Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

XORRIYADDA FIKIRKA IYO RA’YIGA

$
0
0

XORRIYADDA FIKIRKA IYO RA’YIGA

AHMED ADAN CALI ( HAYBE}

Akhlaaq bur-burka iyo dabar la’aanta hadalku waxay hoos u dhigaan maqaamka qofku ku leeyahay bulshada, iyada oo la raac-raaco dhaqanka iyo qiyamka reer galbeedkuna waxba kama tarayo xaaladda siyaasadeed iyo ta dhaqaale.,halka ugu sarraysa ee saqaafadda ama dhaqanka islaamku leeyahayna waa qabsashada qiyamka iyo hanaan akhlaaqeedka wanagsan ee uu jeexay.

Xoriyadda hadalka waa in qofku aragtidiisa ka dhiiban karo, siyaasadda iyo guud ahaan arimaha bulshada, iyo inuu si xor ah ula doodi karo qof kale. Iyo inuu muwadinku xor u yahay inuu qoro aragtidiisa isaga oo aan ka baqeyn in lagu ciqaabo. Laakiin waxaa jira xad, qofku xor uma aha inuu ku hadlo ama qoro wax kasta oo maskaxadiisa ku soo dhaca.

Sidaa daraadeed waxaa jira sharciyo xadidaya , Tusaale ahaan sharcigu ma ogola in hadal cunsuriyad ama nacayb kooxeed loo soo bandhigo bulshada dhexdooda oo laga doodo, ama war aan jirin laga sheego muwaadin ama masuul shakhsiyadiisa (BUHTAN} kaasi oo lagu duudsiyo xuquuqdiisa qofnimo, laguna sharaf dilo, dhibaatona ka dhalato.

Somalildu waxay tidhi “Haddan af  xumaan gacani ma xumaato”.

Qof walba xaq ayuu u leeyahay inuu dhiibto fikradiisa iyo sida wax ula muuqdaan, inuu naqdiyo ama khilaafo fikrad uu qabo qof kale, ama urur kale haday tahay madaxada dalka u sareeyaba , haddii aanay ku fadhiyin diinta.

Islaamku isagoo taas dhiirrinaya wuxu ku sheegay dhaliisha loo soo jeediyo madaxweynaha ama suldaanka inay tahay ta ugu fadli badan jihad. Nebigu sidaas waxa uu yidhi mar la weydiiyay jihaadkee ayaa ugu fadli badan  Nebigu (scw} ku jawaabay (kelmad xaqa oo laga hor yidhi suldaan xad gudub badan.( keligii taliye aan cidna dhegaysan].

Quraanka kariimka ahina waxaabu umada Nebi Muxamad (SCW}ku amaanay inay yihiin dad wax isu sheega oo aan ka waaban inay waxa wanaagsan isu sheegaan waxa qaldana isaga digaan, (Waxaad Tihiin Ummad La Soo Saaray Ta Ugu Kheyrka Badan , Waxaad Is Fartaan Wanaagga Waxaanad Isu Diidaan Xumaanta). AllaCimran

Sidaas ayay xaaladdu ahayd xilliyadii wanaagsanaa ee islaamku soo maray gaar ahaan xiligii afarta khulafa’u-raashidiinka iyo waqtiyo kale oo ka dambeeyayba.

Waxa uu muwaadinku xaq u leeyahay inuu tibaaxo argtidiisa siyaasadeed, kana qeyb qaato hawlaha siyaasadeed ee waddanka ka jira, waxa uu ka mid noqon karaa urur siyaasadeed amaba ururada kale ee bulshada inta lagu jiro xayndaabka  islaamka.

Dhinaca siyaasadda oo keliya maahee waxa kale oo islaamku ilaaliyay xaqa uu qofku u leeyahay in uu guud ahaanba maskaxdiisa kaga shaqaysiiyo isagoo soo bandhigi kara wax kasta oo aqoon iyo horumar u keeni kara gebi ahaanba bulshada, sidaas awgeed waxaad arkaysaa quraanka kariimka ah  oo inagu dhiirrinaya had iyo jeer  in aynu adeegsano  caqliga si garashadeena iyo wacyigeenu u koro, sidaas daraadeed islaamku kama soo hor jeedo wax allaale wixii aqoon ah ee ay soo kordhiyaan aqoon yahanku, hadday tahay xaga sayniska, tiknoolajiyada, cilmiga caafimaadka, cilmiga astaroonamiga iyo hawada sare.

Dhinaca reer galbeedka iyo waayaha qaarkood sida ay u arkayeen soo korodhka aqoonta iyo afkaaraha aqoon yahanka waxay kugu noqonaysaa layaab, iyo inay kugu adkaato inaad aqbasho.

Xorriyadda hadlka ee aynu rabnaa waa mid ku fadhida islaamka

Waxa inagu filan Xikmaddahan Khaliifkii 1aad Abuubarka Asidiiq RC

 

“Kheyr ma laha hadal aan ilaahay dartii loo odhani, kheyr ma laha xoolo aan lagu bixin jidka ilaahay, kheyr ma laha ka ay aqoon yaraantiisu ka xoog badato dulqaadkiisa, kheyr ma laha ka canaanta dadka uga baqa ku dhawaaqidda  xaqa”.

 

Masuulyiintii gobolada qoraaladii uu dirayn waxa ka  mid ahaa
“Wanaagana is fara xumaantana iska reeba , ogaada qofka muslinka ahi ma dulleeyo naftiisa. Anigu waxaan la jiraa qofka taagta daran ilaa iyo inta uu yahay mid dulman”.

“Xaqa hawga tegina canaan ka baqasho,  ilaahybaa idinkaga filan ciddii dhibaato idinla damacda.”            “Dadka hadal wanaagsan ku dheha”

Qoraal iyo odhaah kastaa waa inay noqotaa mid waxtar leh oo  xikmad iyo macno weyn xambaarsan waxna soo kordhin karta.

Qalinkii:AHMED ADAN CALI ( HAYBE}

 

Email:Ahmed26june@yahoo.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>