Qormadii: 5aad
Waa shaashado iyo TV-iiyo kala qaaran oo laba qaar ah. Qaybi, waa weriyayaal dalka gudihiisa jooga oo wararka halkaa ka soo dawiya.
Waxaad mooddaa in Nayroobi qudheedu ay dalka ka mid tahay oo TV kastaa, malahayga habeen walba ku daro waraka iyo barnaamijyadaba. Waa riwaadaha ugu badan ee la daawado Nayroobidaasi.
Degellada Soomaaliyeed ee kale oo dhan, hadba magaalo iyo deegaan ayaad daawanaysaa. Waxa hoogay ee jabay waa gobollada Soomaalidu degto ee Kenya. Mar mar dhif ah ayaa laga yaabaa in aad Geerisa aragto, wixii soo hadhaa waa Nayroobi. Bal tabaalahaa daya.
Shirarka-jaraa’id iyo shuush-beerista iyada ayaa kow ka ah. Marka aad aragto iyada oo magaalo kasta TV kasta weriye uga soo warramayo, waxaad is-odhanaysaa malaha shaqo-abuuris fiican ayay sameeyeen. Haddana waxaad is-weydiinaysaa in ay dhallinyaradaa wax adduun ah siiyaan, iyo in barbaartu ka helayso oo keliya in muuqaalkoodu ka soo baxo shaashadaha oo aanay wax sidaa u sii ridanba qaadan. Ma dhiig-miirad sida u yaal baa. Mise aniga ayaa qaldan. Idinkaa u magac-bixin. Ma laga yaabaa in wixii ay heli lahaayeenba xaqleyaashu ugu xawileen dadweynaha ay wax ka duubayaan! Saxaafadda qudheeda ayaa u-magac-bixisay oo ‘qabax’ u taqaanna.
Aan sheekda ku soo noqdo e’, dhinac weriyayaashaas ayaa ka soo gala shaashadaha, dhinaca kalena barnaamijyadan dhego-barjaynta ah, ayaa kaga jira. Shaashadahan qalalaasaha Soomaaliyeed ku dhex ambaday, barnaamajyadaa waxay ka samayn karaan oo keliya dibadaha iyo qurbo-joogtan qaaddiraysan. Weli farsamadoodu ma ay gaadhin in ay qolqol-joog iyo qurbo-joog wadaajiyaan. Taasina wax ayay ahaan lahayd oo waxyaabaha gudaha iyo geeska Afrika ka jira waa laga daafici lahaa war-moogtan qurbaha ku asqowday.
Bal hadda u fiirsada wixii ka dhacay shirkii London ee Feeberweri 2012kii. Intii aanu qabsoomin TV-yadaasi waxay ku hawlanaayeen maxaa ka soo baxaya? Oo dadka qaarkii sasba ka qaadeen. Ilaa maxmiyad ayaa hadalka la gaadhsiiyay. Dooddaasi waxay socotay muddo aan laba toddobaad ka yareyn. Malahayga toddobaadna waxa socday wixii London ka dhacay iyo sidii looga qayb-galay. Markii ay intaas oo maalmood ka soo wareegtayna, waxa la waday maxaa ka soo baxay? Maxaa laga faa’iiday iyo waxyaabo la mid. In shirka la oddorosaa ma xuma. In la falanqeeyo siduu u dhacay ma xuma. In laga dodo wixii ka soo baxayna ma xuma. Bal se ma bilo ayaynu intaa ku qaadanaynaa.
Maalmihii xigayna waxa kale oo bilaabmay meerisyo kale oo aan dhammaanayn oo lagaga hadlayay shirkii Turkiga ee bishii Juun 2012kii qabsoomay.
Mowduucyada kale ee shaashadahani ku mashquuleen waxa ka mid ahaa wax la yidhaahdo ama ay ku magacaabaan ‘Road Map’ oo ay u xafideen sidii casharrada. Kampala iyo meelo durugsan ayay ka soo bilaabaan. Waxay ku cel-celiyaan Garowe I iyo Garowe II. Sidii oo aanay wax kaleba jirin. Inta sidaa xaal yahayna, wallee kob caano leh lagama soo durduriyo. Waa halkii Timacadde e’ xaalba wuxu iska noqonayaa: “Saabuun xoor laga waayiyo, sacabkoo timo yeeshiyo, waa dameer san madow oo, si’na loo arki mayo.”
Tebinta tebinteed: Maalmaha tilmaanta leh
Wixii aan maalmo Diimeed ahayn, waxa kale ee aynu soo qaadannaaba waa maalmaha qaran. Malahayga gaaban 18ka Meey wax ka awran oo ka shilis garan meynno. Tii ugu dambeysay aan soo qaadanno. Waa 22-guuradii sannadkan 2013ka oo si la yaab leh loo xusay. Xukuumaddan maanta joogtaa, waa tii saddexaad ee ay xusto. Intii maamulkan cusubi xilka hoggaamineed qabtay saddex jeer ayay 18ka Meey ina soo martay. Tii ugu horreysay waxay ahayd 20-guuradii oo si wanaagsan ayaa looga tumay. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee ay Madaxweynaha maanta talada haya ay ku soo beeganto oo waa uu iskaga baahnaa in uu salaan qaato, marti-sharaf dibadeedna casuumo, sidiisiina khudbad aan dab lahayn warqad aan laga soo fiirsan inooga akhriyo. Ceebi kama raacin, dadweynuhuna si la yaab leh ayuu isu abaabulay. Xuskaasi aniga hees Dhaanto ah ayaabu igu dhaliyay.
Ma 21-guuradii oo ku beegnayd 2012kii baa! Subxaan! Iga Walla in aan laba Cali is-weydiin. Xataa bacadalayaashii iyo intii astaamaha toshay ee is-lahayd waa la idin ka iibsan ayaan cidiba ka xiiran oo aan hoodh lagu qoysan. Waan xusuustaa oo Wasiirka Warfaafinta ayaan ahaa. Sibiq iyo san-qadh yari ayay inagu dhaaftay. Ilaahay ha inaga wada dhaafo dembigii iyo dhagartii aynu maalintaa amranayd ka gallay. Madaxda qaranka ayaynu u ducaynaynaa oo Madaxtooyadu ugu horryaso oo maalintaa amranayd si badheedh ah oo ula-kac ah uga aammustay.
Aynu ku soo noqonno 22-guradii oo si la yaab leh saarka looga tumay. Waa saddex dhudood:
- Dadweyne mar walba jibbaysan oo jecel in ay si la yaab leh u soo baxaan,
- Dawlad (Xukuumad) ku muraadsata dabbaal-degyada, kan 22-guuradana iskaga dhaqdhaqaysay shakiyadii ka abuurmay shirarkii meydhaannaa ee hadba meel Soomaaliya lagula gelayay oo dadweynuhu shaki badan ka muujiyay,
- Madaxa iyo dadyow dan gaar ah laga lahaa oo loogu qiil-samaynayay si ay dibadaha ugu dhoofaan oo u soo gacan-mariyaan duluglaha isaguba tiisii la il-daran ee qurbaha ku silcaya. Hadba maqdarad meel laga dhigayo iyo xaflado la isku sawirayo. Alla hankoodu yaraa,
Aan biyo dhaco. Dabbaal-deg ayaa lagu qabtay subaxnimadii 18kii Meey Madaxtooyada. Habeennimadiina sidii dhaqanku ahaa Riwaayad ayaa la isku casumay. Abidkay xafladaha noocaas ah laba habeen ayaa la iiga tiriyaa. Ta hore waxay ahayd xuskii ugu horreeyay oo ku beegnaa 1994kii oo Cigaal Madaxweyne dalka ka ahaa oo aan xubin ka ahaa Guddidii Qabanqaabada. Mar labaadkii aan ka qayb-galayna wuxu ahaa 2012kii oo aan Wasiirka Warfaafinta ahaa. Markanna waan iskaga qasbanaa in kasta oo aanan xafladdii dhammaysan oo markii aan ku caajisay aan iskaga baxay iyada oo aan dhammaan. Waxa kale oo xus mudan in ay ahayd habeenka keliya ee ay Mujaahid Faadumo-cawo iyo Bilan Boobe I oo raaceen.
Habeenkaa waa la isu yimid. Riwaayaddii ayaa la bilaabay. Horto subaxnimadii waxa toos u soo tebinayay TV-ga Qaranka oo isku fillaa. Waxa weheliyay Universal oo Telesom ku lammaanaa iyo HCTV oo Somtel ku lammaanaa. Dhammaantoodba aan hambalyayno. Xil weyn ayay guteen.
Ma riwaayaddii iyo habeenkaa wixii Madaxtooyada ka dhacay baa? Kolleyba inta aan daawaday waxa si toos ah u tebinayay TV-ga Qaranka oo aan cidna ku lammaanayan Universal oo Telesom ku lammaanaa iyo HCTV oo Somtel ku jillaa. Meel aad u buuq badan ayay ahayd. Dadkii xilalka ugu sarreeyay dalka ka hayay ayaa makrifoonnadii ku qabsaday weriyayaashii oo xidhiidhintii galay subaxnimadii iyo habeennimadiiba.
Waxaan ku soo beegmay iyada oo lagu bilaabay Sahra Axmed Jaamac. Yaa salaam! Ma waxaan lagu bilaabin baa! Meel Sahra Axmed joogto cid kaleba in ay ka heesto ma aha. Ma sida ay luuqda ugu leexaysato. Waxay ku dhufatay: “Hadduu beerku qaybsamo.” Cid kale habeenkaa beerkeeda uma ay saarayn oo aan ahayn 18ka Meey ee qaan-gaadhka ahayd. Ilaahay ha ka abaal-mariyo.
(La soco…………………………)