Xirsi iyo morganoow aakhiro xisaab ayaa danbaysa ifkana xishoodku waa sad
Waxaa manta ayaandaro wayn oo aan lasoo koobi karaynin ah in wasiirka madaxtooyada xirsi cali xaji xasan uu dadka ka soo jeeda reerkiisa uu siiyo mashaariic aan la geynin gudida qandarasyada qaranka isagoo adeegsaday inamo reerkiisa ah oo u shaqeeya isaga iyo ninka baashe cawil la dhaho (morgan) la yidhaahdo ee siilaanyo sodoga u yahay hadaba cadaalad darada aynu ka dagaalamaynay ee aynu Somaliland inay ka xorowday gumaystihii kalikii taliska ahaa ee siyaad bare waxay ahayd mid ku sifoobay qabyaalad iyo reernimo cadaalad daro ah.
Hadaba waxa jirta in mashruuca Somaliland Payroll Registration oo ah mashruuc lagu diiwangelinayo dhamaan shaqaalaha dawlada ee soomaliland ka hawlgala xafiisyadooda dawlada isla markaana laga warhaynayo nadaamkooda shaqo ayaa wuxuu xersi iyo morgan ay amar ku siiyeen gudoomiyaha haayada shaqaalaha in mashruucaa ay siiyaan labada nin e magacyadooda la kala dhaho cabdiraxman faarax Geeljire oo ah xoghaynta khaaska ah ee wasiir xersi isla markaana ah inan uu abti u yahay xersi iyo Mukhtar Xusseen Yusuf oo isna ah agaasimaha IT-ka ee madaxtooyada oo ay morgan ilmaadeer ay yihiin mashruucan oo iminka socda loona xidhay xafiisyo badan oo dawladu leedahay sida baanka ,maaliyada , ayaa ah mid qiimihiisu dhan yahay 120.000 $ boqol iyo labaadan kun oo dollarka maraykanka ah hadaba mashruucan oo aan haba yaraadee lasoo marin gudida qandaraasyada Somaliland ama aan ahayn mid la shaaciyay ayaa ay qaateen labadaa nine e ka shaqeeya madaxtooyada islamarkaana ka soo jeeda qoyska madaxwaynaha waxaan manta aad iyo aad uga murugaysanahay soomaliland mudadii ay jirtay waligeed may dhicin waxa manta dhacaya iyo qabyaalada qaawan ee cadaalad darada ah ee masuuliyiinta shaadhka qaranka xidhani ay ku dhaqmayaan ilaahaybaan idinku dhaarshee umada reer somaliladneey ma idinla tahay dhalinyaradii reer soomaaliland waxan ay badaha u marayaan ee ay naftooda dahriibka ay ugu jiraan in ay gartood tahay .
Sidoo kale waxaan ogahay in mashruucyo kale oo fara badan ay qabtaan labadan nin iyagoo adeegsanaya dadyow aanay isku reer iyo isku magac ahayn oo iyaga u shaqeeya sida maantaba taagan ee ay tahay qalabka Finger Print ka loo yaqaan ee lagu xidhidhay xafiisyada dawlada si loo diiwaan geliyo shaqaalaha dawlada waxay isticmaalayaan oo ay adeegsanayaan dad u shaqeeya oo habeenkiina ay tilmaamaan labada nin ee ay xirsi iyo morgan ay ka danbeeyaan aduunyooy xaalkaa be waxaan dhaqan iyo sinjiyad aanay dadka reer soomaaliland u lahaan jirin inan sodog loo yahay oo reerkii uu inanta ka qabay ama sodogii la nool oo inan la yaal ah oo hadana sidaa bilaa xishoodka ah u dhaqmaya xirsina waxan leeyahay bari siilaanyo markuu tago xirsoow markii horeba bilaa aqoon ayaad ahayde halkeed ku noolaanaysaa se Somaliland dadkeeda yaad waji u dhigatay .
Qalinkii
Ifraah Maxamed Cabdirahman