Prof. Ahmed Ismail Samatar waa 70 jir aan weli khaladka iyo saxa kala garan !! qaybtii 1aad
Waxaa dhowaan Somaliland soo gaadhay Prof. Ahmed Ismail Samatar,oo ah shaqsi reer Somaliland ah,degan wadanka USA. Haddaba qoraalkan waxaan si kooban ugu dulmarayaa Prof. A.I.Samatar iyo sida aan u arko imaatinkiisa Somaliland,soo dhoweyntii balaadhneyd ee loo sameeyey iyo arimo badan oo kale ,oo aan isleeyahay in la fahmaa waa muhiim.Inta aan qoraalkan ku guda jiro waxaan isku deyi doonaa in aan jawaabo u helo,suaalo badan oo maalmihii ugu dambeeyey shacabka reer Somaliland iska weydiinayeen soo dhoweyntii balaadhneyd ee loo sameeyey Prof.A.I.Samatar.
Prof.Ahmed Ismail Samatar waa kuma ?
Prof. Ahmed Ismail Samatar waa nin aqoon yahay ah,mudo aad u dheerna ku noolaa dibadaha gaar ahaan USA ,oo uu macalin ka ahaa Jamacadaha wadankaas. Prof. A.I.Samatar ,wuxuu u dhashay,ku dhashay,qoys ahaan iyo qabiil ahaanna ka soo jeedaa Somaliland .Prof. Samatar waa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu mabda fog ,marka laga hadlayo qadiyada Somaliland,weliba wuxuu Prof. A.I.Samatar dheer yahay qaar badan oo la mid ah Aflegaado,erayo badan oo xanaf iyo xaasaasiyad xambaarsan.Ma ah erayo uu si qarsoodi ah u yidhi,ee waa qaar meel walba daadsan iyagoo cajilado ku duuban amase qoraalo ah. 30 sanadood ee ugu dambeeyey Prof .Samatar wuxuu ahaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii Somaliland loo dhibaatayn ahaa.
Prof Ahmed.I.Samatar muxuu aaminsan yahay mabda ahaan ?
• Prof. Ahmed .I.Samatar ,marka laga hadlayo mabda ahaan wuxuu si aad ah u aaminsan yahay erayga « Somaliweyn »,oo uu haysto in macnihiisu yahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay mid ahaadaan.
• Wuxuu Madax ka yahay Ururka loo yaqaan « Hiil Qaran »,mana jirto meel uu kaga baxay,meel uu kaga tanaasulay midna welina madax buu ka yahay.
• Prof. Samatar wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya,sida Musharax Madaxweynimada iyo Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka hadda ka jira Soomaaliya,kaas oo uu dhowaan iska casilay.
• Prof .Samatar wuxuu in badan isku deyey in xil ka helo Xukuumada xilligan ka jirta Soomaaliya,laakiin way u suurto geli weyday,xataa wuxuu isku deyey in helo Safiirka USA iyo wakiilka UN-ta balse ma suuro gelin.
• Prof.Samatar qalinkiisa ,qudbadihiisa,qalbigiisa intuba waa Soomaaliweyn,mana jirto,mana jiri doonto meel uu kaga tanaasulay.
Prof. Axmed I.Samatar iyo caalamka :-
• Prof. Ahmed I. Samatar ma aha Siyaasi ay caalamku yaqaan,ee waa macalin Siyaasada dhiga, waxaana fiican in dadka badankiisu ay kala fahmaan macnaha Siyaasiga iyo Macalinka Siyaasada ka dhiga jaamacad iwm ,runtii waa laba wax oo kala duwan.
• Prof Samatar,ma laha wadamo saaxibo Siyaasadeed la ah,ma jiraan wadamo taageera ,taasna waxaa marqaati cad u ah 30 sanadood ee ugu dambeeyey Prof .Samatar xil buu raadinayey Soomaaliya,mana heli xataa Safiir.
• Laakiin Prof. Samatar wuxuu leeyahay saaxiibo xagga waxbarashada ah,waana dhici kartaa haddii uu Madax ka noqdo Jamacada Hargeysa,jamacada Camuud amase guud ahaan Jaamacadaha Somaliland waa laga yaabaa in wax ku soo siyaadin lahaa.
Ujeedada Prof.Ahmed I.Samatar u yimid Somaliland ?
• Prof.Samatar wuxuu Somaliland u yimid in soo booqdo « Qabrigii Hooyadii »oo dhimatay intii uu ku mashquulsanaa Somaaliweyn,waa xaq, waana waajib(ILLAHAY naxariistii Jano ha ka waraabiyo ,isaga iyo dhamaan ehelkiina samir iyo iimaan—aamiin).
• Prof. Samatar wuxuu wadaa qoraal uu ku eegayo,xaaalada geeska Afrika,wuxuuna booqanaya Somaliland,Puntland iyo Itoobiya,mana aha shaqsi ka noqday wuxuu hore u aaminsanaa ee Somaliweyn.
Khaladaadkii Prof. Samatar maalmihii yaraa ee uu somaliland joogay.
Mudadii yareyd ee uu somaliland joogay Prof. Samatar ayaa wuxuu runtii galay khaladaad aad u waaweyn,lana odhan karo waxay meel ka dhac ku ahaayeen guud ahaanba Shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba,gaar ahaan waxay bahdil ku noqdeen,hooyooyinkii iyo dhalaankii qoraxda u taagnaa soo dhoweyntiisa,sidaa kale waxay ceeb iyo weji gabax ku tahay dhamaan madaxdii xukuumada ee kala hororsanay salaanta iyo soo dhoweynta Prof. Samatar.Khaladaadkaasi waxay ahaayeen :-
1. Wuxuu si cad u diiday Prof. Samatar in uu ka tanaasulo mabdi iisa ah « Somaliweyn »,runtiina waa fadeexad k u dhacday kuwii wax kale ka filaayey.
2. Wuxuu si badheedh ah u tuuray 2 jeer Calanka Somaliland ee qaali ah,mana aha wax markhaati u baahan,cidii doonaysa in ay aragtana waxay ka daawan kartaa batra aan ku leeyahay Facebook-ga ee abdi saleiman. Waxaa waajib ah Prof. Samatar iyo cidkastaaba ogaato in CALANKA Somaliland uu ku yimid hurista naf iyo maal fara badan,cid kasta oo ku khaldantaana waxay ku khaldantay Somaliland oo dhan.
Hadal iyo dhamaan maanta intaa ha inoo joogto,la soco qormada dambe iyo sidii loo soo dhoweeyey Prof Ahmed I.Samatar,iyo ujeedooyinkii laga lahaa.
Abdi M.Saleiman(Mingiste).
abdi_saleiman@hotmail.com
facebook- abdi saleiman
Twitter @-saleiman