
Wararka ka imanaaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi goordhaweyd lagu dilay allaha u naxariistee muwaadin Soomaaliya oo ka mid ahaa ganacsatada wadankaasi Koofur Afrika.
Muwaadinka Soomaaliga ah ee lagu dilay dalkaas ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi loona yaqiinay Farmaajo, waxaana lagu dilay tuulada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalkaasi Koofur Afrika.
Marxuumka ayaa la sheegay in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi xili uu ku guda jiray adeegista macaamiishiisa, waxaana wararku aay intaasi ku darayaan in ninkii dilay muwaadinka Soomaaliga isna lagu dilay isla goobta.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa inta badan la kulma dhibaatooyin badan oo loogu geysto dalkaas sida dilalka iyo dhaca loo geysto goobahooda ganacsi, iayadoo dowlada dalkaasina aay marwalba sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatada lagu haayo ganacsatada Soomaaliyeed.