Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay maanta soosaartay warbixinteedii Afar Biloodlaha ah ee 2021.

$
0
0

Warsaxaafadeed 8/09/2021

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay maanta soosaartay warbixinteedii Afar Biloodlaha ah ee 2021.

Warbixinta Xaruntu ay soo saartay waxa ay tilmaamaysaa tacadiyo ka dhana xuquuqda aadamaha oo dalka ka dhacay afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Tacadiyadaasi, oo isugu jira xabadeyn, xadhigyo sharci daro ah, caqabadaha ka taagan cabirka rayiga xorta ah, iyo sidoo kale tacadiyadda haweenka ka dhanka ah oo baryahan danbe Somaliland kuso badanaya.

19/04/2021, nin booliis ah oo ka tirsan Saldhiga Qudhacdheer, ayaa todoba xabadood labada lugood kaga dhuftay Cabdi-casiis Cabdilaahi Cabdi, oo ah wiil 19 jir ah oo degan magaalada Hargeysa. Muddo bil ah ayuu xidhnaa askarigaasi waana lasiidaayay.

Cabdicasiis waxa uu ilaa hadda u jiifaa dhawicii xabadahaas kasoo gaadhay.

Qodobka 24(2) ee Dastuurka Somaliland waxa uu leeyahay“Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa, waxaana reeban in waxyeelo loo geysto”

Dhinaca kale, waxa hada sifo sharci daro ah muddo todobaad ka badan u xidhan Xoghaye ku Xigeenki Warfaafinta Gobolka Awdal ee Xisbiga Mucaarad ka ah ee Ucid, Saleebaan Cawaale Good, kaasoo laxidhay 28/08/2021, xadhiga xoghaye ku xigeenku ku waxa uu yimid ka dib markii uu dhaliilo usoo jeediyay Badhasaabka Gobaolka Awdal.

Xadhiga xoghaye ku xigeenku waxa uu lidi ku yahay Dastuurka Somaliland, majiro waaran sharci oo loo-adeegsadey xadhigiisa ilaa hadana Maxkamed lama horkeenin.

Dastuurka Somaliland Qodobka 25 (1) waxa uu dhigayaa “ Qofna xoriyadisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn”

Sidoo kale Qodobka 32 (1) waxa ku cad oo uu leeyahay “Muwaadin kasta waxa u xor u yahay in uu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal suugaan ama qaabkale.

Xaruntu waxay walaac xoogan ka qabtaa dhamaan tacadiyadaas oo ah inta badan ah mkuwo soo noqnoqda.

Ø Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland in la helo meel iyo xeer lagula garnaqsado gefefka sharci ee booliisku gaystaan iyo in booliiska dib u habayn balaadhan lagu sameeyo.

Ø In si bilaashuruud ah loosii daayo Xoghaye ku xigeenka xisbiga Ucid ee Gobolka Awdal.

Ø In la joojiyo xadhigyada sharci darada ah een Dastuurka waafaqsaneyn.

Ø Sidoo kale in xeer ugaara loo helo tacadiyada alaaba ay wajahaan haweenku, inta xeer saxa la helayana lagusii dhaqmo xeerkii hore ee –xeer 2018.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka,

Hargeysa Somaliland

hrcsomaliland@gmail.com

Twitter: @hrcsomaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>