Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Mala hayaa wax lagu bedelo basaasta iyo marin-habawga siyaasada arimaha debeda ee Somaliland.

$
0
0

Mala hayaa wax lagu bedelo basaasta iyo marin-habawga siyaasada arimaha debeda ee Somaliland.

Marka hore waxaan mahadanaq aan lasoo koobi Karin, oo aad ubalaadhan halkan ugu soo gudbinayaa Bahda saxaafadda JSL oo ah madaalayaal hadh iyo habeenba u heegan ah horumarka ummaddooda iy

O dalkooda iyaga oo kahaqabtiriya Muwaadiniintu fikradaha kala duwan ee ayka kala qabaan , dalkooda ,dawladooda, axsaabtooda siyaasadda IWM.

Gaar ahaan bahda Websidyada Sida: Qarannews,Hadhwanaagnews, Togaherer, Afnugaal, alhidaaya, Awdalnews  IWM.

Waxay hore ufaafiyeen 12kii May, 2013 ka  Maqaal gaaban oo aan Ugu Wanqalay:Higsashada ummadda Reer S/Land Himilooyinkeeda iyo Hantaaqooyinka, ayku Hayaan Hoggaamiyayaasheedu?

 

Hordhac.

Haddaba qormadan kale ee Gaaban Iyana waxaynu  eega ynaa,ama ku fallanqaynaynaa, amaba ku lafoguri doonaa maqaalklan lamagacbaxay: malahayaa wax lagu beddelo basaata iyo marin habowsanaanta siyaasadda dibbadda ee JSL.

Waxaynu kazoo hadalay oo kasoowarbixinay xubinka mid ah xubnaha, ama jidhk dawladda (Government Body) oo bukootay waa xafiisyar oo xidhiidh ganacsi (liaison office) haddaba akhristoow maxaad umalaynaysaa dawlad dhan oo uu buko qaabkeeda maamul,amaba siyaasadeeda dibbaddu? Markalabaranayo  waxa loo yaqaano  siyaasad(Political science )  ayaa lagu qeexaa marka la  is waydiiyo qeexitaankeeda? Siyaasaddu malaha qeexitaan dhab ah oo xaddidan, (a Real Determintion) amaba siyaasaddu malaha saaxiib joogto ah ee waxay leedahay dan joogto ah,

DULUCDDA MAQAALKA:-

Waxaan wada ogsoonahay laga bilaabo dib ula soonoqoshadii JSL madaxbanaanideeda sannadkii 1991kii iyo ilaa maanta 2013 inay ka soowareegtay Muddo  kudhow rubuc qarni .  Haddaba bal akhristayaasha sharafta lehoow

 

  • waxaad is weydiisaan labadan su’aalood? Dabadeedna  isku daya inaad ka jawaabtaan idinkoo uu qofkastaaba la kaashanayo  aqoontiisa, khibraddiisa, waaya aragnimadiisa, daacadnimadiisa, adigoon  dhanna u ee xanayn amaba uxaglinayn.

1-      Imisa dawladood ayeynu dhisanay muddadaas dheer?

2-      Maxayse qabteen dhammaan xukuumadahaasi

 

Haddaynu isku dayno jawaabta su’aasha hore  waxaynu odhankarraa waa afar dawladdood oo kala danbeeyey?  Laga  bilaabo 1991-1992 C/raxmaan Axmed Cali (tuur)

1993-   2/5/2002   Maxamed Ibrahin Cigaal

2002may,   ilaa June2010   ilaa July 2010- 2013 Axmed Maxamed maxamuud(Siilaanyo)

Waxqabadkan aan ukalasaarro Dibbadda iyo Guddaha?

Arrimaha guddaha: waxaynu odhankaraa dawladdihii kala danbeeyey waxay kazoo hooyeen guulo  lataabankaro, Sida: Suggidda Ammaanka, Dibuheshiisiintii Beelaha degan JSL, Hubkadhigistii Malayshiyaadka, Dhisiddii Golaha  Guurtida,

Waxa kale oo aan ladafirikarin kadib doorashadii labaad ee alla ha unaxariistee Marxuum Cigaal 1997kii tallaabooyinkii uu qaatay ee asaaska ama gundhigga u’ahaa samaynta dawlad dimoqraadi ah, taas oo lagu dhaqaaqay, Qorista Dastuurka dalka JSL, Fidinta dastuurkaas laftiisa iyo gaadhsiinta shacabka JSL, Ucodaynta dastuurka, qeexidda qaabdhismeedka  dawladda JSL oo lagu caddeeyey iyadana dastuurkan iyadoo laga duulayo Nidaamka caalamiga ah ee ay aduunyadu  Usamayso  qaab dhismeedyada isxunka dawladnimo, kaas oo u kal baxa saddex Nidaam oo macruuf ah sida badan kuwaas oo kala ah

A)     Nidaamka  Madaxweynaha (Presidential System) USA  Tusaale ayey utahy

B)      Nidaamka Baarlamaaniga ah ( parliamentarian System) UK Tusaale ayey utahay

C)      Nidaamka Jamciyadda (association System) Switzerland      Tusaale ayey utahay

D)     Nidaamka mukhtalid ama askud hexjiraan raysalwasaarah iyo madaxweynuhu France ayaa tusaale u ah.

Waxaa kaloo nidaamkani leeyahay saddexda dhardhaar ee is celiya ama is caddila ee dawladeed (Check and balance) kuwaas oo kala ah

A)     Golihii Fullinta ( Executive)

B)      Golihii Sharcidejinta  (Legislative)  Baarlamaankii.

C)      Golihii Garsoorka ama Qadaaga (Judiciary)

Saddexdani waa kuwa ugu caansan  qaababka  maamulladda daw ladaha, casriga ah ee dunidda maanta kajira, waxaa kaloo guulaha guddaha la odhankaraa, Samaynta  axsaabta siyaasadda ( the political parties) oo kahana qaaday dalkan JSL, waxaa kale oo Iyana taabbo galnoqday doorashooyinka,dawladaha hoose, Madaxtooyadda, Baarlamaanka, saddexdaba. Guulkale waa is diiwaangelintii shacabka JSL

Dhammaan  waxyaabahani waxaynu odhankaraa waa horumar lagaadhay, hase yeeshee guulahan oo dhan   shacabka soo hooyay amaba ay usoo hoyden, maxaa ka hortaagan  inay xaqiijiyaan aqoonsiga caalamiga ah ee aan la’aantiis waxba ka jirin  dhammaan guulahaas aynu  hananay, ee kor ku soo xusnay.

  • Tani waa su’aasha uu muwaadin kasta oo xalaal ahi is weydiin karo? Oo ay dhab katahay kana go’antahay qaddiyadda gooni isutaagga JSL
  • Waayo dhammaan guulahani waxay u rahmanyihiin aqoonsiga beesha caalamka?
  •  Waayo  waxaa kamaqan, tacaamulkii dawliga ahaa ee aad kula dhaqmaysay beesha caalamka, ( international Recognition) haddaytahay Ganacsigii iyo tijaaraddii (Business and Trade) kaladuwanaanshaha dhaqanka iyo ilbaxnimooyinka(Culture and civilizations)  Xidhiidhka caalamiga ah,(international Relationship)  isu socodkii,( free of movement) Maalgashigii shisheeyaha,( foreign Direct investment) la xidhiidhka  ururadda  caalamiga ah, Sida: Baanka adduunka, ha’adda lacata adduunka( world Banka and IMF) xidhiidhkii waxkala bedelashada dawladaha dunidda?(bilateral agreements) IWM.

 

  • Haddaba waxaa  kaloo  iyana Isweydiin mudan ? Maxuu inakala  maqan yahay aqoonsigan caalamku?

 

  •  Haddii aynu isku dayno  Jawaabta su’aashan waxaynu odhankarnaa:  wuxuu inakala maqanyahay? Wax yaabo tiro badan? Oo ay kamid yihiin

 

A) wada shaqayntii caalamka.

B) Deeqihii caalamiga ahaa. Oo dhan

C) Maalgashigii shisheeyaha

D) Daynqaadashadii caalamka   iyo nidaamka amaahaha lacagaha qalaad IWM.

  • Waxaa  kaloo ka dhalanaysa  suaasha ah haddaynu helo  arrimahan oo dhan maxaa dhici lahaa?

Waxaynu kaga Jawaabi karaa iyadana sidan:

  • Haddii lahello dhammaan amabase qaybo kamid ah arrimahan, waxaa laga bixi lahaaa kow dhaqaalo, yaridda, shaqo la’aanta da’ hyarta udhalatay dalkan JSL, haysata,dhammaystir la’aanta  dhammaan kaabayaasha bulsho ee dhaqaalaha ((infrastructure)  inay istaagto  ama joogsato  da’yarta  kudhammaatay amaba ku le’atay  badaha adduunka iyo socdaaladda ismiidaaminta ah,ee ay u aadayaan dibbaddaha iyo u dhuyaalkooda? Oo kasoo kabsada shaqo la’aanta baahsan eek a jirta dalkan JSL, sidoo kale dadka udhashay JSL ee kunool dibbaddaha oo kusoo guryo noqda dalkoodii hooyo, iyagoo kula soo laabanaya, maskax ,muruq iyo maalba, kana qayb qaadanaya dib udhiska iyo horumarinta dalkooda hooyo , IWM.

Waana halkan Ujeedada iyo dulucda maqaalkeenani, markay aynu aragno dad udhashay dalkan JSL oo udhaqmaya sida kamuuqanaysa maqaalkeenii hore cinwaankiisa,  kucad, waxaad is ku qancinaysaa, ama kuu soo baxaysa  inay sabatu tahay? Inaka oo aan sidhab ah uga hawl gelin arrintan amabase maahmaahda ay soomaalidu kumaahmaahdo ee odhanaysa  : Ruqo Nin lihi Dabadda Hayaa Ma kacdo.

Amaba tixdan uu tiriyey abwaanka caanka ahee alla ha unaxariistee

Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) oo uu  Yidhi.

Isma doorin Gaalkaan diriyo                     Daarta kii Galaye’

Dusha Midabka  Soomaali                         Baad Dugulka Moodaaye’

Misna laguma diirsade                               qalbigu waa dirkii Karle’

Amaba maah maahda kale ee soomalida badankeedu isticmaasho ee odhanaysa,

Islaan baa tidhi Ninka xoogaas lihi  Inantayda  ilmo kama dhali waayinee wuu hagranayaa?

Waayo daka ama dalka ama dawladda waxyaabahaas aynu soo xusnay oo dhan samaysay eek u guulaysatay, amaba suurto gelisay halkan Shayna way gaadhi lahayd, haddii aan hagrasho jirin, ama dhalliil inaku taalaa jirin, amaba raadinta arrinkan laga wada daacad ayahay, oo aan dar ama (qolyo)inaka inaga mid ahi dibindaabyo, iyo dabbaal joogtayn kuwadin qaddiyadda Ummadda oo ayna ka dhiganin waxay iyaku ku gorgortamaan fulinta qaddiyadani.

Waxaana filayaa inay tahay arrintani ama lamacno tahay:-

Gadhwadeenkii  noo sahamiyoo                            Aragti gaabnaadheh?

  • Waxaakale oo is weydiin muddan   sidee loo xallinkaraa  arrintan inoo

Wada muuqata ee inoo taala? Ee looga gudbi karaa ama looga tallaabsankaraa dhibaatadan taagan, (this currently Challenge)?

Ma aha su’aashan Jawaabteedu mid fudud, balse waxaynu ku xanbaari karaa  qawlka eebe, ee odhanaya, Ilaahay Mabeddelo Wax ay Ummaddi samaysatay,  ilaa, ay, iyaku  naf ahaantooda kabeddelaan waxaas ama dhaqankaas, waayo tani waa sunaha ilaahay ee nolo sha aadamaha?

Waxaad ogaataaan akhristayaasha sharafta lehoow, inay xumaantani ama caajisnimadani inaka inoo soo  laabanayso guud ahaan gaar ahaana Kuwa loo dhiibtay ee tawaliyey xilka wasaaradan

  • Waxaad kaloo is weydiisaa markay  wasaaraddii wejiga dalkan iyo ummaddan ahayd sidaas xaalkeedu yahay maxaaad ummalaynaysaa dhammaan waasaradihii kalena?

Waa kadar oo dibi dhal xaalku markaas,

Guntii Iyo Gebabebadii

Waxaynu  is odhan karaa  waa in la helo waxyaabaha ay ku horumareen dawladaha kale ee maanta  addunkan aynu ku noolnahay ka jiraa dariiqa ay umareen horumarka aymaanta ku naaloonayaan ama ay kufaanayaan, Talaabooyinkaas ayqaadeen waa  in aynu qaadano  oo marro haddii run lasheegayo, ( The same steps) oo aynu xaqiiqo sax ah raadinayno,  haddii kalese waa in  aynu sugnaa oo lasugnaa inay xaqiijiyaan oo dhammaystiraan mashruucan aynu bilawnay ee ictiraaf raadinta JSL jiilasha danbe ee dhallan doona?

Siduu abwaan Salaan usheegay ee ugu sheegay tixdiisan odhanaysa

Nindhirbaaxo quudheed dugsaday                   dhaqayadeed maalye

Dhashaaday sugtaa xaajadaad                           Dhawrataa Abide’

Keliya waxaynu odhankaraa waxaa inaka    maqan Caddaaladdii  ay ubaahnayd hirgelinta arrintani, waayo raddainta aqoonsi dhab ah  oo aan loo igman cid ay ka dhabtahay himiladaasi, waa khalad laga galay  shacabka dhammaantiis,  haddaan taasi dhicinna, waxay lamidtahay arrintani iyo tareenkan guuxaya labaatanka sannadood ee soo sida aqoonsigan lagaadhi waayey dabadiisa, lana goosan waayey midhihiisa, ee ay ina saareen siyaasiyiintuna wuxuu lamidyahay, kii uu Abwaan ( Hadraawi sideetameeyadii ku sheegay tixdiisa Taawilo) ee uu lahaa

Gaariyoow tareenkii Lagu tacabqasaaree            Taladiisu guux iyo talan qudha  ku koobnayd

Tafantoofe waakaas  dib usoo taraaree                  Alla Taako yaw dhiga?

Dadkeenu nolosha oo dhan waxay uqaateen  inlaga hadlo ama lagu biiro ama lala shaqaysto oo laga midnoqdo siyaasadda ama urur siyaasadeed oo aan ahdaaf cad oo waadix ah  lahayn. Tanina waa calaamadaha dhib udhaca ku keena bulsho.

Balwaxaad ufiirsataa Maqaaladda iyo aaraa’da ay qoraan siyaasiyiinteenu, Garyaqaanadeenu, Macallimiinteenu,  Dhakhaatiirteenu,  suxufiyiinteenu, qudaadeenu,Culimaa ul diikeenu  iyo qofkasta oo bulshadeena kamid ahiba? taasi miyaanay inaka dhigayn bulsho dheeli san oo ubaahan inloo sameeyo ( Balanced )ama dheeli tir buuxa, Waa in aynu ogaanaa horta gaadhigan siyaasadda in aynu sixun  usaaranahay, oo aynu bilawgiisii hore u fuulnay, waayo? Waa in aan fahanaa sida   ay   ukala horeeyaan asaasiyaadka noloshu ee ay aadamuhu  ukala hormariyaan iyadoo loo eegayo sida ay ukala muhiimsanyihiin, taasi marka loo fiiriyana Siyaasadu waxay noqonaysaa waxa  ugu danbeeya ee uu sameeyo qofkii ay usaamaxdo noloshiisu, ee weliba danaynayaa? Haddaba bal ma iswaydiisay maxay inaka tahay shayga ugu horeeya nolosheena ee aynu is waydiino, inakoon weliba fahansanayn waxtahay, waxay  gasho iyo waxay guddo,toona? Waa tareenkii aynu soo sheegnay waxaana sidan khaldan inooku raray, raga aynu u igmanay   hawshan ee aynu udabo fadhiisano:-

waayo waxaad tusaale usoo qaadataa  xilyada ay doorashooyinku kadhacayaan dalkan JSL, waxaad arkaysaa qofkii oo mar dooranaya shaqsi, marna dooranaya qabiil ama qolo, marna dooranaya xisbi siyaasadeedkii uu sheeganayey  inuu katirsanyahay, waa shay aad ucajiib badan oo ayna aduun fahmiba Karin,  waayo waa arrin dhibkeeda leh sidaad isu waafajisaa saddexdan shay ee kala tagan, ama kal durugsan, waayo waxaa inaku hanuuniyey oo ka shaqaysiiyey siyaasaddan ay ka dhex muuqato qabiilku  siyaasiyiinta maanta loolamaya ee kuloolamaya danta dalka iyo dadkaba, Haddaba waxaa haboon inaad adigu is waydiiso naftaada su’aalah,  Maxaa nafci ah oo kuughu jira adiga ka muwaadin xalaal ah?  Maxaase  deelqaaf iyo daw darro ah ee Iyana kuugu jira?

Waxaa la ilaaway, arrimihii bulshada sida Caafimaadkii, waxabarashadii,  caddaaladdii, horumarkii, dhaqaalaha, in ladhiso kaaba yaasha dhaqaalaha, ururadda bulshada madaniga, ah IWM.

Insha Allah dib Ayaan   kasoo qori doonaa Maqaalo Wax kataabanaayaa, Horumarka Bulshada iyo   Dhaqaalaha,

Allaa Mahadleh

Waxaa Diyaariyey   Yusuf. D. Hassan.

Oo Degan Dalka Yemen.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>