Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Magacyada dadkii somaliyeed ee lagu laayey Maraykanka iyo sawiro iyo faahfaahin dheerada ah oo ku saabsan dilka

$
0
0

Magacyada  dadkii somaliyeed ee lagu laayey Maraykanka iyo sawiro iyo  faahfaahin dheerada ah oo ku saabsan dilka

St.-Louis-meyd

St. louis-(Qaran-news)-Masiibo ka dhacday dalka Maraykanka Magaalada ST.louis ayaa waxaa ku naf waayey sadex qof oo Somaliya iyo qof kale oo ka soo jeeda Dalka Cambdoia balse dhamaantoodba haystay dhalasho maraykana.

St.-Louis

Falkan ayaa ka dhacay xarun daryeel oo nooca dadka waaweyn ah oo ku taala dhismo ama  goob laga dukaansado (Cherokee Place Business) oo ka soo horjeeda Xawaalada Dahabshiil. goobtaas waxaa ka dhacday rasaas,waxaana loo tegay Afar qof oo mayda.

hoo

Xogaha Qarannews ku heshay xagga isgaadhsiinta telefoonka waxay sheegayaan in ninkii agaasimaha ka ahaa ama lahaa goobtaa gacansiga u badan tahay inuu falkaa dilka ah gaystay,aakhirkiina isagu istoogtay.

St-louis-2

Ninka loo filaayo inuu dilka gaystay ayaa magaciisa la yidhaahdaa Axmed Dirir ,da’diisuna waxaa lagu qiyaasey lixdameeyo,waxaa kaloo dadka la dilay ka mid ah wiil uu Axmed Dirir adeer u ahaa oo la yidhaahdo saciid oo 26jir ahaa,waxaa kaloo ka mid ahaa dadka la dilay Khadra Muuse oo 44 jir ahayd  iyo gabadh u dhalatay dalka Cambdodia,

 

Isku soo wada duuboo weli sababa saxda ee dilka keenay ma cada.

Qarannews

Hargeisa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>