Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Maxaa ka khaldan Axsaabta Somaliland?

$
0
0

Shacabka Somaliland waa dun xariira oo dulqaad iyo adkaysi aan la koobi karin leh, shacabkani isaga ayaa udub dhexaad u ah jiritaanka iyo qarannimada somaliland iyaka oo mar walba kaashanaya Guurtidiisa ma dhaafaanka ah ee u dhabar adaygay sidii ay xasilooni iyo deganaansho looga hir gelin lahaa dalkan halka siyaasiyiintu ahaayeen mar walba kuwii hurin jiray naca iyo kala fogaanshaha shacabkan xalaasha ah.

Haddaba markii xisbiyada siyaasadda la sameeyay waxa loogu talo galay in lagaga xuub siibto xanuunkan dilaaga ah ee qabyaaladda ragga hanka madaxweynennimo lihina ay shacabka u soo bandhigaan barnaamij cad oo ku salaysan horumar iyo wax qabad.

Xisbiyada maanta ka jira somaliland gaar ahaan Kulmiye iyo wadani qaabka ay u ololaynayaan waa fawda iyo qawqaaiyad ku salaysan qabyaalad maryo dhigatay oo ah wax laga yaqyaqsoodo oo abuuri kara nac iyo kala fogayn shacabka walaalaha ah.

Haddaba hoggaamiyayaasha xisbiyada waxa aan oga digayaa inaanay abuurin kacdoon shacbi oo si qayaxan u diida qaabkan ay u socdaan ee dhagarta xambaarsan.

Walaalayaal siyaasiga waxa laga rabaa inuu la yimaado wax uu qofka caadiga ah kaga duwan yahay oo ah aragti fog oo dadkiisa u horseeda horumar iyo barwaaqo deganaansho leh.

Wax la aqbali karo maaha qaabkan guracan ee labadan xisbi ku ololaynayaan.
Labada murashax ee labada xisbi xaq bay u leeyihiin inay ku tartamaan kursiga qaranka ugu sareeya iyada oo la dhawrayo karaamadooda qofeed lagana ilaaliyo waxii aflagaado ah iyakuna dhaliishoodu ku ekaato barnaamijyada labad xisbi.
Waxaan ku soo koobayaa
Ha la dhawro xasiloonida iyo deganaanshaha dhuleed iyo dadeed ee somaliland

Somaliland ha waarto
Ibrahim Duale Sulaiman
Talaabo
somaliland44@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>