Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Sawirka todobaadka+Xildhibaan ka soo baxay xisbiga Waddani oo Galay Madaxtooyada

$
0
0

Sawirkani hoos yaala waxa ka muuqda xildhibaan Jamaal Adan Diiriye oo ka baxay xisbiga Waddani isla markaasina lagu wado in uu taageero xukumadda xisbiga Kulmiye oo olole ugu jirta sidii gudoomiyaha golaha wakiilada loogu dooran lahaa xildhibaan Faratoon oo isna sawirkani ka muuqda.

Xildhibaan Jamaal Adan Diiriye  oo ka soo jeeda Bariga Hargeisa waxa uu ahaa xubin ka tirsan xisbiga Waddani isla markaana ka mid ahaa maamulka xarunta dhexe ee Hargeysa ee xisbiga Waddani 

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kulankaasi laga helay ayaa Xildhibaan Jamaal  waxa uu ka codsaday madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye in la siiyo wixii uu kaga soo digo rogon lahaa xisbiga Waddani oo  uu sheegay in laga  jecelyahay isaga oo carabka ku dhuftay in laga mid dhigo in uu ka mid noqdo shir gudoonka isaga oo xusay in deegaanka laga soo doortaa ayna xukumadda ka muuqan oo xilal lagu taxo.

Waraarka ayaa sidoo kale sheegaaya in aan wax balanqaad ah ayna xukumaddu siinin xildhibaanka iyo inta galbinaysay oo shaqsi kastaa uu eryanaayo dan gaar ah

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>