Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Qarax Culus oo lala beegsaday Gaadhi Isgoyska Kaasa-bobolaare-Muqdisho iyo khasaaraha naf iyo moodba uu geystay Qaraxaasi!.

$
0
0

Qarax Culus oo lala beegsaday Gaadhi Isgoyska Kaasa-bobolaare-Muqdisho iyo khasaaraha naf iyo moodba uu geystay Qaraxaasi!.

Hargeisa-(Qaran-news)-Qarax xoogan ayaa  duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Kaasa -Bobolaare oo ku yaala wadada wadnaha ee Muqdisho kaasoo lala beegsaday gaadhi ay saarnaayeen masuuliyiin caana.

 

Ilo wareedyo rasmiya ayaa Qarannews u xaqiijiyey in Gaadhiga qaraxa lala beegsaday ay la socdeen labo nin oo kala ahaa Cartan Shiikhdoon oo la sheegay inuu ahaa nin nabadoona, warar kalena sheegayaan inuu ka mid ahaa saraakiisha Booliska Somalia iyo Cabdi Iimaan Sharmaake oo la dhashay milkilihii geeriyooday ee shirkada warbaahinta Hornafrik Cali Iimaan Sharmarke oo dhawr sano ka hor isna qarax shirqoola lala beegsaday.

 

Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta qaraxu ka dhaxay isku xeeray  ciidamo ka tirsan dawlada oo halkaas ka sameeyey hawlgal balaadhan, iyadoo labada nin oo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka Madiina ee  Muqdisho, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan inuu Cartan Shiikhdoon uu u geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaadhay qaraxaas.

Geesta kale Xoggaha qaar ayaa sheegayaa in gaadhiga la qarxiyey uu lahaa Cabdi Iimaan Sharmaarke oo qaraxaa ku dhaawacmay, qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino si qarsoodi ah loogu xidhay qeybo ka mid ah gaadhiga.

Lama oga ilaa hadda sababta qaraxa loola beegsaday gaadhiga maadaama mulkiilahu gaadhigu ka madax banaanaa dhinacyada siyaasada isaga soo horjeeda, hase ahaatee waxaa xusid in walaalkiis Cali Iimaan Sharmaarke oo ahaa Agaasimihii idaacada Hornafrik lagu dilay qarax sidan oo kale loogu xidhay gaadhigiisa lix sanadood ka hor.

Qarannews

Hargeisa

 

.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>