Fwd: Yaa gardaran Dr. Galaydh iyo G11? Wadahadallada Somaliland iyo Khaatumuse miyay kooxda G11 baajin karaan?

Yaa Gardaran Galaydh iyo G11?.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Gaal dil gartiisana sii”. G11 yaa aasaasay? Waxa aasaasay Dr. Galaydh laftiisa. Waxa la aasaasay sannadkii 2011 markuu dhammaday shirkii ugu horreeyey ee Khaatumo ee lagu qabtay London iyadoo waqtigaa la odhan jirey G6. Maxay ahayd ujeeddada loo aasaasay? Ujeeddadu waxay ahayd in la helo cid hagta oo shukaanta u qabata dhaqdhaqaaqan cusub ee ujeeddooyinka badan laga kala lahaa, si aanu faraha uga bixin. Yaa madax u ahaa? Bilowgii hore waxa madax u’ ahaa Dr. Galaydh oo isagu ahaa siyaasiga keliya ee ku jirey ee lahaa ujeeddooyin yool leh oo isaga mooyaane aan cid kale la ogayn. Haddaba goormay G11 u dallaceen? Maxayse ahayd ujeeddada laga lahaa? G11 waxay u dallaceen ka gadaal markii shirkii Taleex dhammaday, Dr. Galaydhna kursi ka helay Baarlamaankii Xamar. Ujeeddaduna waxay ahayd in maaddaama Dr. Galaydh dhexgalay siyaasad cusub oo aan degganayn, inuu helo cid u sii wadda hawshii Khaatumo oo uu kalsooni ku qabo, markuu rabona uu ugala wareego inta ka horreysana uu daaha gadaashiisa ka maamulo. Waxa kaloo muhiim ah, waqtigaa waxa jirey maamulkii Khaatumo oo Taleex lagu soo dhisay oo isaga laftiisa si aanu gacanta Dr. Galaydh uga bixin loo sameeyey saddex Madaxweyne oo is barbar yaalla! Waxa kaloo Taleex Dr. Galaydh ka sameeyey gole kale oo loo bixiyey “golaha sare ee dhaqanka” oo lagu mideeyey hoggaan-dhaqameedkii reerka. Golahaasna waxa guddoomiye loogu doortay Garaad Jaamac, Garaad Cali oo ah Garaad ay fikirka ku midaysan yihiin Dr. Galaydh.
Muddo laba sannadood iyo siddeed bilood ah dabadadeed, waxa soo afjarantay rajadii Dr. Galaydh ee Xamar. Arrintani waxay keentay in Dr. Galaydh la wareego dhaqdhaqaaqii Khaatumo ee uu bud-dhigaha u ahaa qorshayaasha badan ee kala hooseeyana u samaystay si aanu farihiisa uga bixin. Aug 2014 waxa si dhib yar Saaxdheer ugula wareegay maamulkii Khaatumo Dr. Galaydh, maalmo yar ka dibna isagoo la eryanayo isku caleemo saaray togga Eeri-go.
Waxa xusid mudan, in doorashadii Dr. Galaydh ka hor la sameeyey wax loogu yeedhay Baarlamaanka Khaatumo. Isla markiiba waxa fatwo soo saaray Dr. Galaydh uu ku kala dirayo xubnihii G11 maaddaama la sameeyey Baarlamaan! Maalintaa wixii ka danbeeyeyna G11 dib looma maqal.
Haddaba ninka sidaa u dadaalay oo hawlihiisii isugu dubba-rittay oo tallaabo walba uu qaadi doono hore uga sii fikiray in odayaal meel ay ku maqnaayeen aan la garanayn, wax qorshe ah aan lahayn, ay qoraallo mareegaha soo geliyaan oo isku dayaan inay baajiyaan hawlo gebogebo ah (wadahadallada Khaatumo iyo Somaliland) oo iyaga laftooda loo isticmaalay inay qayb ka noqdaan ma xaqbaa? Gari Ilaahay bay taqaannaaye way ka gardaran yihiin Dr. Galaydh. Hadday rabaan inay talada ku qabsadaan ha la yimaaddeen qorshe cad oo ay iyagu leeyihiin una madax bannaan yihiin.
Khaatumo ninkii ku qabsadaa Dr. Galaydh waa nin ka gardaran. Odayadan la baxay “Guurtida Khaatumo” hadday xal hayaan waxaa habboonaan lahayd inay la baxaan magac kale oo ay u madax bannanyihiin oo ay ku shaqo tagaan hadday dano siyaasadeed leeyihiin. Khaatumo ma qaybsanto waxaana ka madax ah Dr. Galaydh, ama isaga ha la talo noqdeen oo ha ka danbeeyeen siday horeba uga danbayn jireen. Ama ha dhiirradeen oo dadka Sool iyo Sanaag (koonfurta) iyo Buuhoodle (SSB) waxa keliya ee hadda la isugu imaan karaa ee ka dhexeeyaa waa abtirsiinyadee qayb ha ka noqdeen qorshe talo reer la isugu yimaaddo oo ka madax bannaan siyaasad iyo magac siyaasadeedba. Sidaa madaxdhaqameedku u badheedheen ha u badheedhaan, Dr. Galaydhna yaanay ku qabsan Khaatumadiisa ee faraha ha uga qaadeen.
Gebagebadii waxaan aad u soo dhoweynayaa sida ragannimada leh ee Dr. Galaydh runta ugu sheegay odayadan dhuumanaya ee aan ku dhici karayn inay dadka hor yimaddaan oo u sheegaan waxay doonayaan. Runtu ragga kama nixisee isagoo aan dhuumanayn oo bannaanka isa soo dhigay waxa Dr. Galaydh sheegay inaanay jirin wax G11 la yidhahdo, inaanay wax doora ku lahayn golayaasha Khaatumo, iyo inaan dib wax loogu dirsanaynba.
Waxaan ku soo afmeerayaa ninkii xiniinyo lehoow badheedh, Dr. Galaydh waa badheedhaye meel walbana iyo duruuf kastana wuu ugu ban baxay si uu u gaadho hadafkiisa.
By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)