Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Degdeg: Ilaa 5 Hoobiye oo lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya & Khasaare ka dhashay+Sawirro

$
0
0

 Ilaa 5 Hoobiye oo lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya 

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Hoobiyeyaal Duhurnimadii maanta lagu weerarray Xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyayaal oo garayey ilaa shan madfac ayaa la sheegay sababeen dhimasho iyo dhaawac, waxayna ku dhaceen Degmooyinka Wardhiigley iyo Boordheere ee Banaadir.

Mid ka mida hoobiyayaasha ayaa ku dhacay gudaha xarunta madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo mid kalena ku dhacay darbiga dambe ee Madaxtooyada, lamana soo sheegin khasaare ka dhashay.

Madaafiicda kale ayaa ku dhacay agagaarka Madaxtooyada sida suuqii hore Wardhiigley, Safaaradii hore ee Jarmalka iyo xarumo kale. Waxaa sidoo kale Hoobiyeyaal ku dhaceen qeybo ka mida degmada Boondheere oo saaran Madaxtooyada.

Hoobiye ayaa sidoo kale ku dhacay xero ay deganaayeen dad barakacayaal oo ku dhow Godka Jilicow. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ku dhinteena 2 qof , halka dhaawacana la sheegay inuu ka badan yahay 5 kale. Weerarka Hoobiyeyaasha waxaa goor dhoweyd war kasoo saaray oo mas’uuliyadiisa sheegatay Alshabaab.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>