10 Nin oo macaashay lacag Tallaalka Covid 19 loogu iibin karo dhammaan Dadka ku nool Caalamka

Marka la isu geeyo lacagta ay sameeyeen 10 nin oo kaliya intii lagu guda jiray cudurka safmarka ah ee Corona waxay gaareysaa $540bn (£400bn), sida ay baadhitaan ku ogaatay hayadda samafalka ee Oxfam.
Hantidan waxay ku filan tahay in qof walba oo caalamka ku nool laga badbaadiyo inuu sabool ku noqdo cudurka Covid19 awgiis, waxaana dhammaan dadka adduunka ku nool loogu iibin karaa tallaalka fayraska, sida ay ku warrantay hayaddu.
Warbixinta ay soo saartay Oxfam ee ku aaddan isku darka lacagta ay bilyaneerrada heleen waxay la egtahay dhammaan marka la isu geeyo dhammaan garashka ay dalalka barwaaqo sooranka ee loo yaqaanno G20 u adeegsadeen kasoo kabashada khasaaraha ka dhashay fayraska.
Hayaddan samafalka ah ayaa ku boorrisay dowladaha in ay canshuurta ku kordhiyaan dadka maalqabeennada ah ee hantida aadka u badan heysta.
Warbixintan, oo magaceeda laga dhigay Fayraska aan dadka caddaaladda u sameynin, waxaa la daabacay xilli ay hoggaamiyeyaasha caalamku ka shirayaan soo nooleynta dhaqaalaha burburay intii uu cudurka jiray.
Tallaabadii aan lasii qorsheynin ee dowladuhu ay ku xoojiyeen dhaqaalahooda ayaa sare u qaadday saamiyada suuqyada, taasoo dhanka kalena cirka ku shareertay hantida soo gasha bilyaneerrada, halka dhinaca kalena dhaqaalaha caalamka uu la kulmay hoos u dhigii ugu darnaa muddo hal qarni ah, sida lagu xusay warbixintan.
Marka la eego guud ahaan caalamka, bilyaneerradu waxay heleen $3.9tn (trillion) oo dheeraad ah intii u dhaxeysay 18-kii bishii March ee sanadkii 2020-kii ilaa 31-kii bishii December ee isla sanadkaas. Haddana waxay sii mareysaa $11.95tn – taas oo la eg kharashka ay dowladaha G20 ku bixiyeen wax ka qabashada cudurka safmarka ah, sida lagu sharraxay warbixinta.
10-ka nin ee ugu taajirsan adduunka, oo hantidoodu ay ku darsantay $540 bilyan oo doolar tan iyo bishii March, 2020, raggaasna waxaa ku jira milkiilaha Amazon, Jeff Bezos, milkiilaha Tesla, Elon Musk iyo milkiilaha shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg.

Warbixintu waxay sheegtay in Mr Bezos uu lacag badan helay ilaa intii laga gaarayay bishii September ee sanadkii 2020-kii, lacagtaas oo xitaa uu uga farxin karay dhammaan shaqaalaha shirkadda Amazon ee ay tiradoodu tahay 876,000 oo ruux, qof walbana ay ku soo aadi lahayd $105,000 oo doolar, walina ay hantidiisa la ekaan alahyd intii ay ahayd cudurka safmarka ah ka hor.
Haddii ninkan la barbardhigo dadka ugu faqiirsan caalamka, iyaga waxay ku qaadan kartaa in ay cudurkan kasoo kabsadaan muddo toban sano ah.
Hayadda Oxfam waxay qiyaastay in 500 oo milyan oo dheeraad ah ay sabool ku noqdeen cudurkan safmarka ah, taasoo dib u celisay hoos u dhicii saboolnimada caalamka ee la arkayay labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

“Waxaan u maleyneynaa in tani ay fursad u tahay sidii ay dowladaha u qaadi lahaayeen tallaabo gaar ah oo dadka maalqabeennada ah loogu kordhinayo canshiirta,” ayuu BBC-da ku yidhi Danny Sriskandarajah, oo ah agaasimaha guud ee hayadda Oxfam.
Dhanka UK oo kaliya ayuu sheegay in sare u qaadista canshuurahaas ay keeni karto malaayiin lacag ah oo dowladda u soo xarooda.
Bishii lasoo dhaafay, MacKenzie Scott, oo ah xaaskii hore ee Jeff Bozos, waxay shaaca ka qaadday in ay lacag dhan $4bn (£3bn) ugu deeqday dhaqaalaha lagu bixiyo gurmadka degdegga ah.
Qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay ayey Ms Scotr ku sheegtay in ay dooneyso sidii ay dadka reer America uga caawin lahayd caqabadaha ay kala kulmeen cudurka safmarka ah.
Jack Dorsey oo ka mid ah milkiileyaasha Twitter ayaa bishii April ku dhawaaqay in uu bangigiisa ka bixinayo $1bn si uu ugu caawiyo barnaamijyada wax looga qabanayo saameynta cudurka.
Bill Gates iyo xaaskiisa Melinda ayaa iyaguna $305m ugu deeqay tallaalka corona. Harry Potter ayaa ku deeqay lacag dhan £1m oo lagu taageerayo dadka ku waxyeelloobay cudurka.
Bishii June, Mr Bezos waxaa la sheegay in uu ku deeqay $125m oo loogu talagalay dadaalka Corona wax looga qabanayay.