Dablay Uudani
Prof. Cabdisalam Yaasiin
Daljir: Daryeel waa sidee?
Dilku waa maxay?
Dablay Uudani?
Doorkooduba yahay
Waxa ha deyinee
Rasaas daadshoo
Dadka laayoo
Yaan qof debed marin.
Demedtoodii
Digdigtoodii
Diiday madaxdiye
Yaa dalbadayoo
Tolow yaa diray?
Dunjigoodiyo
Dabacooduna
Ma dir Faqashbaa?
Fa damdama iyo
Dad xasuuq iyo
Dal la rogo iyo
Wixii deris dhacay
Ma il-duufeen?
Mise deriskiyo
Dantood waxay tidhi
Dadku ma xaslo
Dalku ma xaslo
Sidii Daalinkii
Haddaan loo daran
Dabka dhaca iyo
Dumuq naareed?
Daryeel: daljirow maqal
Dacwadaadiyo
Dareenkaagiyo
Damaqaagani
Dameerkaygiyo
Gale diirkoo
Waan dubaaxshoo
Ilmo daadshaye
Anoon duurxulin
Dulmigaa dhacay
Dooday waxay tahay
Aan soo daaye
Diyaar maw tahay?
Daljir: Dacawadaydiyo
Taarkaan soo diray
Wuxuu daarnaa
Dilkan dhaqanka
Ee aan damahayn
Dabadiisiyo
Dawadiisii
Inaan dooonee
Dantay weeyoo
Diyaar baan ahee
Bal doodaadiyo
Warka soo daa.
Daryeel: Dhiig baa daatoo
Dil baa dhacayoo
Ma duurxulayoo
Dabuub badaniyo
Hadal daayay
Daljirow how
Dooday waxay tahay:
Daalinkii guur
Waxse diirxulay
Oo ku daayimay
Dadka qaarkii
Dabaciisii
Dunjigiisii
Iyo dulmigii.
Dawadeeduna
Dawlad weeyaan
Daacadnimo iyo
Dareen gacaliyo
Dusha awrkiyo
Aqoon doora leh
Oo daryeelkiyo
Maato daadihin
Dabaceediyo
Dunjigeed yahay.