Yaa lahaa muhindiska iyo Agaasinka khudbadii weyda ahayd ee Madaxweyne Siilanyo ka hor jeediyey qaar ka mid Ardayda wax ka barata Jaamacaha Hargeysa!.
Madaxweyne Siilanyo iyo qaar ka mid ah wasiirada ugu tunka waaweyn golahiisa xukumada ayaa shalay gelinkii hore khudbad Weyda oo beerlaxawsi iyo taageero- doon u badnayd inkastaan faana ka madhnayn ka jeediyey madal lagu soo ururiyey Ardayda dhigata qaar ka mida Jaamacadaha Hargeysa oo si gaar ah loo soo xulay,sida Jaamacada Hargeysa ee xukumada Siilanyo maamusho iyo qaar ka mida Jaamacdaha Gaarka loo leeyahay Sida Alpha,Admas,Golis iyo New Generation.
Kulankan ayaa waxaa si gaara u soo wada abaabulayWasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan iyo hawl wadeeno ka tirsan Qasriga Madaxtooyada, waxaa kaloo iyana talo weyn ku lahaa Agaasinka iyo fikrada kulankanka Ardayda xubno ka tirsan Qoyska Siilanyo oo daaha dabadiisa ka hagaayey am aka dhex hadlaayey shaqsiyaad aan mudakar ahayn oo lagu muunadeeyay xaflada.
Geesta kale Ardaydii ka soo qeyb gashay kulanka oo Qarannews Mikirifoonka la dhex qaaday markii khudbadii Madaxweyne Siilanyo idlaatey ee Hoolkii khudbadaha laga dareeray ayaa sheegay in aanay sinaba ugu qanancsayn kulankan,waxayna isku raaceen intooda badani inaan sinaba uga soo qeyb galeen kulankan balse maamulada Jaamacadahoodu khiyaameen oo si kale wax loogu sheegay,oo loo sheegay in kulanku noqon doono mid balaadhan oo Ardayda Jaamacadaha Hargeysa si xora su’aalo u weydiin doonaan madaxweyne Siilanyo balse waxay sheegeen inaan taasi dhicin oo aan qorshahaba Madaxweyne Siilanyo iyo wasiiradiisaba ugu jirin in su’aalo iyo wax la hal maala la weydiiyo.
Isku soo wada duuboo waxay Ardayda intooda badani isku raaceen,una sheegeen Qarannews in kulankii shalay noqday mid ay ku hungoobeen oo wixii loo sheegay wax ka duwan kala kulmeen iyagoo filaayey inay su’aalo iyo waxay tabanayeen weydiin doonaan madaxweyne Siilanyo balse waxay sheegeen in taasi beenowday, khudabadii Madaxweyne Siilanyo iyo wasiiradiisuna Tororog iyo faan u badnayd oo aanay dhegahooda hoos u dhaafin.
Qarannews
Hargeisa