baxsan ee loogu aasay magaalooyinka.
Iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland ku dhibaataysan xal-u-helidda dhibaatooyinka qaxootigeeda ka dhashay, ayaa maalmahan danbe deggenaansho-la’aanta dalka Itoobiya iyo is-beddellada ka aloosmay dalkaasi boqollaal iyo kumannaan qaxooti ah ku soo jebiyeen Jamhuuriyadda cusub. Sidaas awgeed ayaa Kal-fadhiga 2aad ee Golaha Dhexe ee SNM adduunweynaha uga codsanayaa inay mucaaswino u fidiyaan mawjadaha cusub ee qaxooti ahaan Itoobiya uga soo qulqulay.
Hambalyo iyo bogaadin
Kal-fadhiga 2aad ee caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM wuxu hambalyo iyo bogaadin u jeedinayaa dhammaan shacbiga taageeray halganka hubeysan, Mujaahidiinta, dawladihii iyo ururradii halganka tabantaabiyay, gaar ahaan shacbiga iyo dawladda Itoobiya ee fududaysay ridista taliskii dooxatada ahaa.
Ugu danbayn wuxu Kal-fadhigu u mahad-naqayaa, dadweynaha, maamulka iyo ciidammada, gobolka Togdheer oo qayb wanaagsan ka qaatay suuro-gelinta Shirweynihii Beelaha iyo Kal-fadhiga 2aad ee caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM, waxaanu ku guubaabinayaa shacbiga Somaliland oo idil inay sidii caadada u ahayd ducooyin mahad-naq ah dhigaan.
GUUL IYO GOBANNIMO KHEYR LEH
Rashiid Xaaji Cabdillaahi Ibraahin Meygaag Samatar
(saxeexa) (saxeexa)
Xoghayaha Golaha Dhexe ee SNM Guddoonshaha Golaha Dhexe ee SNM
Intaasi waxa ay ahayd Go’aammadii Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM oo ku qabsoomay magaalada Burco 8/5/1991kii – 4/51991kii. Inta badan waxa lagu doodaa SNM waxba uma qornayn ama uma oollinba. Waxa aan halkan idiin ku soo bandhigayna waa Go’aammadii Kal-fadhi keliya oo ka mid ah kuwii badnaa ee SNM soo yeelatay intii ay ku soo jirtay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran. Waxa intaa weheliya intaas oo Go’aammo ah oo ka soo baxay lixdii Shirweyne ee ay SNM soo gashay tan iyo maalintii la aasaasay. Waxa aad ku darsamaya intaas oo Go’aammo ah oo ay gaadheen Guddiyadii Fulinta ee SNM oo labadii toddobaadba mar shir isugu iman jiray. Waxa kale oo aad ku darsanaysaan Go’aammadii Guddiyada Joogtada iyo Guddi-hoosaadyada Golaha Dhexe. Waxa intaa sii raacaya Dokumentigii aasaasiga ahaa iyo Xeerarkii Ururka SNM u yaallay oo aan dhowr iyo toban ka yarayn. Bal ka warrama?
Su’aasha is-weydiinta mudani waa:
Ma SNM baan waxba u oollin? Mise wixii u yaallay ayaan sidii loo rabay loo fulin? Halka ay sheekadu ku jirtaa waa halkaas ee meel baas ha ula kicina urur soo halgamay oo Ilaahay ka sokow sabab u ahaa xornimada aad maanta hadhsanaysaan.
Dhammaad