Guryaha intaan daadku iman baa la sii moosa Madaxweyne waad ogeyd in UN-ta iyo caalamkuba cadaadis weyn ina saari doono ee maxad uga sii gaashaman weydey!.
Ila intii aynu ka gawsadegney shirkii somalida qaadhanka loogu ururineyay ee dawlada Ingirisku gadhwadeenka ka aheyd.Waxa jirey guux badan oo isaso tarey oo sheegaya inu cadaadis badani inagu soo fooleeyahay kuwaaso aney dawladeenu runtii kasii gaashaaman oo ad moodeyso ba in ay iska indho tireysay dhibaatooyinkaasi inaguso socda.
Waxaase maanta bilaabey oo runtii socon doona sida ila badani tibaaxeyaan cadaadis caalami ah, maanta wa hawadii oo la ina hoos geeyo Mogadisho iyo dawlada Xassan Sh, Beritoole na waxa iman doonta hadii an laga hawlgalin dayuuradaha dalkeena iman doona oo ruqsadooda la yidhaahdo Xamar kaso qaata, saandabe na waxa iman doonta isgaadhsiinta oo Xamar laga kantroolo hadii an laga hawlgalin mana filayo in maamulkeenu maanta waxbadan ka ogyahay cadaadiska inagu soo socda ee caalamku dawladnimadeena ku laciifineyo hadii an loo midoobin ama meel looga so wada jeedin, haddaa iyadoo arimaheenu halka mareyaan aya ah wax lala yaabo madaxweynaheyna maruu maanta la hadlay ardeyda jaamacadaha waxa ka mid aheyd khubadiisi caalamku wuu inala macaamila si toos ah taaso runtii xaqiiqda ka fog.
Runtii wuxu wali ka dhacsan yahay madaxweynaheenu xaqiiqda eynu kusugan nahay, maanta wa maalin uu caalamku taageero iyo gacan ba siineyo dawlada somaliya si ay inoo hoos geeyaan.. Xaaladaha noocaas ah haddii an loo midoobin oo an waxbadan laga qaban xaaladaheenu wa bariga dhexe..
Waxa iyana nasiib daro ah oo wax laga xumaado ah sida badheedhka ah ee rasaasta loogu fureyo shacabka somaliland ee mudahrada cabashooyinka ah dhigaya.. Dawladeenu mudadii sadexda sanadood aheyd ee ay midida daabkeeda heysa waxay xal u aragtey oo ay caadeysatey in ay ciidamada amar kusiiso in xabada la rido oo shacabka lagu furo, waxa xusuus mudan dhacdadii Axmed Dhagax, dadkii an waxba galabsan ee lagu weerarey Saylac, mudahradkii Boorama ee rasaasta lala dhacay shacabkii, ciidamadii loo adegsaday xaafadda boqol iyo kontonka ee sida badheedhka ah loogu furay iyo tan shalay ka dhacday magaalada Burco ee sida badheedhka ah loogu furey rasaasata, ila haddan la garan la’ yahay cid so amartey ciidanka shacabkoodii xabada ku fureya, waxaan aad ula yaabey marka u yidhi Badhasaabkii wax war ah uma hayo cida amarkan soo siisay askartan, ee haddan Maayarkii oo ag fadhiya isna sida si leeg kaga dhawaajiyay wa nasiib daro ciidan an la garaneyn cid so amartey oo shacabkeeni xasuuqaya..
Runtii waxakaloo iyan nasiib daro aheyd dhacdadii foosha xumeyd ee maalintii dhaweyto lagu so weerarey wargeyska Hubaal iyo gudoomiyaha wargeyska taaso lagu qabtey goobtaasi askar dawlada ka tirsan oo ka mid aha askartii weerarka axmaqnimada leh kuso qaadey xarunta wargeyska iyo maamulaha wargeyska mudane Calooley.. laba tirin karo dhibaatooyinka dalkeena maanta ka jira dibad iyo guda ba waase wax an loo dulqaadan karin marna ba.
Waxan kuso gabagabeynaya qoraalkeygan heestii aheyd ISMA OG QALKII BEY GO’LEYSA.. wali waxaynu ku naalooneyna caalamka nala macaamila iwm .. waxan shacabka u sheegaya in anu jirin wali caalam inoo hagarbaxey o sidii aynu dooneyneyn inoola macaamila iska da ictraafo, maamulkeenu wali wuxu shacabka ku maaweelineya DHULKEENA NICMAA FADH FADHIDA iwm.
Guul baan inoo rajeynaya inshalle in ay somaliland ku waarto iyo nabad iyo barwaaqo.. dhibaatooyinka socodana ilaahey ina baal mariyo .
Omar Darood Hassan
Norway