Sheekh Max’ed Cumar Dirir oo ka qeyb qaatey Olole Nadaafadeed saaka ka bilaabmay Hargeysa
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirrir oo ka mid ah Culimadda Somaliland ee qayb ka ahaa olalaha naafadda dooxa weyne ee Hargeysa ayaa Culimada dalka ugu baaqay in ay qayb ka qaatan olale kasta oo lagu nadiifinaayo dalka .
” Sheekhu maaha in misaajid nadiifa iyo goob nadiifa uun uu suge waa inuu doorkiisa ka qaataa , waana mahadsan yihin maamulka dawladda hoose “. ayuu yidhi
Sidoo kale wuxuu sheekhu yidhi
” Waxaan Jeclaan lahaa, haddii ay joogaan madaxdii dawladda hoose , inay madaxdii Ka Saraysay Ee dawladda dhexana Yimaadaan “
olalaha ayaa waxa ka qayb ahaa culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargeysa