War-Weyn: Wasiirka arimaha debeda S/land oo safar dhuumasho ama dhukusaad ah ku soo galay Hargeysa iyo duruufaha qasbay!.
Hargeisa-(Qaran-news)-Wasiirka arimaha debeda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa safar dhuumasho iyo dhukusaad ku soo galay magaalada Hargeysa, isagoo ku yimi safar xagga dhulka ah.
Wasiirka oo dhawaan magaalada Nairobi kaga qeyb galay shir lagaga doodayey sidii xeer loogu sameyn lahaa fursadaha dibudhis iyo maalgashiga ee ka banaan Somaliya oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen rugta ganacsiga Somaliya iyo rugta ganacsiga Kenya ,islamarkaana ay gadhwadeen ka ahayd wasaarada ganacsiga Somaliya ayaa fadeexad weyni la soo deristay dib markii uu shirkado ganacsi oo laga leeyahay Somaliland oo shirkaas lagu casuumay u kala diray qoraalo uu kaga joojinaayo ka qeybgalka shirkaas,isagoo shirkaas ku tilmaamay mid lidi ku ah qadiyada madaxbanaanida Somaliland balse isagu islamaalintii ku xigtayba ka dhex toosay.
Wasiirka ayaa ku dooday in shirkaasi ahaa mid Hayad laga leeyahay somaliland soo qabanqaabisey balse hadii hadalkaasi run yahay, Somaliland waa dal nabdoon ee maxay hayadu shirka Hargeysa ugu qaban weyday ee Nairobi ula doonatey? muxuuse wasiirku ugu diiday in shirkadaha ganacsi ee laga leeyahay Somaliland shirkaa ka qeybgalaan hadiiba shirka hayad Somaliland laga leeyhay daadihinaysay ama abaabulkiisaba lahayd?.
Waxa la yidhi xiliyadii Naasigu dagaalka ku jiray ayaa wasiirkii warfaafinta ee xukumadii Hitlar oo aftahan lagu tilmaami jiray maalin walba idaacadaha Jarmalka ka sheegi jiray guulo ciidamada Jarmalku gaadheen iyo dhul hor leh oo ay qabsadeen si aan taageerada dadweynaha Jarmalku xukumada Hitlar la garab taagnaayeen u shiiqiin,Hase yeeshee maalintii danbe ayuu sheegay Been weyn iyo in ciidamadii Jarmalku guushii u weynayd gaadheen oo jebiyeen Ruushka,qabsadeena Saybeeriya oo aad u qabow ahaydna dhufayskii ama difaacii ugu danbeeyay Ciidamada Ruushku fadhiyeen.
Yeelkeede Markii Hitlar maqlay warka wasiirkiisa warbaahinta geliyey ayuu isagoo cadho jiq la ah u yeedhay oo ku yidhi “saaxiib inaynu dadka War beena u sheegno waynu isku ogeyn balse Been Run u eeg inaynu u sheegno ayeynu isku ogeyne waa maxay bahashan waaweyn ee aad Umada ku dawakhisay maanta?.
Hase yeeshee Wasiirkii warfaafinta ee Hitlar ismabalurine si qabow ayuu u yidhi “Madaxweyne waxaa jirta Qaaciido siyaasiya oo ah been sheeg ,oo dadka u sheeg, oo ku celceli,dadweynuhu way rumaysan, aakhirkana adigiibaaba run u qaadan”.
Haddaba wasiirku intuu been run u eeg u qoray ganacsatadii Somaliland ee shirka lagu casuumay ayuu isagii shirkii uu u diiday ka dhex toosay,markaasuu haddana been kale sheegay oo yidhi shirka hayad Somaliland laga leeyahay ayaa soo abaabushay,markaasuu haddana been kale sheegay oo yidhi wasiiradii arimaha debeda ee Kenya Aamina ayaan shir balaadhan oo dibudhiska iyo maalgashiga Somaliya iyo Somaliland ku saabsan la yeeshay, oo haddana Been kale oo ka sii weyn ayuu sheegay oo yidhi arinta Hawada iyo diyaarahadaha Qaramada midoobay ayaan halkaas u tegay oo iyana waan maareeyay,yeelkeede dadkii wixii hore oo dhan ka rumaysan jiray iyo Oday Siilanyaba beenahan waaweyn ee uu ka soo diray Nairobi wey ka daadegi waayeen.
Amuuruhu si kasta u murugsanadeene wasiirka Arimaha debeda Maxamed Cabdulaahi oo qaar ka mid ah Wargeysayada Hargeysa ka soo baxa ku leh Bogag uu kiraysan oo amaantiisa uun qora ama baahiya faankiisa iyo fataadhugtiisa ayaa shalay dantu u run sheegtay,kuna qasabtay inuu ka dhuunto warbaahinta oo dhan oo macaal kuwaas uu bogaga ka kiraysaty ku jiraan, si aan waxba looga weydiin shirkii meeqaamkiisu hooseeyay ee uu dhex fadhiistay iyo beentii waaweynd ee uu u sheegay Qoyska madaxtooyada,Bulshoweynta iyo shirkadahii lagu casuumay shirkaa ee uu ka joojiyey.
Sida Qarannews Ogaatey Wasiirka oo safar xagga dhulka ku soo galay Somaliland ayaa baabuur kaga soo gudbay magaalo xuduudka Wajaale isagoo si weyn uga feejignaa ama uga taxadiraayey in warbaahinta maxalliga ahi wax ka ogaato imaanshihiisa si aaney wax su’aalo ah uga weydiin shirkii Nairobi iyo beentuu hurgufaayey ee dhegaha dadweynaha reer Somaliland geliweyday.
Geesta kale warar Qarannews ka heshay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaaya in Qoyska Madaxtooyadu lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen wasiirka arimaha debeda Maxamed Cabdulaahi ka dib markii uu maareyn kari waayey ama danbabasi kari waayey shirkii fashilmay ee uu dhex fadhiistay.
Isku soo wada duuboo xogahaas iyo kuwo kale oo Qaran-news heshay oo ka soo burqanaya Qasriga Madaxtooyada waxay isagu biyo shubteen in Madaxweyne Siilanyo iyo wasiirkiisa madaxtooyadu damacsan yihiin,wadwadaana khidadii ay saaxada golaha xukumada uga saari lahaayeen wasiirka arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi Cumar isagoo la sheegay in bedelkiisu diyaar yahay ,laguna wado inuu bedelo sarkaal sare oo ka shaqeeya xafiiska QM ee darfuur Maxamed Biixi Yoonis ,sarkaalkaas xoguhu intaas ku dareen inuu durbaba shaqadii hayad QM ka istiqaalooday,islamarkaana ku soo fool leh Caasimada Hargeysa dabayaaqada bishan Juun.
Qarannews
Hargeisa